Archive for October, 2016

Madaxweyne Galeyr oo Buuhoodle ka duulay

Waftigii uu hogaaminayey Mudane Cabdikariim oo maanta ka amba baxay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa hore usii raacay madaxweyne Galeydh, in kasta oo aan hore loosii shaacin safarka madaxweynaha warar hordhac ah se waxay sheegayaan inuu u amba baxay Muqdisho.

Share

Dhul Gariir Markale Ku Dhuftay Dalka Talyaaniga-Sawiro

Sida ay baahisay warbaahinta dalka talyaanigu waxaa markale shalayto dhulgariir baaxad weyni ku dhuftay meela ka mid ah magaalada Peruia oo ku taal badhtamaha dalka talyaaniga, waxaana dhulgariirkani sababay burbur lixaadle oo ku yimi dhismayaal qadiimi ah.

Share

Reer Khaatumoow”Imisaanu Lahayn Cagta Ha Loo Dhigo!!!!!”

Run ahaantii waxaa ayaandaro ah talo masiiri ah oo u baahan in si mug weyn looga buuxsado, in laga qayb geliyo dhamaan shacabka ay khusayso, caqli gal ma noqonayso in lagu daawado shakhsiyaad amaba kooxo iyagu leh dano siyaasadeed oo gaaban, caqligalna maaha laga aamuso lana yidhaahdo yaan laga hordhicin ee ha la sugo.

Share

Beesha Habar-Jeclo oo kasoo horjeedsatay dil lagu xukumay gacan ku dhiig-layaal – Video

Maxkamad ku taala magaalada Burco ayaa xukun dil ah ku riday laba nin oo walaalo ah kadib markii lagu helay dilka nin kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle.  Hadaba xukunka noocan oo kale ah oo ay xitaa shareecada diinta islaamka Ina farayso ayaa waxaa cadaalad daro ku tilmaamay shacabka kasoo jeeda deegaamada lababa nin ee la xukumay.  […]

Share

Abwaan Jaamac Kediye Iyo Gabaygii Siyaasadi Waa Nuxuus- Video

Waxaanu idiin soo bandhigaynaa gabaygii caan baxay ee Siyaasadi Waa Nuxuus iyo ilaahay ha daayee Abwaankeena qaaliga Abwaan Jaamac Kediye Cilmi, waxaanu gabaygan ku sifaynayaa siyaasada soomaalida madax martay, midabada ay leedahay iyo kuwa isticmaala siday ugu danaystaan, iyagoon marna ka xishoonaynin beenta cad iyo runta ay isku walaaqayaan.

Share

MADAXWEYNE XASSAN SHEEKHOW HADAAD GARASHO LEEDAHAY MA TIRAADEEN KURSIGA AAN SII FADHIYO AFAR SANO OO KALE!

Beri ayaa waxaa dhacday in nin odey ahaa uu magaalo socdaal ku tegey dabadeedna rag odayaala oo saaxiibadii ah oo ogaa mar uu xil qabtay siduu u noqday nin aad u hanyar oo karti daran ayaa iyagoo xeerinaya saaxiibtinimadiisa iyo martida uu u yahay darteed ay u soo dhaweeyeen waxaana loo qabtay xaflad si wanaagsan […]

Share

Xaalad abaareed oo ba’an ayaa ku dhufatay gobolka Sanaag – Video

Deegaamo hoos-yimaada gobolka Sanaag ayaa lagusoo waramayaa inay ka jirto xaalad aad u qalafsan oo ay keentay roob la’aan ka jirta deegaamada, xoolohii miyiga oo badi u dhintay haraad iyo nafaqo daro iyo dadkii oo isaga soo hayaamay deegaanadoodii. Halkan Ka Daawo www.ruugcadaa.com

Share

Wax Ka Ogow Boqor Xayle Salaase Kacdoonadii Xukunka Looga Tuurey Sanadkii 1974 Iyo Sidii Ay Isu Laayeen Saraakiishii Xukunka Ka Fara Maroojiyey Oo Uu Ka Mid Ahaa Mingistu Xayle Mariam.

Horaantii sanadihii 70-meyadii guud ahaan dalka Itoobiya waxaa ka jirey kacdoono looga soo horjeeday xukunkii Boqortooyada ee uu hogaamin jirey Boqor Xayle Salaase ka dib markii Abaaro aad u baahsan,shaqo la’aan iyo ku tagri falka hantida dadweynaha dalkaas ay ka dhaceen iyadoo kacdoonadaas ay hormuud ka ahaayeen ardeydii jaamacadaha, macallimiintii, shaqaalihii iyo wadaaddadii muslinka ahaa […]

Share

Waqtigan Hargeysa Waa Magaalo Nooce Ah?!!!

Mudadii aan joogay magaalada Hargeisa waxaan aad u qiimeeyey nolosha bulshada. Hargeisa waa caasimada labaad ee Soomaaliya markaad eegto magaalada waxaa ka muuqda burbur xoogan sida dhismayaasha, jidadka iyo sewage system-ka, Hargeisa maleh(City planning) waa magaalo aad isugu cufan oo uu aad u hooseeyo danyeelkeeda nadaafadeed.

