Archive for May, 2016
Posted by Iftiinshe on May 31st, 2016
Sida dad badani la socdeen waxaa dhawaan Degmada Dibqarax oo ka tirsan gobolka Sanaag waxaa lagu dilay alla ha u naxariistee Maxamuud Maxamed Cabdi Maalik. Aaskii ka dib waxaa la baadi goobay gacanku dhiiglihii, waana lagu soo guulaystey in gacanta lagu soo dhigo. Dabadeedna ergadii nabaynta iyo odayaashii ka socday labada qoys oo isku jifi ahaa […]

Posted in
Warar
Comments Off on Maxamed Cabdi Maalik Axmed Oo Cafiyey Ninkii Qudha Ka Jaray Wiilkiisa (Daawo)
Posted by Ruugcadaa on May 31st, 2016
Maamulka sii liicaya ee uu u horboodaha u yahay Duq Siilaanyo wuxuu waayadan dambe uu meherad ka dhigtay inuu xidhxidho warfidiyeena aan iyagu ashuunka ku adimin, meel walbana ka sheega runta iyo xaqaa’iqa jira, isagoo taasi ka duulaya waxay galabta xabsiga u taxaabeen weriyihii Kalsan Tv u joogay magaalada Laascaanood.

Posted in
Warar
Comments Off on Weriyihii Kalsan Tv U Fadhiyey Laascaanood Oo Xabsiga Loo Taxaabay
Posted by Iftiinshe on May 31st, 2016
Qofka oo xaaladiisu nafsad ahaan amma cawaasiiftiisu kacsan tahay oo isku buuq (Stress) la soo darso, haddii uu cuno cuntooyinka fudud fudud waxa kor u kaca hormoono iyo dux badan oo jidhkiisa ku kaydsan, kuwaasoo ku keena in xaaladiisu ka sii darto sida lagu sheegay cilmi-baadhiso caafimaad oo tiro badan oo Maankaab soo xigtay.

Posted in
Warar
Comments Off on Cuntooyinka Yareeya Isku Buuqa (Stress)
Posted by Iftiinshe on May 31st, 2016
Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganeysa ilaha Sirdoonka dalkaas ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaas, iyagoo ka soo gudbay xuduuda Soomaaliya.

Posted in
Warar
Comments Off on Al-Shabaab Oo Gudaha U Galay Kenya
Posted by Iftiinshe on May 31st, 2016
Waxa soo badaneysa Warar xaqiijinaya in Ciidama Puntland khaasatan Daraawishta in ay bar kood suuqyada Puntland rahaamad u dhiganayaan hubkii dawlada ay masuulka ka ahaayen oo ku qornaa, halka barka kale ay iyagu si toosa suuqyada uga iibsanayaan.

Posted in
Warar
Comments Off on Xaalad Adag oo Soo Foodsaartay Ciidamada Daraawiishta Puntland.
Posted by Iftiinshe on May 31st, 2016
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda oo ku aadan 3da bisha June uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya.

Posted in
Warar
Comments Off on Madaxweynaha Turkiga oo maalmaha soo socda Muqdisho imanaya
Posted by Ruugcadaa on May 30th, 2016
– Raaxadu waa afar: Raaxada jidhka oo ku timaadda cuntada oo la yaraysto, raaxada ruuxda oo ku timaadda dembiga oo la iska yareeyo, raaxada qalbiga oo ku timaadda is mashquulinta oo la yareeyo iyo raaxada carrabka oo ku timaadda hadalka oo la yareeyo,intaasi oo faahfaahsan ka bogo, laabtaadana ku weelayso……..

Posted in
Warar
Comments Off on Murtida Maanta:Raaxadu Waa Afar Nooc Oo Kala Duwan
Posted by Iftiinshe on May 30th, 2016
Taliyaha KMG ah ciidanka Booliiska Puntland, Sarreeye guuto Cabdulqaadir Farax Shire (Ereg), ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay taliyihii hore Gen. Cabdirasaaq Maxam (Afgaduud), kadib munaasabad lagu qabtay xarunta dhexe ciidanku ku leeyahay magalada Garowe.

