Archive for December, 2016

Isimada dhaqanka Khaatumo oo qaadacay heshiiskii Adis Ababa – Video

Shir maanta ka dhacay deegaanka Higlada oo kulmiyay badi madax dhaqameedka gobolada SSC ee Khaatumo ayey isimadu gabi ahaanba qaadaceen wadahadalada dhagaraysan iyo heshiisyo dhawaan Adis Ababa ku dhex maray kooxda Cali Khalif iyo maamulka SL.

Share

Tuugo Wax Furataa Ka Dilaacday Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo oo khaati ka taagnayd Furshada Taleefoonka Gacanta ayaa hada waxaa ugu soo darsoomay Gaadiid dhicid xiliyada Habeenimada ah.

Share

SEYGII SAAQIDKA AHAA! (QEYBTII 6-AAD)

Markii ay I daashatay shaqo la’aantu, Kharduumna ay irridaha shaqada iga laabatay, ayaa waxaan soo gucday hilowgii hooyo Ceynabo iyo saaxiibtey Xulbado. Tan iyo in muddo ah xasuustooda waan is moogeysiinayay, maxaa yeelay, waxaan ogahay in xaaladdeyda murugsan aysan waxba ka qaban karin, walbahaar iyo kurbo hor leh in ay ku soo kordhiso mooyaane. Haseyeeshee […]

Share

Xoolaha Soomaaliya oo suuq cusub ka helay dalalka Yemen iyo Cumaan

Ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolaha ayaa bilaabay inay suuq cusub u raadiyaan xoolahooda kadib markii ay xirmeen suuqyada xoolaha ee boqortooyada Sacudi Carabiya.

Share

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Mr Putin ee ah inuusan ku dayan dowlada Maraykanka oo horay u ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah. Kuwaasoo loo haysto inay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday. Waxaa la eryey shaqaalihii ku sugnaa safaaradda Ruushka ee San Fransico […]

Share

Dowladda Maraykanka oo uga digtay musuqmaasuqa Soomaalida Maraykanka ah

Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay sharci digniin ah oo ay la beegsanayaan muwaadiniinta Soomaalida Maraykanka ah ee ka qeybgalaysa doorashooyinka dalka Soomaaliya in ay ku lug yeeshaan musuqmaasuqa xooga leh ee ka socda dalka Soomaaliya.

Share

How to make the YEAR 2017 the best year of your life?

Sannad kastaa wax uu leeyahay “waxyaalo” ama arimo leh wacdarahiisa, howshiisa, caqabadihiisa, farxadiisa, niyad jabkiisa, naxdintiisa, guushiisa iyo khasaarihiisaba Su’aasha koowaad:- Sidee buu kuugu dhamaaday sannadkii 2016? Maxaa Kaa Hortaagnaa inaad waxyaalo badani ku hirgalaan 2016?

Share

Halkan Kaga Bogo Xog Ka Waramayso Maxamed Siyaad Barre Sidu u Ilaalin Jiray Hantida Qaranka

Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare allaha u naxariistee ayaa intii uu Soomaaliya u talinayey waxaa dhacdey in Sannadihii 1970-yadii nin ganacsade ahaa oo la oran jirey Jirde Xuseen allaha u naxariistee ayaa iibsaday {Bar Savoy} oo ku yiil Bartamaha Magaalada Muqdisho, Bar-Savoy dhanka Koonfur-Bari waxaa kaga dheganaa dhismaha Xafiiska laga diiwaangeliyo baabuurta iyo warqadda lagu wado […]

Share

Laba kun iyo afar boqol oo Lo’ ah oo loo dhoofiyay Cuman iyo Yeman

Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa ka ambabaxaya Maraakiib Ganacsi oo sida Lo’ tiradooda lagu sheegay Laba kun iyo afar boqol (2,400) oo Neef, kuwaasi oo ku sii jeeda Wadamada kala ah Yeman iyo Cumaan.

Share

Putin oo sheegay inuu sugayo maamulka Trump ka hor intuusan go’aan qaadan

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka. Mr Putin wuxuu sheegay inuu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go’aan gaarin.

