Archive for February, 2017

Weriye Coldoon Oo La Sii Daayey

Maamul beeleedka Somaliland waxay dib xoriyadiisa ugu soo celiyeen Cabdimaalik Coldoon oo ay dhawaan si sharcidaro ah ugu xidheen xabsiga magaalada Hargeysa, iyagoo markaasi qiil iyo marmarsiiyo ka dhiganaya Farmaajo ayuu taageeray oo xamar buu ka yimi, runtiina arrintani waxay fajiciso ku noqotey gebi ahaanba soomaalida, ilaa hadana ma haystaan sharci ay meel u dhigteen […]

Share

Wax Ka Baro Waayaha Iyo Duruufaha Ku Gadaaman!!!

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa haweeney macalimad ah is dhextaagatay ardaydii ay wax u dhigaysay oo fasalka Shanaad ku jirta, wayna salaantay iyada oo ku tiri waan idin jeclahay dhamaantiin iyada oo isha ka dad-baysa ama ka duweysa Hal Wiil oo lagu magacaabo Teddy.

Share

WEHELKA WERIYAHA (Qaybtii 3aad)

Waa sheekadii ku bilaabmatay maxaa Calaso iyo Saaxibadii loo HAARAAMAYAA? Qaybtan waxaan ka soo qaadanay buugayga WEHELKA WARIYAHA 1. Wariyayaashu waa inay rumaysan-yihiin in kor u qaadka wacyiga bulshadu inu yahay waxa ugu horeeya ee lagu gaari-karo cadaalad iyo horumar. Xilka saaran wariyaha waa kordhinta garaadka bulshada, isaga oo u maraaya raadinta runta ama xaqiiqada […]

Share

Xafladii Farmaajo Ee Holland Iyo Fanaanadii Siciido Shiino Oo Kaalin Mugleh Ka Qaadatay- Daawo

Dhawaan waxaa wadanka Holland lagu qabtay xaflad si weyn loo abaabulay taasi oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo gebi ahaanba ummada soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ku nooli ay u soo dhaweeyeen si niyadsami ah, mid jeclaa iyo mid necbaaba, waxaana ka dhacday AAR FARMAAJO II GEEYA….

Share

QISO KU CIBRO QAADASHO MUDAN

Waa Gabar Diin iyo iimaan leh oo Ammaan Dumar ay ku idishahay, balse Aadanaha lama helo Ruux ka dheregsan Wanaag oo idil, ileen qof walba Cillad lagama waayo Gabadhani waa Curyaan oo ilaahay ma siinin Lugahii Quruxdeeda Dhamays tiri laheyd, balse waa Ruux Qadarka Aaminsan oo ku Faraxsan Abuurista ilaaheey. Waa Gabar dhistay Nafteeda oo […]

Share

Kooxdii Cali Khaliif oo kulan qarsoodi ah xidhxidh kula yeedhay horgalo 

Warar haatan nasoo gaadhaya ayaa xaqiijinaya in Mr Galaydh oo hore lagu sheegay inuu u baxay safar uu kusoo indho indhaynayo xaaladaha abaaraha ay xaqiiqadiisu noqotay kulan uu tuulada xidhxidh kula qaatay horgalo kasoo jeeda beeshiisa. Dhanka Somaliland waxaa horkacayay Baashe Cali iyo dhakool oo ah xildhibaan SL ah, sidii caadada ahayd hogaanka Khaatumo ee […]

Share

Xadkaaga Ha Soo Dhaafin (Qaybtii Labaad)

1. Sheekadu waxay inoo maraysay, maxaa loo Haaraamaya Calasow iyo saaxibadii? Nooca saxaafadda ee u isticmaalaan Calasow iyo saaxibadii dadka qaarkii waxay oran karaan waa saxaafada loo yaqaan saxaafadda ‘xadantada’ (Yellow Journalism, ama sensationalist journalism) oo inta badan shuccur abuurta markhatina aan loo raadin. Saxaafaduna iskeedba waa ganacsi lagu kala iibsado badeecad ah wararka iyo […]

Share

Beesha Biimaal oo Madaxweyne Maxamed Farmaajo Ka Codsaday In Dagaalka Marka Soo Faragaliyo…

Kadib Kulan si heer sare ah loo soo Agaasimay oo maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Waxgaradka iyo Duubabka dhaqanka Beelweynta Biyomaal ayaa waxa ay kaga hadleen Xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan xiisad Beeleedyada dib uga soo cusboonaaday Gobolkaasi.

Share

Kooxda Cali Khaliif Oo La Siiyey Xisbiga Ucid- Video

In badan baa la is weydiinayey waar Faysal Cali Waraabe Iyo Cali Khaliif maxaa isku dhejiyey, xisbi ku sheega Faysal Cali Waraabena markii uu arkay inuu ku saaqiday  hardan beeleedka Somaliland, wuxuu markan is tusay inuu kooxda Cali Khaliif kaga magac raadsado kuna faano inuu soo xera geliyey kooxdii uu awal odhan jirey Khaatumo seeg, […]

Share

Dab Xoogan Oo Kacay Suuqa Bakaaraha

Wararka ka imaanaya Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Suuqaasi ka kacay Dab Xoogan oo aan la xaqiijin waxyaabaha ugu badan ee uu ka dhashay dabkaasi.

