Archive for June, 2016

Madaxwaynaha Khaatumo iyo Kuxigeenkiisa oo Warbaahinta Buhodle Kula Hadlay(Video)

Kulan balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen madaxda maamul goboleedka Khaatumo state of somalia, waxaa kulankaasi lagu soo afjaray khilaaf yaryar oo ay si aad ah uu buunbuuninayeen kooxo ay ku adeeganayeen maamulada cadowga ku ah jiritaanka iyo rabitaanka shacabka SSC.

Share

MUXUU YAHAY XALKA XIISADDA KA DHALATAY QABYA QORAALKA JINSIGA.

Arinta Qoraalka Wasaaradda Haweenka. Ee Golaha Wasiiradu Ansixiyeen. Dabadeed Culumada iyo Odayaashu ka qeyliyeen. Ee uu hadana Maanta Wasiir Maareeye ku beeniyay dhaliisha loo soo jeediyay. Kana codsaday in Culumadu biri Shirka Kgamiista kala qeyb galaan Golaha Wasiirada.

Share

Tacsi Dhacdadii Laascaanood & Tageero Baaqii Garaadka & Ergooyiinka Saaxdheer.

Waxa waxaad looga murugoodo ah in Maamulka ku Mamay dhiiga beelaha SSC ee Reer Khaatumo inuu isku dayo in uu dhibtii iyo dagaaladii uu ka hurinayay koonfurta Gobolka Sool uu u soo raro Caasimada Laascaanood, maamulkaa oo isku hubaynaya Beelaha walaalaha ah si cadaawadi ku jirtona uga dhexshaqaynaya, dhagar ay soo maleegeen ay maanta ku […]

Share

Kaftankii Jaamac Malgaash

Waxaynu siyaasada soomaalida ee gebi dhaclaynaysa aynu kaga nasanaynaa mowduuc taxane inoo noqon doonaa, kaasi oo aan u bixiyey Kaftankii Jaamac Malgaash oo ah abwaan, hal abuure, farshaxan, oo intaasiba ilaahay hibo u siiyey, waxaana u dheer dhacdooyinka xigmada iyo kaftanka is huwan oo uu caan ku yahay.  Jaamac Malgaash wuxuu ka soo jeedaa deegaanada […]

Share

Garaad Jaamac Garaad Oo Ku Baaqay Nabadda, Runtana U Sheegay Maamul Goboleedka Somaliland(Video)

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee beelweynta dhulbahante, wuxuu ku caan baxay mowqif cad, geesinimo,hadal cadaan, mana aha garaad uu mowqifkiisu isbedbedelo, balse waa garaadka keliya ee ku shaqeeya mowqifka iyo rabitaanka shacabka dhulbahante, mana aha garaad u carab laalaadiya dhaameelka ay maamuladu daadiyaan.

Share

Taliye Ku Xigeenkii Gobolka Bari Oo Xabsiga La Dhigay

Col. Cabdicasiis Cismaan Togox ayaa xabsiga Bosaso la dhigey kadib markii uu amar diido xilka looga qaadey sameeyey. Cabdicasiis Togox oo ahaa ku xigeenka taliyaha qaybta gobolka bari xilka laga qaadey mar sii horeysey, waxaana boskiisi loo magacaabey nin la yiraahdo Axmed Jaraale.

Share

Baaq Nabadeed Oo Ku Wajahan Beelaha Walaalaha Ee Colaadu Ku Dhexmartay Gobolka Sool(Video)

Afhayeenka Jaalliyada Khaatumo ee gobolka Wales oo ka tirsan wadanka midowga boqortooyada Ingiriiska mudane Maxamed Cismaan Xaaji Diiriye, wuxuu baaq xabad joojin ah u dirayaa beelaha walaalaha ah ee colaadu ku dhex martay gobolka Sool, taasi oo ay hurinteeda iyo isku dirkeedaba ay lahaayeen maamul beeleedka Somalilland, oo isagu doonayey inuu ka dhex faa’iidaysto.

Share

Lacagta Ingariiska oo Hoos u dhac ku Yimid iyo Soomaalida loo soo Diro oo Jeebkooda ka Dareemay

Go’aankii dalka Ingariiska uu qaatay ee ahaa inuu isagabaxo dalalka Midowga Yurub, ayaa waxa ay saamayn xoogan ku yeelatay lacagta geniga Istarliinka ee dalka Igariiska, lacagtani ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac aad u baaxad weyn markii la shaaciyay natiijada Aftidii la qaaday.

