Archive for April, 2017

Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo “Jiritaanka Khaatumo Waa Muqadas”-VIDEO

Madaxweynaha Ku xigeenka maamul khaatumo mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu si weyn hadalka ugu xejiyey jiritaanka Khaatumo waa muqadas, waxaanad mooda in uu arrinkani yahay mid aanu mahadinaynin Mr Galaydh oo isagu aad u jecel maamul beeleedka Somaliland.

Share

Ooridda Madaxweynaha Suuriya Oo Dhalashadii Ingiriiska Laga La Noqday-Sawiro

Madaxweynaha dalka suuriya Bishaar Al Asad ayaa xaaskiisa oo haysatey dhalashada wadanka ingiriiska ayaa la sheegay in lalaga noqday dhalashadii wadankaasi waxaana sabab looga dhigay iyadoo si toos ah ula safatay tacadiyada uu geysto wadankiisa, horayna waxaa looga mamnuucay wadamada Yurub.

Share

Shiinaha oo tarxiilay haweeney “basaas” ahayd

Haweeney ganacsato Maraykan ah oo uu Shiinaha ku helay in ay jaajuus ahayd, ayaa hadda gaartay dalka Maraykanka, ka dib markii ay maxkamadi amartay in la tarxiilo.  Sandy Phan-Gillis ayaa Talaadadii lagu xukumay saddex sano iyo bar xabsi ah, balse waa la sii daayay maadaama ay in ka badan laba sano xirnayd ka hor inta […]

Share

(Inaalilaah Wa inaa ilayhi Raajucuun Murugo Waa Tan oo kale Bal Qisadan Maanta Buuhoodle ka Dhacday Akhri Subxaan)

Sahra Maxamuud cabdi Waxay Dhakhtarka Buuhoodle kula jirtay Wiilkeeda iyo Ninkii Qabay oo Xanuunka Shubanku Hayey.  Waxay Reerkii Miyiga Kaga Timid Labo Wiil oo ay Dhashay oo kala ahaa Cabdinuur Axmed Cabdi iyo Yaasiin Axmed Cabdi oo Dhalasho isku Xiga.

Share

Kuuriyada waqooyi oo markale tijaabisay gantaalo

Kuuriyada waqooyi ayaa gantay gantaal kale oo ah nooca Ballistica , Saacado uun kaddib markii xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka Rex Tillerson uu ku baaqay in si adag loo wajaho xukuumada Kim Jong-un.

Share

ABAARTII DABADHEER, 1974-1975: XERYIHII GARGAARKA, BEER IYO CAYNABO IYO KAALINTII TAKHAATIIRTII XOOGGII DALKA SOOMAALIYEED

Odhaahda Tifaftirka: Guud ahaan Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxaa saamaysay Abaar ba’an ( 2015) oo loogu magac daray “Siman”, taasi oo sintay xoolo iyo dad-ba. Dad lagu qiyaasay 6.2 milyan ayaa la sheegey in ay la il daran yihiin macaluul, islamarkaana qarka u saaran in ay gaajo u dhintaan. Abaartan Siman oo ka hortegeedu […]

Share

Wasiirka Kallumaysiga Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Arimo Muhiim Ah-VIDEO

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka qayb galay bandhig ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen shirkado waaweyn oo iyagu ka ganacsada kalluunka, waxaanu shirkadahaasi ka dhaadhiciyey in loo fududayn doono hadii ay u baahdaan.

Share

Muxuu Salka Ku Hayaa Kulanka Caynabo Ee Galaydh Iyo Saaxiibkiis Siilaanyo?!!

Sida aanu ku helayno wararka hoose waxay sheegayaan maalmahan soo fool leh waxaa magaalada Caynaba oo ah meeshii uu ka bilaabmay wada hadaladii lagu mijaxaabinayey maamulka Khaatumo ayaa lagu wadaa inay noqoto meesha lagu soo afjari doono shirarkii qooto qootada ahaa ee Itoobiya iyo Jabuuti lagu soo qabtay.

Share

Amnesty International oo Baaq u Dirtay Puntland

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaaugu baaqday maamulka Puntland in uu joojiyo qorshe uu doonayo inuu ku daldalo laba wiil oo maxkamad milatari ay bishii February ku xakuntay dil.

Share

Kooxdii Dhallinyarada Isxilqaantay Ee Buuhoodle Oo Xisaab Celin Samaynaya-VIDEO

Koox dhallinyaro ah oo aad u firfircoon hormoodna uu ka yahay Cabdiraxiim Rabiish oo iyagu si weyn uga hawlgalay dhakhtarka Daryeel ee magaalada Buuhoodle, waxay soo bandhigeen xisaab xidhkii, waana arrin lagu farxo inay sameeyaan xisaab celin, waana inta loo baahan yahay in mar walba la sameeyo.