Posted in
Warar
Comments Off on Gen.Afgaduud Oo Xilkii Laga Caydhiyey Dhalliila Badana Sheegay
Posted by Iftiinshe on May 30th, 2016
Prof: Samatar oo u xuubsiibtay dhinaca maamul goboleedka Somaliland ayaa haatan sheegay inuu ku biiri doono xisbiyo ku sheega ka jira magaalada Hargeysa, si uu markaasi uga dhabeeyo damacii qaawanaa ee ugu hamuun qabay inuu mar uun is arko isagoo madaxweyne ah, inkastoo uu ku soo guuldaraystey tii dhinaca dawlada federaalka Soomaaliya.

Posted in
Warar
Comments Off on Prof: Samatar Oo Quudaraynaya Inuu Ku Biiro Xisbiyo Ku Sheega Somaliland(Video)
Posted by Iftiinshe on May 30th, 2016
Sidaynu la wada soconay shirarka oo iska si weyn isaga soo horjeeda ayaa ka dhacay degmooyinka Qardho Iyo Garoowe, waana ku muujinayey khilaafka baahsan ee isimada maamulka Maxamuud Saleebaan u dhexeeya, oo haatan soo gaadhay xilligii aan waxba la qarin karaynin.

Posted in
Warar
Comments Off on Cumar Boqor Muuse Oo Ka hadlay Khilaaf Dhaqanka Ee Puntland Ka Jira(Daawo)
Posted by Ruugcadaa on May 30th, 2016
Degmada Adhicadeeye oo ka tirsan gobolka Sool waxaa beryahanba ka socday qabanqaabada Suldaan cusub oo ay beesha Fiqishini ku caano shubaynayso, magaciisana la yidhaahdo Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed oo noqon doona suldaankii sadexaad ee isla beeshaasi oo caano lagu shubo.

Posted in
Warar
Comments Off on Suldaan Lagu Caano Shubayo Degmada Adhicadeeye
Posted by Ruugcadaa on May 30th, 2016
Xasan Qoslaaye oo muddo afar sano ah ku fadhiyey kursiga madaxnimada dawlada federaalka soomaaliya, ayaa mar kale quudarayna inuu ku sii fadhiyo kursigaasi, waxaana soo baxaya xogo tibaaxaya inuu durba ergooyin u diray qaar ka mid ah beeshiisa oo haatan u taagan musharaxnimada kursigaasi.

Posted in
Warar
Comments Off on Xasan Qoslaaye Oo Quudaraynaya Inuu Ku Soo Baxo Kursiga Doorashada Soomaaliya
Posted by Ruugcadaa on May 30th, 2016
Beryahan dambe waxaa si aad ah u soo dabcayaa maamulka Somaliland wuxuuna soo fahmayaa in ay dantiisu ku jirto geeddi socodka soomaaliya, sida uu sheegay Xaaji Cabdi Waraabe oo ah odayga ugu da’da weyn beesha samaysatay maamulka Somaliland, mar uu u waramayey warbaahinta maamulkaasi dan ayaa inoogu jirta wada hadalada soomaaliya ayuu yidhi.

Posted in
Warar
Comments Off on Xaaji Waraabe Ayaa Yidhi Wada Hadalada Soomaaliya Waa U Dan Somaliland
Posted by Iftiinshe on May 29th, 2016
Dad ku dhow 700 ruux oo ahaa dad tahriibayaal ah oo doonayay in ay galaan dalka Talyaaniga dhowrki maalmood ee la soo dhaafay ayaa la soo warinayaa inay geeriyoodeen sida ay sheegtay hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay.

Posted in
Warar
Comments Off on Tahriibayaasha Oo Dhimashadoodii Sii Kordhayso
Posted by Iftiinshe on May 29th, 2016
Isimada dhaqanka ee Maxamuud Saleebaan Run ahaantii in badan ayey ka dhex shaqaysanayey isimada dhaqanka ee SSC oo qaarkoodna soo dhawaysanayeen qaarkoodna ay iska fogaynayeen, inta badana waxay kuwa u tunka jilicsanaa way soo dhawaysanayeen si ay kuwa kale ugu karbaashaan, danahoodana uga fushadaan.

