Archive for August, 2016

Garaad Jaamac G.Cali oo keli ku noqday taageerida kooxda Cali khaliif – Video

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah degmada Saaxdheer ugu qabteen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo madax dhaqameed kasoo jeeda beesha Habar-jeclo, qabsoomida shirkana ay fududeyntiisa lahayd Hass Petroluam ayuu garaadku ku sheegay in laba qodob ay ku heshiiyeen.

Share

Garaad Jaamac Garaad Cali Waa Geesi Mayal Adag

Garaad Jaamac Garaad Cali run ahaantii waxaan qabaa inuu yahay geesi mayal adag oo aan la loodin karin, waxaana soomaali gees ka gees gaadhay eraygii ahaa ‘Anigu nina gunimo kula tartami maayo’, waxaanu eraygaasi ka marag kacayaa badheedhihiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed meesha ay salka ku hayso, ilaa hadana lama arkin isim sidaasi u cadaystey warkiisa…

Share

Dawlada Ingiriiska Oo Digniin U Dirtay Doorasho Ku Sheega Maamulka Isku Magacaabay Somaliland

Danjiraha Britain u joogta Somalia, Harriet Mathews ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Hargeysa waxay ka digtay in uu dib u dhac ku yimaado doorashooyin ku sheega maamul goboleedka Waqooyi Galbeed, oo uu duqa Siilaanyo damacsan yahay in loo kordhiyo, balse xisbiyadiisa mucaaradka ahi ay ka biya diideen kordhintaasi.

Share

Kow Iyo Toban Milyan Oo Lacagta Norway Ah Oo La Qabtay Iyo Xawaaladii Lahayd Oo La Haysto

Garoonka diyaaradaha Gardermoen(Oslo Airport) ilaaladiisa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen lacag gaadhaysa 11 milyan oo lacagta Norway ah, waxaanay booliska garoonkaasi sheegeen inay haatan baadhayaan lacagtaasi sharci darada ah ee la doonayey in wadankooda laga saaro iyadoo baco lagu sii guray, si aan markaasi loo fahmin, iyadoo la damacsanaa in si tuugo ah lagu geliyo […]

Share

Muxuu Ku Soo Dhaamaday Kulankii Saaxdheer?

Maxaad ka ogtahay Kulankii adkaa ee dhex maray Garaad jaamac garad cali iyo isimada ka socday bariga burco, Maxaase laga wada hadlay? Waxaa habeen hore safar aan horay loo shaacin kusoo hoyday guriga garaad jaamac garaad ismaaciil ee magaalada laascaanood salaadiin ka socday bariga burco oo lagu kala magacaabo 1=suldaan maxamuud guuleed mire 2=Suldaan maxamed […]

Share

Isimo Habarjeclo Iyo Mid Horgale Ah Oo Aaday Saaxdheer

Beesha habarjeclo oo uu Horboodayo Horgale u dhashay deegaanka waxay shalay aadeen Laascaanood isagoo uu weheliyo madaxa shirkadda Hass Petrolium.

Share

Maxaa Kala Qabsaday Nin Tuuro Leh Iyo Taraafiga Hargeysa?!!!(Ila Qosol)

Mar walba in aynu siyaasad ku wareerno waxaa ka fiican marar ka qaarkoodna in la qoslo oo la farxo, marka bogan oo aanu u bixinay ila qosol waxaanu todobaadkan idiinku soo bandhigaynaa qiso dhex martay nin tuuro leh iyo taraafikada Hargeysa wixii kala qabsaday…

Share

Kulankii Khaatumo Iyo Somaliland Ma Burco Ayaa Lagu Qabanayaa Mise Dalka Dibadiisa?!!!!!

Shacabweynaha reer Khaatumo in badan ayaa lagu soo maalayey been iyo munaafaqad wejiyo badan, in badan baa dhegahooda la maqashiinayey maamulka Somaliland inuu cadowgeenna yahay, in badan baa lala dagaalamayey kuwan wada goosashada iyo inay soomaaliya kala kaxeeyaan, in badan baa shacabka Khaatumo lagu akhrinayey in aanay jirin cid aadaysa, in badan baa masaakiinta qurbajoogta […]

Share

Askari Hindi Ah Oo Calooshiisa Mindiyo Laga Soo Guray

Wadanka Hindiya ayaa askari bolos ah wuxuu si aad ah uga cowday calooshiisa, ka dibna waxaa si degdeg ah loogu sameeyey qalliin hase ahaatee dhakhaatiirtii qalliinka ku samaysey 40 mindiyood ayey calooshiisa ka soo saareen aad baanay uga naxeen xaalkaasi oo ku noqday fajaciso…