Share

Sh. Aadan Siiro oo xariga Coldoon Naceb Beeleed Ku Tilmaamay In Lala Dagaalamo S/land Amray

Sheekh Aadan Siiro oo culimada Hargaysa Ugu waweyn Ah Ayaa Ka Hadlay xadhiga Soomaliland U gaysanaysey Shaqsiyaad caan Ah. Waxa Uu Sheegay Sheekh Aadan Siiro inay ka Xun yahin markii Soomaliland fashilantay oo hantidii dalka Iibsadeen,Inay dadkii Bulshada Wax tarka U lahaa Inay xabsi geeyaan Kadibna Ay Amraan Inaan lasoo booqan Karayn Dadkaasi Xidhan.

Share

Siilaanyo Oo Xaaladiisa Laga Dayrinayo Iyo Masuuliyiin Ka Hadlay-Video

Hogaamiyaha maamul beeleedka Somaliland duq Siilaanyo ayaa la sheegayaa inuu xaaladiisa caafimaad aysan wacnayn sida ay sheegeen qaar ka mid masuuliyiinta maamulkaasi, waxay tibaaxeen in la isku hayo in madaxa laga qalo iyo in sidaasi loo daayo kuna shaqeeyo, inkastoo caafimaad daradu aysan ahayn wax lagu farxo misana arrinkaasi ayaa hada dibada u soo baxay.

Share

SEYGII SAAQIDKA AHAA (QAYBTII 7AAD)

Markii laga reebo in meeshu nalagu hayaa aysan ahayn xabsi rasmiya oo qalabeysan, looguna talagalay in dadka faldanbiyeedka geysta lagu xiro, haddana waa hool weyn oo u sameysan sida bakhaar ballaaran oo is ku dhex furan. Rag, dumar, ilmo iyo waayeel, intaba waa la is dhex jiifaa. Hal musqul ayay meeshu leedahay, taas oo feyl […]

Share

Xiriirka Trump iyo saxaafadda oo sii xumaaday

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan sannadkan ka qayb gali doonin cashada sannadlaha ah ee ururka wariyeyaasha aqalka cad. Tallaabadan ayaa timid ayadoo uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya warbaahinta qaarkeed iyo aqalka cad.

Share

Ciidamada Difaaca Buuhoodle oo kooxdii Caynaba ka mambuucay Buuhoodle – Video

Taliyaha ciidamka difaaca Buuhoodle oo saxaafada lahadlay ayaa ka dhawaajiyay in amaanka magaaladu yahay mid aad u fiican isla markaana cida kaliya ee carqalada kuwadaa ay tahay kooxda Cali Khaliif, taliyuhu wuxuu ka digay in kooxdan ay yimaadaan magaalada. Kooxda Cali Khaliif ayaa colaad ka dhex hurinaysa shacabka walaalaha ah ee wada daga gobolka Cayn, […]

Share

Xaalka Dhabta ah ee Puntland Warbixin dheer oo xasaasi ah Dhinacyo badana taabaneysa

Madaxweynaha maamul goboleed Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey Dibad wareeg iska ahaa ayaa lagula taliyey in muddada uga dhiman xilkiisa ku shaqeeyo magalaada Bosaso kana guuro Garowe sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay Xogta ayaa sheegeysa in gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi uu Madaxweynaha Puntland taladaan siiyey isagoo […]

Share

Waxaanad Hubin Ha Sheegin!!! Part 1

1. Maalmahan waxa la HARAAMAYA Daahir Calasow iyo saaxiibadii oo la leeyahay isbaarada internetka taal qaata. Taas xaq looguma leh, shaqada warfaafintana ma ahainay cid raaligeliso.Isla markaana ma aha inay wax aan jirin inay sheegto. Waxaanse yaabay markii Daahir Calasow ku cataabay, ‘Ilaa iminka bun-sharuur ima soo gaarin.’ Malaha wuu kaftamayay.

Share

Ciidamada Dabagalka Iyo Macluumaadka Ee Ruushka Oo Bilaabay Hordhac Dagaal Qabow

Militariga Ruushka ayaa markii ugu horeysay qirtay heerka uu gaaray dagaalkooda ku saabsan akhbaaraadka internet-ka.  Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaariyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qabow.  Sergei Shoigu ayaa sheegay in “Ciidamada dabagalka macluumaadka” ay ka qeybgaleen “jaajuusid iyo dacaayad wax ku ool aha”.

Share

Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajnabiga ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah horjoogayaasha ajnabiga ah ee Al-shabab, kana mid ah kooxda qaabilsan marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed.  Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Horjeege Ajinabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa ku raad joogay muddo shan bil ah oo ay ku dhuumaaleysaneysay qeyba kamid ah degmooyinka gobalka […]

Share

Masiixiyiinta Masar oo ka qaxaya Sinai

Tobanaan qoys oo Masiixiyiinta Qibdiyiinta reer Masar ah, ayaa ka qaxay degmada woqooyiga Sinai ka dib markii dad doora oo masiixiyiin ah ay ku dileen todobaadyadii la soo dhaafay mitidiin loo malaynayo in ay islaamiyiin yihiini.