Share

Afhayeenka Gobolka Cayn Faysal Cali Mas oo ka Digay Go,aamadii Ka soo Baxay Shirkii Khaatumo iyo Somaliland

Afhayeenka Jaaliyada Gobolka Cayn ee Wadankaasi Imaaraadka Carabta Faysal Cali Mas ayaa ka Digay Wadahalka Khaatumo iyo Somaliland ee Dhawaan Lagu soo Gabo Gabeeyey Wadankaasi Itoobiya Waxana uu Faysal Cali Mas uu sheegay in Wadahalkaasi aanay ahayn Kuwa Dadka Deegaankaasi aanay Matalin.

Share

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa in todobaadyada soo socda ay mar kale joojiso Qaadka Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in todobaadyada soo socda ay mar kale joojiso Qaadka laga keeno dalka Kenya, kaddib markii dowladda Kenya ay dhaqan gelin weysay heshiiskii 13-kii bishii September ee sanadkan.

Share

Madaxweynaha Philippine: Dad aan musuq ku tuhmay ayaan diyaarad ka soo tuuray

Madaxwaynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte ayaa ugu hanjabay saraakiisha musuqa ah in uu ka soo tuuri doono diyaarad hawada maraysa, isaga oo sheegay in uu sidaas sameeyay hadda ka hor.  Wuxuu sii raaciyay in qofkii musuqmaasuq sameeya uu magaalada Manila diyaarad kuwa-qumaaatiga u kaca ah uu ka saari doono ka dibna uu hawada ka soo […]

Share

Ban Ki Moon oo Fariin Deg deg ah u soo diray Soomaaliya

Ban Ki-moon,ayaa waxaa uu soo dhaweeyay dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Somaliya,taas oo qabsoontay 27-kii Bishan Maalin Talaado ah.

Share

Shuruudda Doorashada Guddoomiyeyaasha Labada Aqal iyo Ku Xigeennadooda..

Mar haddii Talaadadii la doortay Odoyaashii noqon lahaa guddoomiyeyaasha KMG ah ee labaqa aqal iyo dhalinyaradii caawin laheyd, hadda waxaa la sugayaa in aqal weliba uu fadhigiisa gaar-ka ah yeesho halkaas oo weji cusub ka bilaabanayo. Daqiiqadi kadib markii la dhaariyay Xildhibaannada labada aqal, waxaa bilowday in la isku sharaxo qabashada xilka guddoomiyaha iyo ku […]

Share

Maraykanka oo uga digey Musuqmaasuq muwaadiniinta Somali Maraykanka ah

Dowlada Maraykanka ayaa uga digtey muwaadiniinta Somali Maraykanka ah ee ka qeybgalaysa doorashooyinka dalka Soomaaliya inay ku lug yeeshaan musuqmaasuq.  Qoraal kooban uu soo dhigay barta twitter-ka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku […]

Share

Japan oo ka tacsiyeeyay 2,400 Maraykan ah oo uu horay u dilay

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa booqday saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay “tacsi laabta ka soo go’day” oo ku aadan dadkii Maraykanka ahaa ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii uu Japan qaaday 75 sano ka hor.

Share

Shacabka Khaatumo Oo Ku Kala Qaybsan Qodobadii Adis Ababa Laga Soo Waariday

Muddo dheer ayaa shacabka reer Khaatumo dhegahooda lagu waday Khaatumo iyo Somaliland baa wada hadlaya, in badan oo ka mid ahina waxaabay isweydiinayeen tolow waxa ugu badan ee ay ka wada hadli karaan maxay noqon karaan? Xaqse ma tahay qof aqalkaaga daaradiisa xoog ku qabsaday wada hadal buu kaga bixi karaa?!!!, arimahani danaha siyaasadeed ee […]

Share

Xildhibaanada Laba Aqal Ee Barlamaanka Oo La Dhaarinayo

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka 10aad uu maanta bilaabanayo.

Share

Trump oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay murugo socota

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Qaramada Midoobay in ay tahay murugo socota. Qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ayaa Trump ku sheegay in Qaramada Midoobay oo noqon kari lahayd mid wax tartaaa ay noqotay gole ay iskugu yimaadaan dadku oo ku haasaawaan wakhti fiicanna ku wada […]

Share

Ninkii Waday Gaadhigii Lagu Qarxiyay Agagaarka Dekeda Muqdisho Oo La Helay

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA waxay soo bandhigeen ninkii waday gaadhigii lagu qarxiyey afaafka Hore ee Dekadda Muqdisho isla markaasina sababay 50 ruux oo geeriyootay qaraxaas halka 60 kale dad ka badan ay ku dhaawacmeen.