Posted in
Warar
Comments Off on Isimadii Maxamuud Saleebaan Fidnadii Ay Dhex Wadeen Isimada SSC Oo Iyagii Ku Laba Qaraxday(Daawo)
Posted by Iftiinshe on May 29th, 2016
Madaxweynaha Ruusiya Oo u weheliyo Raiisal wasaaraha Greek Alexis Tsipras oo biishan 28-deeda Shir Jaraaiid Ku Qabtay caasimada Athens, ayaa arimo badan oo dhagta loo taagayey ka hadlay, isagoo marka hore si gaara u tilmaamay in Dawladda Ukrain ay maalmahaan raacdeyn ugu jirto sidi jaziiradaha bada-madow Crimea loogu soo celin-lahaa, taaso si dardaar-waris ah uu […]

Posted in
Warar
Comments Off on Putin Oo Yidhi Suuriya Waan Difaacayna Sida Soomaaliya Inay Noqoto Dooni Mayno
Posted by Iftiinshe on May 29th, 2016
Dagaal xoogan ayay ciidamada dowladda Ciraaq ka wadaan magaaladda Fallujah. Magaaladda waxaa haysta oo difaacanaya kooxda Daacish ama dowladda islaamiga ah.

Posted in
Warar
Comments Off on Dagaal weli ka socda Magaalada Falluuja iyo Khasaaraha oo sii kordhaya
Posted by Iftiinshe on May 29th, 2016
Gen: Gaafow ayaa soo gaadhay dalka Norway, Iyadoona Waraysi uu bixiyey Lagu waydiiyey Waxay ay kala socdaan Xaalada Soomaalida dalka Norwey oo Dawladu ay Bilowday in Sharciga laga Celiyo.

Posted in
Warar
Comments Off on Gaafow Oo Ka Hadlay Soomaalida Norway Laga Celinayo(Daawo)
Posted by Iftiinshe on May 27th, 2016
Hadii aanu nahay bahda Aftaag Production iyo reer Ibraahim Ducaale aftaag waxaanu halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa eheladii iyo qaraabadii kuu ka geeriyooday ilaahay ha u naxariistee Axmed Xaaaji Ducaaale Cali (xaaji dhuluc), oo ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Posted in
Warar
Comments Off on Tacsi Tiiraanyo Leh:Reer Xaaji Ducaale Cali
Posted by Iftiinshe on May 27th, 2016
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Hiroshima oo aheyd goobtii u horeysay ee Caalamka oo lagu garaaco Bamka Nuclear-ka.

Posted in
Warar
Comments Off on Madaxweyne Obama oo Booqday Magaalada Hiroshima ee dalka Japan.
Posted by Iftiinshe on May 27th, 2016
Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa sawir ku muujiyey Xaalada ka taagan magaalada Berbera, oo lagu Xidhay qaar kamid ah Saxafiyiinta ka howlgala, Kuwaasi oo lagu eedeeyay Inay Baahiyeen Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka oo si kulul ula hadlay Masuuliyiin ka socday Imaaraadka Carabta oo soo gaadhay Berbera.

Posted in
Warar
Comments Off on Amiin Caamir oo Sawir ku muujiyey xaalada ka taagan Berbera
Posted by Iftiinshe on May 27th, 2016
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.S Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ka mid yihiin Ammaanka guud ee dalka, Fatahaadda Wabiga Shebelle ee magaalada Beledweyne.

Posted in
Warar
Comments Off on Koox Uu Ku Jiro Yuusuf Garaad Oo Safiiro Loo Magacaabi Doono
Posted by Iftiinshe on May 27th, 2016
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasiirada Norway oo yeeshay kulan xaasaasi ah oo looga hadlayey sidii loo celin lahaa qaxootiga soomaalida Norway ee aan la siinin sharciga Norway, waxaana arinkaasi xaqiijiyey daboolkana ka qaaday afhayeenka wasaarada dastuurka iyo cadaalada ee Norway.

