Archive for November, 2016

Siilaanyo oo Abwaan reer Khaatumo ah oo Tartan Suugaaneed Hargeysa ka qaadey Bilad Mac-mal ah siiyey{Halkan ka daawo video}

Waxaa magaalada laascaanood lagu qabtay kulan lagu soo dhaweynaayay sadex kamid ah abwaaniinta dhalinyarada ah ee gobolka sool kuwaaso tartan uga qeyb galay dhanka suugaanta ah magaalada Hargeysa, hase ahaatee biladaasi iyo tii horey Xamar looga soo qaadayba waxba ka soo noqday, dahabkii lagu sheegayna been iyo macmal buu isu rogay…..

Share

Indra Nooyi Oo Ah Hindiyad Madow Oo Heer Sare Gaadhay

Indra Nooyi waxey kasoo jeedaa gobalka ay dagaan Hindida madow ee la yiraahdo Tamil. Aabaheed bankiga dhexe ee dowladda ayuu u shaqeyn jiray, hooyadeedna macallimad ayey ahayd. Labo gabdhood oo qoys kaas uu dhalay, ayey tan weyn ahayd.  Hooyadood ayaa habeen kasta labada gabdhood ku tartansiiin jirtay labo su’aal, iyadoo abaal marin jirtayna tan guuleysata.

Share

Taariikhda Suugaanta halganka Asaasihii Kooxda Heegan AUN Maxamuud Axmed cali Dabagooye (Video)

Alle ha u naxariistee Maxamuud Axmed Cali Dabagooye oo ka soo jeeda deegaanada  SSC, wuxuu ahaa abwaan wadani ah wuxuuna lahaa heeso iyo gabayo badan ay wadaniyadani ku dheehnay, run ahaantiina wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii naftooda u soo huray xilligii ay socdeen dagaaladii u dhexeeyey  itoobiya iyo Soomaaliya.

Share

EEDAYSANAYAAL WAX EEDEEYA!

Ri walbaa shillalkay isisaarto ayay ku qalantahay; maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd. Waxaana lagu macnayn karaa: in ruux kastaa meeshuu is dhigiyo intuu dadaalkiisu gaaro noloshiisu ku jaan go’naan doonto. Nin aan isku meel wax ka barano ayaa sheeko iiga sheekeeyay. Miday qaraabo ahaayeen ayaa Ingiriiska dalkugal (Visa) ka helay.

Share

Trump Oo Ku Hanjabay Inu Xiriirka U Jari-doono Cuba

Washinton-Madaxweynaha la doortay ee mareykanka ayaa bartiisa Twitter ka , waxa uu soo dhigay qoraal kooban uu kaga hadlayo xiriirka uu la yeelan-doono dawladda Cuba, isaga oo sheegay inuu xiriirka u jari doono dawladda cuba, haddii ay ilaalin-waydo xorriyadda Dadka u dhashay Cuba.

Share

Ciidamada Badda Puntland oo miino kula qaraxday buuraha Galgala

Wararka ka imaanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen ciidamada Badda ee Puntland uu qaraxan haleelay waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga.

Share

Siilaanyo Oo Madaxweyne U Noqday Habarjeclo Iyo Sacad Muuse-Video

Maamul beeleedka Somaliland oo xilligan ku jira xaalad aad u qalafsan oo ay qabyaaladuna shaaca qaaday, waxaana dhexdooda ka oogan aafo qabyaaladeed oo xadhkaha goosatay, jifo jifo iyo reer reer baanay iminka uga dhex taagan tahay, iyadoo daahir yaa shamis ahna warbaahinta ayey isu soo marinayaan dhacdooyin waaya badan ay hadoodilayeen.

Share

Baaritaan lagu hayo weerarkii uu wiilka Soomaaliga ku qaaday Jaamacada Ohio ee Maraykanka

Boliiska ayaa baaritaan ku samaynaya in weerarkii Jaamacadda Ohio ee 11 qof ay ku dhaawacantay uu la xiriiray argagixiso.  Abdulrasaaq Cali Cartan oo 18 sano jir ah ayaa baabuurkiiisa ku dhuftay dad taagan jaamacadda horteeda, kadibna uu ku weeraray mindi, ka hor intaan boliiska uu toogan Isniintii.

Share

Weerar Lagu Qaaday Maleeshiyada SNM Ee Laascaanood Ku Sugan

Habeenkii xalay ahaa jabhada xoraynta iyo midaynta khaatumo state oo uu horkacayey Falaalug waxay cashar u dhigeen maleeshiyada SNM ee ku sugan buurta sayidka ee magaalada Laascaanood. 

Share

35 Kaftanka Siyaasada iyo Xildhibaankii Ugu Been Badnaa Reer Puntland- Daawo

Kaftanka siyaasada oo aad uga barateen weriye Cali Xaraare inuu tooshka ku ifisho dhamaan maamulada Soomaalida,iminkana wuxuu inoo soo bandhigayaa xildhibaanada ugu huuhaada badan Puntland, waa barnaamij toosineed ee sidaas ha loo fahmo.