Share

Kooxdii Caynaba oo weli ku adkaysanaya wadahadaladii burburay – Video

Wasiirka warfaafinta maamul Khaatumo isaga oo ku hadlaya magaca koox tiro yar oo weli ka raja qabta wadahadalo dhagaraysnaa oo si qarsoodi ah ay koox yari ula fureen maamul beeleedka Isaaq 4 Ogosto 2016, wadahadaladan oo gebi ahaanba fashilmay kadib markii shacab, dhaqan iyo siyaasiyiinba ay ka hor yimaadeen.  Nin aan quusan, Isagaa quus ah […]

Share

Maamulka Somaliland Oo Iska Xidha Fanaanta Aan Reerkooda Ahayn

Maamulka Siilaanyo ee ka arimiya magaalada Hargeysa wuxuu ku caan baxay inuu xabsiyada dhigo dhamaan dhallinyarada fanaaniinta ah ee iyagu aaminsan in aanu fanku xuduud lahayn, soomaaliduna isugu mid tahay, hase ahaatee waa kuwa qolyaha ay xidhaan? Maxaase loo eega xadhigooda? Ma reernimo mise qaranimo?!!

Share

Sharif Sakiin Oo Dhismaha Madaxtooyo Cusub Xadhiga Ka Jaray

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Sheekha Axmed ayaa xadhiga ka jaray madaxtooyo cusub oo laga dhisay magaalada Baraawe, waana goobta haatan lagu wado inay u noqoto xaruntiisa cusub ee uu ka hawl geli doono, inkastoo ay ahayd magaaladani xarun ay AL Shabaab lahayd, aad baase la isu weydiinayaa inay kaga dhabayn doono.

Share

Cabdi Maalik Askar Oo Joojiyey Tartankii Kursiga Degmada 60B Ee Minneapolis.

Cabdi maalik askar oo ahaa musharaxii Murashaxii xisbiga Jamhuuriga ee aqalka degmada ee Minneapolis ayaa sheegay inuu joojiyey  ololihiisa, duruufo dhinaca qoyska ah dartood.

Share

Mo Farah Oo Walaalkiis Laga Masaafurinayo Ingiriiska, Dambiyo Uu Galay Awgood

Axmed Faarax oo la dhashay orodyahanka caalamiga ah ee la yidhaahdo Mo Farah ayaa warbaahinta u sheegay inuu cabsi weyn ka qabo in dib loogu celiyo wadanka soomaaliya, maadaama ay jiraan dambiyo uu horey xabsi ugu mutay.

Share

Tacsi Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Reer Maxamuud Guutaale

Taariikhdu markay ahayd 08/26/2016  waxaa wadanka suuriya gaar ahaan caasimada Dimishiq ku geeriyootay  ilaahay ha u naxariistee  Xaawo Maxamuud Guutaale, waxaanuna ilaahay uga baryaynaa inay ku waarto janadii farrows, ehelkii iyo qaraabadiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Share

Barnaamijka Suugaanta Oo Aanu Ku Soo Qaadanay Abwaan Baashe Axmed Xasan(video)

Barnaamijkan suugaanta ee todobaadkan waxaynu ku eegi doona abwaan da’yar oo reer Khaatumo ah magaciisana la yidhaahdo Abwaan Baashe Axmed Xasan, waxaanan dabayaaqadii 2006 kula kulmay magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, xilligaasina waxaan nasiib u yeeshay in aan ka duubo gabayo badan oo xambarsan murti dhumuc weyn, kan iminka idinku soo maqana wuxuu ku […]

Share

Cabdiweli Gaas Oo Tabco Siyaasadeed La Maagan Maamulka Khaatumo

Wararka aanu ka helayno magaalada Garoowe waxay tibaaxayaan horjoogaha maamul beeleedka Puntland Cabdiweli Gaas markii uu ogaaday in uu madaxweyne Galaydh wada hadal la gelayo maamulka Somaliland, wuxuu bilaabay qorshe uu arrinkaasi kaga hortago, isla markaasina uu doonayo in isaga la hoos yimaado.

Share

Barnaamij Ku Saabsan Puntland Iyo Sanadihii La Soo Dhaafay(Video)

Waxaanu idiin soo bandhigaynaa barnaamij gaar ah oo ku saabsan maamul goboleedka Puntland, waxaanad kaga bogan doontaan muuqaalo qurux badan iyo warbixino koob kooban oo ku lifaaqan, heeso wadani ah oo lagu ladhay muuqaalada, mana aha barnaamij ku taxaluqa dhinaca siyaasada, balse waa mid salka ku haya bilicda iyo barwaaqo uu ilaahay dhigay soomaaliya.

Share

OGEYSIIS: Ka Soo Qayb Gal Barnaamijkii Horumarinta Nolosha Shakhsiga Oo Diyaar Kuugu Ah Columbus, Ohio

Waxaa la ogeysiinaya shacabweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Maraykanka gaar ahaan Columbus(Ohio) waxa la idin hayaa barnaamij cilmiyeed waxtar leh oo ku baxaya luqadaha kala ah afsoomaaliga iyo af ingiriisiga, waxana magaciisa la yidhaahdaa Barnaamijka Horumarinta Nolosha Shakhsiga, waana hubaal inaad wax badan ka faa’iidi doontaan.