Share

Culimada Soomaaliyeed Oo Ka Hortimi Siyaasada Federaalka Oo Ku Kacay Arimo Lidku Ah Islaamka

Culimadda Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay Siyaasadda qaran ee Jinsiga, kaasoo bishii la soo dhaafay ay meel marisay Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo qodobada ku jira sharcigan uu ka hor imaanayo Diinta Islaamka.  Kulan Culimadda Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hor-yimaadeen barnaamijka siyaasada qaran ee Jinsiga oo ay Wasaaradda Haweenka soo diyaarisay.

Share

Ajaanibtii Doontu Kula Soo Caariday Kismaayo

Ragii dhawaan Doonidii ay Wateen ku soo Caarisay Xeebta Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, ayaa waxa uu sheegay Maamulka Jubaland in Dadkaas ay ku soo wareejinayaan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Share

Garoonka Diyaaradaha Ataturk Oo Dib Loo Furay

Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in dib loo furay uuna howlihiisa bilaabay Garoonka diyaaradaha Caalamiga Ataturk ee magaalada Istanbul , kadib qaraxyo iyo weerar qasaaro badan dhaliyay oo xalay lagu qaaday.

Share

Maamul Beeleedka SNM Maxay Keenay Bandowda Laascaanood Lagu Soo Rogay?!!

Maamul beeleedka SNM oo isagu ka dambeeya dhibaatooyinka ka holcaya gobolka Sool, iyagoo ujeedadoodu tahay in aanay gobolkaasi wax xasilooni ahi ka dhalanin, iyagaa ayaana rasaasta iyo qoryaha ka iibinayey labada beelood ee walaalaha, hase ahaatee kuwa horgalada ahina waxay fulinayaan amarada maamul beeleedka SNM.

Share

Ciidamadii Amison Oo Aan Muddo Qaadanin Mushaharooyinkoodii

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Share

Dawlada Maraykanka Oo U Dhaarisey Safiir Cusub Somaaliya

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa xalay lagu dhaariyay magaalada Washington, iyadoo dowladda Mareykanka ay markii u horeysay Soomaaliya u diri doonto Safiirkeedii u horeeyay muddo 25 sano.

Share

Madaxweyne Galaydh Oo Ka Sheekeeyey Taariikhdii Burci Xamsa(Video)

Madaxweyne Galaydh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku geeriyooday qaraxii ismiidaamiinta ahaa ee lagu soo qaaday hutel Naasa Hablood ee Muqdisho, waxaanu si gaar ahaaneed uu uga sheekeeyey wasiru dawlihii deegaanka ee dawlada federaalka Soomaaliyaa alla ha u naxariisto Burci Xamsa oo uu ku tilmaamay inuu ahaa aqoonyahan sare dawlada badana la soo […]

Share

Alle Ha U Naxariisto Saado Cali Warsame Wadinayd Bay Ahayde(Video)

Bishii Ramadaan aakhirkeedii sanadkii 2014 waxay kooxo hubaysan oo wajiga soo duubtay ay ku khaarajiyeen gudaha magaala madaxda soomaaliya ee Muqdisho,  ilahay ha u naxariisto Saado Cali Warsame oo ahayd qof wadaniyad ah, geesiyad ah, hadal cad xitaa haduu mur iyo deebaaq ka daran yahay.

Share

ALBAABADA FARXADA

Albaabada farxada CAJIIB bo muhiim ah oo furayaasha iridaha xasiloonida iyo farxada uu ku furan karro qofka bina’aadamka ahi.  Haddaba furaha nolosha oo aad heshaa waa nolosha oo aad wax badan ka ogaato, ka barato. kana fahanto isla markaana aad dhugato una fiirsato garashada iyo garwaaqsiga noloshaadu waa adiga oo hela albaabkii farxadaada.

Share

Kalsan TV oo kashiftay sida loo musuq maasaqay Somaliland Development Fund (SDF) –  Video

Wadanada UK iyo Denmark ayaa dhaqaaqo gaadhaya 64 milyan oo dollar ku bixiyay waxa ay ugu yeedheen Sanduuqa Horumarinta SL, dhaqaalahaas oo badi ku baxa guryo iyo baabuur lagu wato Hargaysa, iyada oo deeq bixiyayaashiina loo gudbiyo qoraalo waxqabad oo been ah. Hadaba halkan Ka dheego barnaamij kashifay sifaha beenta ah ee lacagahan lagusoo qaato […]

Share

Yaa Ka Taliya Gobolka Bari ee Puntland?