Share

Fidel Castro Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa? Video

Fidel Castro wuxuu xalay ku geeryooday magaalada Havana ee wadanka Cuba, Castro wuxuu ahaa hogaamiyihii kacaankii Cuba isagoo hogaaminayey talada wadanka Cuba mudo ku dhow Lixdan sano. Fidel Castro intuu xukunka hayey waxaa isbedelay Toban madaxweyne oo Maraykan ah uuna ugu horeeyey Kennedy, uguna danbeeyey Obama.

Share

IGARRE YAASIIN, CABDDI SHUGRI MAXAMED IYO RIWAAYAD CUSUB OO QISO KU FADHIDA-VIDEO

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa muuqaal kooban balse xambaarsan Qiso dhab ah oo Ka dhacady Dalka Soomaaliya Gaar ahan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ,waxaana matalaya jilayaal dhallinyaro ah iyo wiilal iyo gabdho isugu jira, qaab sareeya ayaana loo habeeyey xidhiidhinta dhacdada oo ah laba qaybood is barbar socota….

Share

Shirkada SomTrading LLC Oo Xafiis Ganacsi Ka Furatay Wadanka Shiinaha- Video

Dhallinyaro soomaaliyeed waxay Shirkad Ganacsi ay ka hirgeliyeen wadanka China gaar ahaan magalada Guangzhou, waxaanay Shirkadan Ganacsiga Ee Somtrading LLC ay ku fududaynaysaa adeegyada kala duwan ee dhinaca badeecadaha aad u baahan tahay, Iyadoo Adeegaaga kuugu soo hagaajinaysa meelkastoo aad ka joogto dunida dacaladeeda.

Share

Dalka Uganda oo ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa ee soo mara taariikhda + Sawirro

Dowladda dalka Uganda ayaa galay aan soo marin muddo sanado ah, kaddib markii dagaal fool ka fool ah oo dhex maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyo taageersan Boqor lagu magacaabo Rwenzururu ayna ku geeriyoodeen dad tiradoodu ka badan tahay 55-ruux iyo dhaawacyo ku dhow boqol ruux.

Share

Isreal Oo Weli Holcaysa Iyo Falkan Oo Ay Ku Sheegeen Argagaxiso

Waxaa socda dadaalkii la doonayey in lagu joojiyo dabkii ka kacay magaalada sadexaad ee Israel ee Haifa, ilaa iminkana waxaa u soo gurmada wadama badan oo ay ka mid yihiin Greece, Cyprus, Italy, Russia iyo Turkey dhamaantoodna jimcihii la soo dhaafay waxay gaadhsiiyeen diyaaradaha dab damiska.

Share

Masaajiddo waraaqo hajabaad ah loo diray

Urur ay leeyihiin muslimiinta Maraykanku ayaa sheegay in warqad kooban oo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta dad wasakh ahoo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xidhxidhaan Maraykanka.

Share

Khaatumo Oo Ku Dhawaaqday Gudigii Wada-hadalada Somaliland Iyo Khaatumo, Cali Khaliifna Laga Reebay

Shirar hoosaadyo maalmihii u dambeeyay u socday golaha sare ee G11 iyo xubnaha maamulka khaatumo ee buuhoodle ku sugan ayaa xalay la isku raacay xubnaha maamulka khaatumo u matalaya wada-hadalada somaliland iyo khaatumo kuwaas noqonaya 8 xubnood, laba xubnood waxaa laga xulay golaha wasiirada halka xubinta baarlamanka u matali doono gudoomiyaha baarlamanka khaatumo oo liiska […]

Share

Hogamiyihii hore Cuba Fidel Castro Oo 90 jir Ahaa Ayaa Bakhtiyey

Telefishinka dowladda Cuba ayaa shaaciyay in hogaamiyihii hore ee dalk Cuba Fidel Castro uu geeriyooday. Wuxuu ahaa 90 jir ah.  Geeridiisa waxaa shaaciyay walaalkii, , Raul Castro, oo xilka kala wareegay sanaddii 2008.  Waxa uu sheegay in madixii kacdoonka Cuba uu geeriyooday saacaddu markay ahayd 10.30 pm xalay wakhtiga Cuba. Wuxuu dalkaasi xukumayay muddo 50 […]

Share

Doorashada Soomaaliya Ayaa Dib U Dhacday

Wakiilka qaramada midoobay u fadhiya soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanay doorashadu dhacaynin xilligii loo mudeeyey oo ahayd 30 November 2016, bedelkeedana wuxuu yidhi waxay ku haboon tahay 15ka Decambar.

Share

Madaxweynaha Turkiga Oo U Hanjabay Midowga Yurub

Madaxweynaha dawlada turkiga ayaa Midowga yurub ugu Hanjabay inuu oodda ka soo qaado doono muhaajiriinta ee uu xuduud ahaan kaga beegan yahay.