Share

Maxaa ka jira in Garaad Saleebaan G. Maxamed la kulmay wafti Somaliland ah – Cod

Ahmed Yuusuf Garaad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin lagu daabacay warbaahinta SSC qaar oo sheegaya inay kulmeen garaad saleebaan garaad maxamed iyo wafti ka socda maamulka somaliland Ahmed yuusuf wuxuu ku tilmaamay hadalkaa mid lagu qarinayo waxyaabaha ka socda imaaraadka ee wada-hadalo lagula jirto maamulka somaliland Halkan Ka Daawo www.ruugcadaa.com

Share

DAWLADDA INOO DHALATAY IYO WAXA LAGA SUGAYO!!

Waxaa dhowaan la soo doortay madaxweyne cusub oo lagu magacaabo Mudane MAXAMED Cabdullahi M. Farmaajo. Dadweynaha soomaaliyeedna meel kastoo ay joogaan ,gudaha Dalka iyo dibaddiisaba aad ayey u soo dhoweeyeen MADAXWEYNAHA cusub iyagoo leh waa nin horay loo soo tijaabiyey wax qabadkiisa wacan, markuu ahaa wasiirka koowaad ee Dawladdii Mudane Sheekh Shariif oo markaa ahaa […]

Share

Puntland Oo Ogolaansho Sisal Maraakiibta Kalluumaysato

Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu shaaciyay inay kunturaadyo siiyeen Maraakiib laga leeyahay dalka Jabuuti oo ka Kalluumeysan doona xeebaha Degaanada Maamulkaasi.

Share

Ruushka oo qirtay in uu billaabay dagaal dhanka internet-ka ah

Militariga Ruushka ayaa markii ugu horeysay qirtay heerka uu gaaray dagaalkooda ku saabsan akhbaaraadka internet-ka. Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaariyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qabow.

Share

Faysal Cali Mas ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada Buuhoodle – Video

Faysal Cali Mas ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada haatan ay ku sugan tahay magaalada Buuhoodle oo ay duulaan ku yihiin kooxda Cali Khaliif oo raba in ay hoos-geeyaan maamulka SNM.  Faysal wuxuu sidoo kale ka hadlay kulan qado oo maanta dhexmaray Garaad Jaamac Garaad Cali iyo koox Somaliland ah oo uu horboodayo Mr […]

Share

Farmaajo oo Saudi Arabia ku tagay safarkiisii ugu horeeyay – sawiro 

Madaxweynaha DFS mudane Farmaajo ayaa safarkii ugu horeeyay ee uu wadanka uga baxo ilaa iyo markii uu la wareegay talada dalka ayaa wuxuu ku bixiyay wadanka aynu walaalaha nahay ee Saudi Arabia oo uu u tagay gudashada Cumrada iyo xoojinta xidhiidhka laba wadan. www.ruugcadaa.com

Share

Jaaliyadda Khaatumo Ee London Oo Gudi Kumeel Gaadh Ah Oo Midnimo Raadis Ah Ku Dhawaaqay..

Jaaliyadda degaanada sool sanaag iyo cayn ayaa ku dhawaaqay gudi ka shaqayn doonta midaynta dadka degaanada sool sanaag iyo cayn shirkan gudiga looga dhawaaqay oo muddo soconayay ayaa looga arinsanayay sidii xaalada dhaqan dhaqaale ee degaanada khaatumo wax looga qaban lahaa.

Share

Kooxdii Cali Khaliif Oo Dhaqaale Ku Bixiyey Sidii Buuhoodle Galaydh Loogu Celin Lahaa-Video

Kooxda Cali Khaliif oo iyagu ballan ku maray in ay maamul beeleedka Somaliland u gacan geliyaan inta aanu ka talinin maamulka Siilaanyo ee hada sii liicaya, oo iyagu in badan ku fashilmay qabsashada gobolka Cayn, balse markan waxay heleen koox u dhega nugul maamul beeleedka Somaliland oo lana soo siiyey dhaqaale ay hawshaasi ku fuliyaan, […]

Share

Farmaajo Oo Gaadhay Caasimadda Wadanka Sucuudiga Ee Riyadh

Wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxay duhurnimadii maanta ka degeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee King Khalid International Airport oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee RiyaWargeyska Al-riyadh ayaa qoray inay Wafdi Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyeen Amiirka Gobalka Riyadh. Faysal Bin Bandar Bin C/casiis, Wasiir-dowle ka tirsan Xukuumadda Sacuudiga oo lagu magacaabo Dr.Musaacid […]

Share

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra’iisalwasaare

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ra’iisalwasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre.  Xasan oo ah nin dhallin yaro ah ayaan horay ugu sii jirin saxada siyaasadda Soomaaliya.  Madaxweynaha ayaa magacaabistan sameeyay maalin ka dib markii uu dhacay caleemasaarkiisu.

Share
Powered by WordPress