Share

Diidmada Ciidan Soomaaliyeed Yaa Ka Dambeeya?!!!

Waxaan wada ogsoonahay in dalka soomaaliyeed lahaa ciidanka xooga qaranka soomaaliyeed oo difaaci jiray dalka bad,cir iyo dhulba.hayeeshee nasiib daro wuxuu burburay 1991 oo dalku galay dagaalo sokeeye.Markii ciidankii meesha kabaxay waxaa lumay amaankii gudaha gabi ahaan tiiba,kadibna waxaa soo galay cirkii iyo badii iyo barigiiba cadawgii shisheeye.

Share

Trump “Ilaalinta Sacuudiga dhaqaale badan baa nagaga baxa”

Madaxweyne Trump ayaa dhaliilay heshiiska difaaca ee Maraykanku uu kula jiro boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuuna sheegay in uu yahay mid hal dhinac u janjeedha oo Sacuudiga dan u ah.

Share

Qorshe La Doonayo In Jaalliyadaha Khaatumo Lagu Burburiyo, Si Looga Hortago Shirweynaha Isimadu Ku Baaqeen

Sida aanu ku helayno xogahaa hoose ee aan inta badan dadka loo sheegin waxay tibaaxayaan in qolyo badan oo xilal ka haya jaalliyadaha khaatumo ee qurba joogta ah in la caydhin doono.

Share

Budhcad Badeed Xabsi Da’in Lagu Xukumay Wadanka Maraykanka

Burcad badeed Soomaali ah ayaa inta noloshiisa ka harsan ku qaadan doona xabsi federal oo Mareykanka ku yaalla, sababo la xiriira inuu weerar ku qaaday Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka, sanadii 2010.

Share

Gabadh Soomaaliyeed Oo Duuliye Ka Noqotey Maraykanka-VIDEO

Gabadh soomaaliyeed oo la yidhaahdo Maryan Cumar waxay qaadatay sadex sanadood oo luqada ingiriisiga ah ka dibna waxay gashay waxbarashada oo loo ogolaaday, dhowr shahaado ayey qaadatay markii dambe waxay uga gudubtay barashada duuliyanimada soomaaliyeed.

Share

Liibaax Xasuuq Baan Ka Geystey Nairobi Oo La Toogtay-Sawiro

Xero weyn oo lagu xanaaneeyo liibaaxyada wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa mid ka mid ahi oodda soo jabsaday, waxaanu helis geliyey shacabkii halkaasi ka ag dhawaa, hase ahaatee wuxuu dilay hal qof, sadex kalena wuxuu gaadhsiiyey dhaawacyo culus, dadka intii kalena waxay noqdeen kuwo lafahooda la baxsaday.

Share

Qarax weyn oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Dimishiq

Qarax weyn ayaa ka dhacay meel u dhaw garoonka caalamiga ah ee Dimishiq ee dalka Suuriya. Qaraxaasi waxaa xigay dab xoog leh oo goobta ka kacay, mana jira ilaa iyo hadda wax war ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dabkaasi. Waxaana sidoo kale wali caddeyn waxa sababay qaraxa.

Share

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Heshiisyo Kala Saxeexday-Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Share

Dowladda Shiinaha oo 10 Malyan oo doolar ku tabarucday dadka ay abaaraha saameeyeen + Sawirro

Madaxa Barmaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada WPF ee Soomaaliya, safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliyo iyo wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina Dowladda Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu wareejinayay deeq lacag oo gaareysa Toban Milyan oo Doolar (10,000$) oo Dowladda Shiinaha ay ugu tala gashay dadka Soomaaliyeed oo ay abaarta saameysay ,iyadoo […]

Share

Turkiga oo hawlgal ku xirxiray 1,000 ruux

Booliiska dalka Turkiga ayaa xirxiray 1,000 ruux oo looga shakisan yahay in ay qayb ka ahaayeen dhaqdhaqaaq lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 2016kii.

Share

Wareysi Abwaan Cali Mire Cawaale ” Yaa alifey heesta Qaranka iyo Qodobo kale

Abwaan Cali Mire Cawaale oo isagu ka mid ah suugaanleeyda ka soo jeeda deegaanada SSC, wuxuuna ahaa abwaankii sameeyey heestii caan baxday ee soomaaliyeey toosooy ahaydna astaantii calanka soomaaliya, hase ahaatee Abwaanka oo hada ku nool wadanka maraykanka wuxuu si cad uga waramayaa heestaasi in uu isagu curiyey.