Share

Siro Kooban Oo La Xariirta Noloshi General Maxamed Cali Samantar

Inaa Lilaahi Wa Inaa ileyhii Raajicuun, Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Jeneral Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday arlada Mareykanka ee gobalka Virgina . Aaskaaso oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Share

Ninkii Isku Qarxiyey Banaadir Beach Oo Nolol Lagu Qabtay(Sawiro)

Cabdi Farey oo ah taliyaha nabadsugida ayaa sheegay in ay qabteen ninkii isku qarxiyey makhaayada Banadir Beach oo nool, waxaana hada u socda dabiib iyo suaalo la xidhiidha ismaadaamintiisa.  Waxaana ninkani ahaa kii watay gaadhigii ugu horeeyey ee ku qarxay albaabka hore ee makhaayada isagoo ayna soo gaadheen dhaawacyo.

Share

Khilaafku Meel Walba Wuu Galaa!!!

Waayadan dambe waxaa geyiga soomaaliyeed si aan caadi ahayn ugu laba lixaadsanayey khilaafka oo haatan maraya inuu galay meel walba, madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta, iyo cid walba oo mansab u heellan, waana arimaha uu waqtigan adagi wato.

Share

Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo La Xaday

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa cadeeyey in bangiga laga xaday gaadhaysaa Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000. Waxaana xisaabtan xaday mid ka mid ah qasnajiyadii Banging oo muddo bil ah ka shaqaynayey arrinkan.

Share

Dhulgariirkii Shalay Ku Dhuftay Talyaani Oo Khasaare Weyn Geystay

Dhulgariirkii shaley ku dhuftay meela ka mid ah wadanka Talyaaniga ayaa geystay khasaare aad u fara badan, dhimashadu waxay maraysaa 247, dhaawacuna wuxuu sii ordayaa ilaa 368 ruux, waxaana ku burburay dhismayaal qadiimi ah.

Share

Diiwaan galin kama dhicin gobolka Sool?

Ma jiraan wax diiwaangelin ah oo ka dhacday Laascaanood iyo gobolka Sool, marka laga reebo horgalo iyagu hore Hargaysa uga diiwaangashanaa oo mar kale is diiwaan galiyay. Shacabka Reer Khaatumo qaadan maayaan teesaro ay leedahay beel la siman. Saxaafada cunsiriyaysan ee beesha Isaaq ayaa muuqaal ka duubtay laba gabdhood oo meel fadhiya, markaas ayey yidhaahdeen […]

Share

Wadahadaladii Khaatumo iyo SNM oo si rasmi ah u burburay – Video

Macal cune soo bixi doonaa – Buuhoodle iibsami wayday – Khaatumo GUUL. Tan iyo intii ay soo iif baxday kulan qarsoodi ah oo dhex maray wafti uu Cali Khaliif u dirsaday Caynaba 4.8.2016 iyo xubno ka socda maamulka SNM. Shacabka Reer Khaatumo ayaa ku baraarugay tabco kusoo maqan oo loo maleegayo.

Share

Wadahadalkii Caynaba Waxaan odhan karaa “Waa ina wax kama jiraan, waa Ina wax kama jiraan” Md Cagallule. Video

Waraysi uu bixiyay madaxweyne ku xigeenka Khaatumo Mudane Cagallule isaga oo jooga degmada Boocame ee gobolka Sool, ayuu uga hadlay xaaladaha uu deegaanka ku sugan yahay oo ay ka mid yihiin wadahadalo ku sheega iyaga iyo SL, dilal dad shacab ah oo Laascaanood si badheedh oo arxam daro ah loogu laayay iyo arimo kale.

Share

Kalsan TV oo Coach Mo ka waraystay Barnaamijka Horumarinta Shakhsiga – Video xiiso badan.

Kalsan TV xarunteeda Minisota ayaa waxa ay waraysi aad u xiiso badan la yeelatay aqoon yahay Maxamed Ibrahim Ducaale oo lagu naanayso Coach Mo.

Share

Dawlada Imaaraadka Way Ka Go’an Tahay Inay Soomaaliya Is Garab Taagaan

Kulan ay ku yeesheen Imaaradda Abu Dhabi Mudane Shaikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal sugaha imaaradda Abu Dhabi iyo madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya waxay iskula soo qaadeen sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xidhiidhkooda soo jireenka ah.

Share

Fagaaraha Weyn Ee Buuhoodle Oo La Isugu Soo Baxay(Sawiro)

Magaalada Buuhoodle Waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax Balaadhan oo Lagaga Soo Hor-jeeday Diiwaan-galinta Maamulka Hargaysa Waxaana Maanta Buuhoodle Laga Dareemay Jawi Kacsanaan ah.

Share
Powered by WordPress