Share

Soomaalidu Dal Ma Leedahay?!!

1. Waxaan arkay aqoonyahano badan oo ku mashquulsan su’aasha ah Soomaalidu xagay ka timi? Waxaa kale oo jirta in dadyow kale isku haystaan taariikhdoodi. Dadka kale intay taariikhdoodi xafideen bey kuwo la balihiyay ku darsanayaan.

Share

Magaalada Haifa Ee Wadanka Yuhuuda Oo Dab Looga Qaxayo-Sawiro

Magaalada sadexaad ee wadanka Yuhuuda oo la yidhaahdo Haifa oo ku taal waqooyiga Israel dab ayaa ka kacay, ka dibna waxaa la damcay in la damiyo balse wuuba sii xoogaystay ilaa uu gaadhay in laga qaxo, arrinkanina dawlada yuhuuda wuxuu ku riday shaki baahsan.

Share

Faisal Cali Waraabe Oo Tiisi Ku Saaqiday Soomaalina Ka Hadlaya-Cajiib

Waxaynu ka war haynaa oday Faysal Cali Waraabe inuu tiraba dhowr jeer isu soo taagay doorashooyin ku sheegooda, balse uu ku fashilmay isla markaasina uu waayey cid u codaysa, iyadoo taasi ku dhacday ayuu hadana mar kale isu cumaamaday inuu hungureeyo mar sadexaad, isagoo welibana uu khiyaameeyey kooxo xisbi ku sheegiisa bakhti afuufay.

Share

Nin Cadaan Ah Oo Feedhyahan Madow Ballansaday Iyo Wixii Ku Dhacay-Video

Nin cadaan ah ayaa maalmo badan wuxuu khadka taleefoonka u galay feedhyahan madow oo lagu magacaabo Deontay Wilder, wuxuuna u sheegay hadii uu indhaha ka qaado inuu fuqa hore ee ilkihiisa dibada uu soo dhigi doono, maadaama uu yahay gaangistarka ugu khatarsan maraykanka, hase ahaatee gardaradu ma fiicnee markii la kulmay maxaa dhacay?!

Share

Dhul Gariir Ka Dhacay El Salvador

Dhul gariirka oo lagu qiyaasay darajada 7 ee dhul gariirrada lagu cabbiro ayaa ku dhuftay xeebaha Pasifigga ee El Salvador.  Bartamaha Ameerika ayaa dhul gariirka laga dareemay, kaasoo ka dhacay galabnimadii Khamiista meel 150 KM ka baxsan El Triunfo oo ka tirsan EL Salvador.

Share

Donald Trump Oo La Ogaaday Codadka Gobolada Qaarkood Inuu Xaday

Wararka soo baxayaa waxay sheegayaan Donald Trump inuu xaday Codadka sadexda gobol ee ay Hillary Clinton isku halaynaysey, arrintana waxaa soo shaac saaray koox khabaro ah.

Share

Dilal Ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa oo ah caasimada labaad ee soomaaliya ka dhacay Dilal wejiyo kala duwan u dhacay, inkastoo mid ka mida uu ahaa kuwa qorshaysan ee ay fuliyaan dadka wejiga duubta. 

Share

Sidee U Qori Kartaa Maqaal Tayo Leh?!!!

Marka hore Waxaa Mahad iskaleh Eebaha Ina Baray Qalinka iyo sida waxloo qoro  Marlabaad. MAQAAL tayo lihi waa qoraal kooban, qanciya, kaasoo xambaarsan akhristuhuna kadhex helikaro xog balaadhan oo tiro iyo tayaba leh, taas oo qoraagu kasoo dheegay ilo cilmiyeed badan oo kala duwan. Islamarkaana qoraagu si hufan, habaysan oo hormaysan ugu dhex muujiyay qoraalkiisa.

Share

DONALD TRUMP OO AWOOWGIIS LAGA HELAY MAGAALO AAN LA FILEYN

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Mr. Donald Trump ayaa la sheegay in asalkiisa uu ka soo jeedo dalka Jarmalka, kaddib markii la helay Awoowgiis magaaladuu ka degnaa Jarmalka sanadkii 1885-kii.  Wargeyska lagu magacaabo BILD ee ka soo baxa dalka Jarmalka, ayaa shaaca ka qaaday, in Donald Trump, Awoowgiisa, uu dalkani Jarmalka ku soo laabtay, […]

Share

Lacagta ay UK ammaahato ayaa hoos u dhacday canshuur badan oo la helay Octoobar awgeed

Lacagta ay dowladda ammaahato ayaa hoos u dhacday oo noqotay £4.8 bilyan bishii Oktoobar, kadib markii ay dowladda soo gashay canshuur badan bishii hore, sida ay sheegtay tiro rasmi ah oo soo baxday. Lacagta ay ammaahatay Oktoobar ayaa ka yarayd £1.6bn lacagtii la ammaahday sanadkii hore bishii la mid ka hayd.

Share
Powered by WordPress