Share

Saraakiil Laanta Socdaalka Soomaaliya Ka Tirsan Oo Tababar Ku Qaadanaya Garoomada UK

Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Tababar ku qaadanaya garoomo ku yaalla dalka UK, iyadoo tababarkan uu yahay kii labaad muddo lix bilood gudahood tababar loogu qaado Qaaradda Yurub.

Share

Netanyahu oo diiday in uu la kulmo wasiirka arrimaha dibadda ee Jermalka

Ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday kulan uu la yeelan lahaa wasiirka arrimaha dibadda Jermalka oo booqasho ku jooga Israa’iil.

Share

Horgalo isku jawaabay & website yada khayaano u guulwadaysa oo soo kala dhawaysatay – Video

Waxaa maanta magaalada Buuhoodle, tiro kooban oo dhalinyaro ah kula hadlay Mr Xaglo isaga oo jawaab hawada u mariyay Mr Camay oo dhawaan ka hadlay dayuuradaha imaanaya Buuhoodle. Waa dhaqan soo jireen ah in dhulbahante ay iyagu isku xiniinyo wayn yihiin, si ay isku muujiyaana waa in ay weerar afka ah ku qaadaan midiba midka […]

Share

Wasiir Shabac Xagee ayuu ku dambeeyay?

In dhawayd shacabka reer Khaatumo waxay is waydiinayeen halka uu ku danbeeyay wasiirka iskaashiga iyo xidhiidh ka caalamiga ee Khaatumo Mr Shabac, hadaba xuuraamin ay sameeyeen hawl wadeenada www.ruugcadaa.com ayay ku guulaystay inay heleen xog rasmi ah. Anaga oo warka oo tafatiran dhakhso idiin soo gudbin doona dhawaan, waxaadse ogaataan in wasiir shabac oo in […]

Share

Afhayeenka Jaaliyadaha SSC ee Wadanka Maraykanka Oo Ka Hadlay Kooxdii Cadaanka Ahayd Ee Buuhoodle Timi-VIDEO

Mudane Cabdifataax Axmed Maxamed oo ku nool wadanka maraykanka isla markaasina ah afhayeenka jaalliyadaha ssc ee wadankaasi, mar uu ka waramayey kooxdii cadaanka ahayd ee soo gaadhay magaalada Buuhoodle wuxuu ku sheegay in aan ilaa hada la xaqiijinin hay’adaha samafaleed ee ay ka socdeen, balse loo malaynayo hawlo kale inay u socdeen.

Share

Wiil Soomaali Ah Oo Loo Diiday Sharciga Ayaa Dabaq Iska Soo Tuuray-VIDEO

Wiil soomaaliyeed oo ay da’diisu gaadhayso 20 jir ilaa 25 jir ayaa dabaqa sadexaad ee gurigii uu deganaa wadanka talyaaniga gobolka Falooreensa iska soo tuuray, sidaasna ku waayey naftiisi, waxaanay arrintani noqotey mid argagax ku riday soomaalidii qaxootiga ku ahayd gurigaasi.

Share

Farmaajo Ayuu Lagu Wada Inuu Tago Wadanka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambabaxo dalka Turkiga, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyib Erdogan.  

Share

Saadaashaydii Gu’ga Ee Xiddigiska Ahayd Waxay Noqotay Dhab!!

—#Faaliye sidaan ahay adduun waan ku foognahaye –Faynuus iyo ilays baan sitaa dibadda fiirshaaye –Fiidkii ma seexdee intaa waan fekerayaaye. –Falagga iyo xidigahan qoraa fasalka #jiilaale –Farsamada Illaah baan intaa saw fajacayaaye –Fahan buu #Adduun kaa rabaa lagaga faa’iidye!! –Farshaxamada #cirkiyo #dhulkaan fiiriyaa abide –Fasaaxaadka #samadaan arkaa shay ka fara dheere! –Fadaaggiyo #cirjiidhaha intaa waan […]

Share

Yurub Geenyo oo hees ugu jawaabtay Xidigaha Geeska – Video

Fanaanada Soomaaliyeed ee Yurub Geenyo ayaa hees caqli celin iyo hogo tusaalayn isugu jirta ugu jawaabtay kooxda Xidigaha Geeska oo si cunsiriyadaysan dhawaan kooxda ka eryay afar fanaan oo kasoo jeeda Awdal. Halkan Ka Daawo Waan Fogaatay Mooyee, Waan Jeclaa Agjoogiina www.ruugcadaa.com

Share
Powered by WordPress