Posted in
Warar
Comments Off on Dawlada Norway Iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlaya Celinta Qaxootiga
Posted by Iftiinshe on May 26th, 2016
Wadanka Kanada gaar ahaan xaafadda ay soomaalidu ku badan tahay ee loo yaqaano Dixon City Bloods waxaa ka soo baxay koox somali Gangs ah, aadna waxaa uga qayliyey booliska Toronto oo sheegay inay kooxdani hubaysani ay gacmaha kula jiraan arimo sida iibinta hubka, ka ganacsiga daroogooyinka falal badan oo dilal ahna ay halkaasi ka geysteen.

Posted in
Warar
Comments Off on Kanada Oo Ay Ka Dilaaceen Kooxo Hubaysan Oo Soomaaliyeed(Daawo)
Posted by Iftiinshe on May 26th, 2016
Doontan ay saarnaayeen dadka Tahriibayaasha ah ayaa dhinac u dhacday (qalibantay) kadib markii dadkii saarnaa doontaasi ay arkeen Markab doonayay in uu bad baadiyo, waxaana dadka halmar ay u wada carareen hal dhinac si ay gacmaha ugu haatiyaan Markabkii bad baadin lahaa.

Posted in
Warar
Comments Off on Dooni Ku Hor Degtay Ciidamada Badda Ee Talyaaniga
Posted by Iftiinshe on May 26th, 2016
Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo laga helaayo shirka la filaayo in DFS iyo maamulka Somaliland uu 31 May uga furmi doona magaalada Istanbuul uu noqon doono mid culeyska lagu saaro dhowr qodob oo Somaliland ay xasaasi ka qabto.

Posted in
Warar
Comments Off on Qodobada Wada-Hadallada DF & S/L Oo Aan Helnay
Posted by Iftiinshe on May 26th, 2016
Sanadkii 2007 waxaan magaalada Laascaanood kula kulmay fanaanka la yidhaahdo Qaasim Macruuf oo xilligaasi ku sugnaa, wuxuuna si dadban uga mid ahaa shaqaalihii idaacada Laascaanood, hoygiisuna isla aqalka idaacada kama uu fogayn isaga iyo kabankiisa uu ku caan baxay, isla sanadkaasi waxaan ka duubay heeso badan oo kaban ah.

Posted in
Warar
Comments Off on Heestii Dhallinyaro Sanaag Iyo Qaasim Macruuf(Daawo)
Posted by Iftiinshe on May 25th, 2016
Maalmihii ugu dambeeyey Shir u socday qaar kamid ah Isimadda dhaqanka ee Puntland, kana socday magaalada Garoowe ayaa galabtay lasoo gaba-gabeeyey, iyadoo ay ka soo baxeen go’aamo khuseeyey arrimihii looga hadlay shirkan, sidda ay Saxaafada u akhriyeen qaar kamid ah Isimaddii shirkan.

Posted in
Warar
Comments Off on Shirkii Isimada Garoowe Oo Go’aamo Soo Saaray(Sawiro)
Posted by Iftiinshe on May 25th, 2016
Abdulkadir Dahir Muse Waa Muwaadin Soomaaliyeed, waxana uu kunoolyahay Wadanka Cambodia oo dhaca koonfur Bari Asia. Abdulkadir waa oday da’diisu tahay 55 sano jir. Waxaan kula kulmay Magaalada Phnom Pehn oo ah caasimadda Cambodia anagoo si lama filaan ah isaga soo horbaxnay meel suuq ah oo ah bartamaha magaaladaasi Phnom Pehn.

Posted in
Warar
Comments Off on Qiso Dhab Ah: Oday Soomaaliyeed Oo Ku Nool Wadanka Cambodia Iyo Duruufaha Ku Haysta
Posted by Ruugcadaa on May 25th, 2016
Anaga oo ah qoyska Reer ibrahim Ducaale Aftaag waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska Reer Jaamac Hayaan oo aabahood shalay ku geeriyooday magaalada Laascaanood. Waxaan marxuunka Ilaahay uga baryaynaa inuu ka waraabiyo Janatul Fardowda, qoyskiisana Samir iyo iimaan ka siiyo. www. ruugcadaa.com

Posted in
Warar
Comments Off on Tacsi ku socota Reer Jaamac Hayaan