Share

Caafimaadka Midhaha Rummaanka!

Rummaanka waa geed xambaarsan faa’iidooyin badan, ahmiyadda ay mirahaan leeyihiin waxaad ka garan kartaa inuu Alle kitaabkiisa kariimka ah uu ku xusay rummaanka sadax jeer. Cilmibaarayaashu waxay ku arkeen miraha rummaanka faa’idooyin isugu jira mid nafaqo iyo mid caafimaad, laakiin waxaan halkaan ku xusi doonaa illaa 7 faa’ido caafimaad oo tijaabo iyo baaris lagu xaqiijiyay.

Share

Wakiilada Shirkada Haas Oo Door Weyn Ku Leh Wada Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo

Dhawaan wakiilada shirkeda Batroolka ee Haas oo degaan ahaan laga leeyahay deegaanada SSC waxa la sheegay inay dhawaan lacag ugu deeqeen mid ka mid ah Xisbi ku sheegyada ka jira maamul goboleedka Somaliland, kooxda dhinaca Khaatumana ay u wadaan deeqdaasi mid la mid ah.

Share

Jilaayaasha Igarre Yaasiin Iyo Cabdi Shugri Oo Soo Saaray Sheeko Qosol Badan-Video

Jilaayaashani oo kala ah Igarre Yaasiin iyo Cabdi Shugri oo iyagu ku caan baxay jillida iyo ka turjumida dhaqanka soomaaliyeed, run ahaantiina waa rag u jajaban arimahaasi, iminkana waxay inoo soo bandhigayaan maqal iyo muuqaal aad u qurxoon iyo weliba qiso aad u cajiiba.

Share

Xildhibaan Jabane Oo Helay Xoriyadiisa

26 bishan ayay ahayd markii aanu halkan ku soo bandhignay Xildhibaan Abdirisaaq Maxamed Xaaji Dirir (jabane oo u xidhan dawlada itoobiya mudo bil iyo dheeraad ah.

Share

Sacuudiga oo sheegay in gantaal nooca riddada dheer lagu soo weeraray magaalada barakeysan ee Makka

Fallaagada Xuutiyiinta ee dalkaasi Yemen ayaa ku soo riday magaalada barakaysan Makka mid ka mid ah gantaalada ridada dheer,sidaasi waxaa ku eedaysay dawlada sucuudiga oo ay waayadan ku dagaalamayeen gudaha wadanka Yemen.

Share

Shirqoolkii Reer Galbeedka u dhigeyn Dowladii Soomaaliya iyo go’aankii Maxamed Siyaad Barre +Video

Dowladii kacaanka ee dalka ka talin jirtay waxaa ay heshiisyo muuqda iyo kuwa qarsoodi ah la gashay shirkaddo soo saara shidaalka iyo gaas-ka, inkastoo heshiisyadaasi dhamaantood aysan fullin gabi ahaanba, midaasi oo caqabad ku noqotay burburkii dowladii dhexe ee dalka oo ay majaraha u siibeyn jabhadihii dalka afarta dhinac kasoo galay.

Share

Cismaan Badawi oo Cali Khaliif ugu baaqay inuu is casilo – Cod

Aqoonyahan Cismaan Xasan Badawi oo uu dhawaan Cali Khaliif u magacaabay madaxa gudi maqaarsaar ahaa oo loogu magac daray gudiga wadaxaajoodka Khaatumo hadafka laga lahaana uu ahaa sidii Khaatumo iyo Dhulbahante loo hoos-geyn lahaa maamul goboleed Somaliland ayaa dhaliilo kulul usoo jeediyay Mr Galeyr. Aqoonyahankan ayaa Mr Galeyr ugu baaqay inuu is casilo mar haddii […]

Share

Eritrea oo beenisay in duuliyeyaal ay u goosteen Itoobiya

Laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka oo ay leedahay Eritrea ayaa la sheegay inay u goosteen Itoobiya, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee AP u sheegay koox ka tirsan mucaaradka Eritrea.

Share

Tahriibayaal Badda Lagu La’yahay

Ciidanka Badda ee Liibiya ayaa sheegaya in ilaa boqol qof oo muhaajiriin ah la la’ yahay, ka dib markii doon ay saarnaayeen ay dhibaato qabsatay ayagoo u sii socday Yurub.

Share

Dhulgariir Ku Dhuftay Wadanka Talyaaniga

Magaalada Macerata ee gobolka Marche waxaa ka dhacay dhulgariir heerkiisu sareeyey, dhulgariirka xoogiisuna wuxuu ka dhacay tuulada Visso ee bartamaha wadanka talyaaniga.

Share

Abwaan Axmed Nuur Oo Fariin U Soo Diray Shacabka Reer Khaatumo-Video

Abwaan Axmed Nuur oo isagu ka mid ah qurbajoogta reer Khaatumo oo isagu ku nool wadanka Newzealand wuxuu halkan u soo marinayaa shacabweynaha reer Khaatumo talooyin ku wajahan si gaar ahaaneedna wuxuu ula hadlayaa madaxda Khaatumo ee ku sugan magaalada Buuhoodle.