Yaa ka Taliya Gobolka Bari ee ugu Dhaqaalaha Badan Gobolada Puntland ee Soomaaliya?. Halkan Hoose ka Akhriso Saraakiisha Laamaha Amniga ee Gobolka Bari oo Boqolkiiba Sideetan iyo Lix ay kasoo kala Jeedaan Gobolada Kala Ah Karkaar,Nugaal iyo Mudug,iyadoona xiliya qaar ku dhexdagaalama Xaruma iyo Taliska Laamaha Amniga ee Gobolka Bari Gaar ahaan Magaalo Ganacsiga ee […]

Share

Turkiga Iyo Israel Oo Ka Heshiiyey Xurguf Horay U Dhex Martay

Israa’iil iyo Turkiga ayaa la sheegayaan inay isla gaareen heshiis ay ku soo celinayaan xiriirka labada dhinac ka dhexeeya, kadib markii uu xumaaday sanado ka hor.

Share

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dharkayngeeyno

Madaxweynaha maamul goboleedka waqooyi bari mudane Cali Axmed Faatax ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku diriraya meela ka mid ah gobolka Sool, waxaanu ka codsaday in ay joojiyaan dagaalka uu dhiigu ku daadanayo.

Share

Laascaanood oo Si weyn looga dabaal degay 26 June – video

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Laascaanood oo ay si weyn ugu talaalan tagay Soomaalinimadu balse haatan ay deegaankooda gacanta ku hayaan umad jinsi nacayb biyo dhigtay ayaa Si weyn ugu dabaal dagay maalintii ay gobolada waqooyi ka xoroobeen gumaystihii Yurub kasoo duulay. Halkan Ka Daawo www.ruugcadaa.com

Share

Aqoon Oo Ku Saabsan Midowga Yurub (EU)

David Cameron waxa uu u muuqdaa raysal wasaare dhaxalkiisu ku suntanaan doono burburinta laba midow oo is barkanaa: Midowga Yurub iyo Boqortooyada midowdey ee UK.

Share

Barnaamij ku saabsan munaasabada 26 June – Video

Waxaad nala daawataan barnaamij laga diyaariyay halgalkii dheeraa ee gobanimo doonka Soomaaliya iyo qaybihii bulshada Soomaaliyeed ee kunool dibad iyo dalba iyo sida ay uga qayb qaatay halgankan. Halkan Ka Daawo www.ruugcadaa.com

Share

Ciidamo Gaas Ka Goostay Gallana U Galay

Gudoomiyihi hore ee gobolka Bari mudane Cabdisamad Maxamed Gallan oo haatan gacanta qaybo badan oo gobolka bari, waxaa ku soo biiray ciidamo Cabdi weli Gaas isaga yimi.

Share

Xasan Shiikh oo munaasabada 26 June  hambalyo u diray umada Soomaalida 

Waxaa maanta daafaha aduunka looga dabaal degayaa munaasabada 26 June oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida inta aysan soomaalinimadu ka suulin. Waa maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed oo xor ah, magaalada Hargeysa ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Hadaba Xasan Shiikh ayaa u hambalyeeyay dhamaan umada Soomaaliyeed munaasabada maalintan iyo muhiimada ay umada Soomaaliyeed […]

Share

Weerarkii Ismiidaamiinta Naasa Hablood Oo La Soo Afjaray

Shalay galabtii kooxaha Alshabaab waxay weerar hubaysan oo toos ah iyo mid isqarxin ah ku soo qaadeen huteel Naasa hablood ee muqdisho.

Share

Xaflad Loogu Dabaaldegayey Sannadguuradii 56aad Ee Ka Soo Wareegtay Xornimadii Gobolada Waqooyiga Soomaaliya Oo Laascaanood Lagu Qabtay

Dhallinyarada xalaasha ah ee ku nool gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood waxay soo qabanqaabiyeen xaflad si weyn looga soo shaqeeyey, isla markaasina lagu xusayey sanadguuradii 56aad ee ka soo wareegtay 26 juun 1960 oo ku astaysan maalintii xornimada laga qaatay gumaystaha ingiriiska, hase ahaatee maleeshiyada SNM iyo Kooxo horgalo ah ayaa goor dambe soo […]

Share

Wasiirku Sheega Warfaafinta Puntland Oo Ku Goodiyey Inuu Rasaas Adeegsan Doono

Ina soocade oo wasiirka warfaafinta ugu magacaaban maamul beeleedka Maxamuud Saleebaan ayaa koox warfidiyeeno ugu goodiyey inuu rasaas la dhici doono.

Share

Dagaal Mar Kale Ka Qarxay Gobolka Sool

Wararka aanu helaynaa ayaa tibaaxayaa inuu hadana dagaal ka dhex qarxay labadii beelood ee walaalaha ahaa ee gobolka Sool, waxaana ku lugleh maamul beeleedka SNM.

Share
Powered by WordPress