Share

QM oo 3-Million Ugu Deeqeysa Qaxootiga Sida Iskooda ah Ugu Soo Laabanaya Dalka Somaliya..

Qaramada Midoobay ayaa bilowday olale ay kaga qeyb qaadaneyso taakuleynta qoysaska qaxootiga iskooda ugu soo laabanaya dalka Soomaaliya oo lagu sheegay in ay gaarayaan 1,743 qof waxaana ay sheegtay in ay gaarsiin doonto qoysaskii soo laabtay horaantii bishan December ee 2016 gargaar lacageed.

Share

Todobo ruux oo ku dhimatay dagaal dhexmaray askarta Soomaaliya

Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira askar iyo rayid ayaa xalay ku dhintay iska hor’imaad ciidammo kawada tirsan dawladda Soomaaliya ku dhexmaray agagaaraha deegaanka Xawaadley ee duleedka degmaa Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka, waxa sidoo kale iska hor’imaadkaasi ku dhaawacmay kow iyo toban qof oo isugu jira […]

Share

Dakada Hobyo oo Gadiid iyo Shidaalkii Ugu Badnaa Laga Dajiyay

Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa muddo dheer ka dib waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq ganacsi, ka dib markii todobaadkan ay Dekadda macmalka ah ee Hobyo ay ku soo xirteen laba doomood oo shixnado kala duwan wada una raran ganacsato Soomaaliyeed.

Share

Ciidamo Puntland Ah Oo Xabsiga Lagu Gurayo Maxkamadna La Soo Sugayi Doono

Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa markale ku celiyey in maxkamad lasoo hortaagi doono ciidamo katirsan kuwa dowladda oo aan wax tallaabo ah qaadin markii ladilayey AUN xeer ilaaliyihii guud ee maxkamadda ciidanka qalabka sida.

Share

Ogeysiis Ku Wajahan Jaaliyadda Khaatumo Ee Reer UK Waana Kulan Muhiima Oo Looga Arinsanayo Shirkii Adis Ababa.

Dhamaan shacab weynaha reer khaatumo ee ku dhaqan wadanka ingiriiska waxaan ku war gelinaynaa inaad ka soo qayb gashaan kulankani oo xaasaasi ah.

Share

Indhasheel Runtuu Shaaca Ka Qaaday!!!

Madaxweynihii hore maamul goboleedka Khaatumo state Mudane Indhasheel shacab aad u tira badan ayaa soo dhaweeyey sidii geesinimada lahayd ee tooshka ugu ifiyey heshiiskii quudhsiga ahaa iyo qodobadii caatada ahaa bahdilka iyo liidnimada ku ahaa sharafta iyo karaamada reer SSC.

Share

Dawlada Federaalka Oo Mar Kale Ku Hanjabtay Joojinta Qaadka

Dowladda Soomalia ay ku Hanjabtay in xayirayso Qaadka Ka yimaadda Kenya Sababo la xiriira in Xukuumadda Nairobi tixgelin waysay Hishiiskii Dhigayay in Dib loo Bilaabo Duulimaadyadii Tooska ahaa ee Mugadissho iyo Nairobi sida maanta lagu daabacay Wargeeyska Daily nation.

Share

Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Goordhaw Toogasho Lagu Dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi lagu toogtay Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidanka mamaulka Puntland Col. Cabdikariim Xasan Firdhiye(Hoori). Dilka ayaa la sheegay in ay fuliyeen labo nin oo ku hubeesnaa biskoolado iyo sidoo kale bambaanooyinka gacanta laga tuuro, ragan ayaana dilka kadib si deg deg ah uga […]

Share

Tuuniisiya oo xirtay nin uu abti u ahaa ninkii fuliyay weerarkii Berlin

Ciidammada ammaanka ee waddanka Tuuniisiya ayaa xiray wiil uu abti u ahaa ninkii qaaday weerarkii Berlin ee Anis Amri iyo laba qof oo kale oo laga shakiyay, waxaa sidaa sheegay saraakiisha ammaanka.

Share
Powered by WordPress