Share

Oromada Oo Ku Dhaaratay In Ay Ciidamada Itoobiya La Dagaalami Doonaan-Video

Beryahan dambe gobolada Oromiya iyo Amxaarada waxaa ka socday kacdoono siyaasadeed kuwaasi oo ay shacabkaasi doonayaan inay iska tuuraan xukumada hada ka talisa Adis-ababa, sidaas awgeed shacabweynaha Oromada oo isugu soo baxay fagaare weyn waxay ku dhaarteen inay la dagaalami doonaan.

Share

Dooni Hub Sida Oo Soo Gaadhay Boosaaso

Sida ay wararku sheegayaan saraakiil ka tirsan maamul goboleedka Puntilaan ayaa hakad geliyey hawlihii dekada magaalada Boosaaso si ay markaasi ugu la degaan dooni hub uga keentay wadanka Yemen, gaar ahaan Ticis oo ay joogaan kooxo hubka ka ganacsadaa.

Share

Haween Soomaaliyeed Oo Maxkamad Maraykan La Soo Taagan

Muna Cismaan Jaamac oo 36 jis ah iyo Honda Cismaan Dhiirane 46 jir ah ayaa lagu helay dambi ah inay khad taleefoon wadaaga ah ku abaabuleen koox haween oo ay tiradoodu gaadhaysey ilaa 15 haweena oo lacago u uruurinayey Alshabaab.

Share

Dowladda Gambia oo ka baxaysa maxkamadda ICC

Dowladda Gambia ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay ka baxayso maxkamada dambiyada adduunka ee Hague.  Gambia ayaa ku tilmaantay maxkamaddaasi dambiyada mid u taagan dadka Afrikaanka ah oo kaliya.

Share

Cali Khaliif oo wada qorshe xilka looga tuurayo Caga-Lule

Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya madaxda ugu saraysa maamulka Khaatumo oo ku salaysan wadahadalada uu Cali Khaliif rabo inuu la galo maamul goboleedka Somaliland, ayaa maalinba maalinta ka danbaysa waxaa isasoo taraya hadalo ay hawada isku marinayaan masuuliyiintan oo ay ugu danbaysay hadal uu Mr Galayr ka jeediyay kalfadhigii 6aad […]

Share

Faransiiska Oo Burburiyey Kaam Qaxooti

Dawlada Faransiiska ayaa ciidamo gaadhaya ilaa 1200 oo booliska iyo saraakiil hogaaminaysa ay ku qamaameen kumanaan qaxootiya oo deganaa xero ku taalay magaalada Calais ee wadankaasi Faransiiska.

Share

Maxjarkii sababay dagaalka Gaalkacayo oo gabo-gabo maraya – Video

Muran ka dhashay maxjar ay Puntland ka hirgalinayso Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dagaal khasaaro badan sababay kuna Soo noqnoqday magaalada Gaalkacayo. Dagaalka oo u muuqda mid labada dhinac uu midiba kan kale uu ugu muujinayo cudidiisa ciidan ayaa sidoo kale ka baro kiciyay shacabkii magaalada isla markaana saamayn weyn ku yeeshay gacansiga iyi Amniga […]

Share

Gaalkacyo oo dagaal ku waabariistay 

Warar naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegayaa in ay saaka magaaladu ku waabariisatay dhawaqa qoryaha waaweyn oo ay is weydaarsanayaan maamulada Puntland and Galmudug.  Dagaalkan oo ka socda galbeedka magaalada, dhow jeer oo horana isla goobtan uu ka dhacay ayaa ilaa iyo hadda laga soo sheegin wax khasaaro ah oo uu gaystay. Wixii warar […]

Share

Cali Khaliif oo si cadho leh uga hadlay masuuliyiinta ka hor timi qorshaha Khaatumo lagu hoos-geynayo SNM – Video

Kalfadhii 6aad ee golaha wakiilada Khaatumo oo maanta ka furmay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa halkaas khudbad ka jeediyay madaxweyne Cali Khaliif, madaxweynaha oo ay ka muuqato cadho, islamarkaasna isticmaalaya weedho aan ku haboonayn masuul qaran, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay masuuliyiintii dhaliilay qorshaha Khaatumo lagu hoos gaynayo maamul beeleedka SNM isaga oo ku […]

Share

Dalka Jarmalka Ayaa Wiil Soomaaliyeed Dabaq Iska Soo Tuuray

Maalintii jimcaha ahayd warbaahinta wadanka Jarmalku waxay baahiyeen wiil soomaaliyeed 17jir ah inuu iska soo tuuray dabaq, arrinkaasina waxaa ku dhiirigeliyey dad, sida ay sheegayaan xogaha rasmiga ah ee ay heleen booliska gobolka Thuringia 

Share
Powered by WordPress