Archive for April, 2016

Maamul Goboleed Lagaga Dhawaaqayo Badhan Iyo Digniin Ku Socota SNM Iyo SSDF (Daawo)

Waxaa magaalada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag maalmahan ka socday shirar loogu gogolxaadhayo maamul goboleed la doonayo in halkaasi lagaga dhawaaqo, waxaana lagu casuumay madax dhaqameedyo siyaasiyiin qurbajoog iyo indheergaradka beesha halkaasi degta.  Wuxuuna ka koobnaan doona gobolada kala ah Sanaag Haylaan iyo galbeedka gobolka Bari.

Share

Tahriibayaashii Laga Soo Badbaadiyey Badda Cas(Sawiro)

92 ruux oo intooda badan u dhashay dalka Itoobiya oo badda Tahriib ku ahaa, ayaa la soo badbaadiyay, kadib markii uu gurmaday Markab ka mid ah kuwa NATO ee ka howlgala Xeebaha Somaliya.

Share

Sheekh Aadan Siiro ‘Nin Scotish Ah Oo Jooga Hargeysa Ayaa Dalbaday In Habeen Walba Loo Keeno Inan (Daawo)

Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah sheekhyada ku abtirsada deegaanada maamul beeleedka SNM ayaa shaaca ka qaaday qudhunimada ay gaaladu ka dhex wado gudaha magaalada Hargeysa sida nin scotish ah oo yidhi habeen walba waa in la ii keena inan, kolay wuxuu u doonayana waa uun fara xumayn.

Share

Xiirane Oo Xilku Sheegii Laga Tuuray

Habeenkii xalay ahaa waxaa xilku sheegii uu u hayey maamul beeleedka SNM si toos ah looga eryey Maxamed Xuseen Xiirane oo ugu magacownaa taliyaha ciidanka badda.

Share

Xildhibaanada Turkiga oo dagaal dhex maray, xilli ay ka doodayeen sharci cusub

Dooda Baarlamaanka ayaa markii danbe isu bedashay gacan ka hadal kadib markii xildhibaano badan soo buuxiyeen goobtii uu ku shirayey guddiga sharcigaan ka dooda kahor intaan loo soo gudbin codbixinta Baarlamaanka.

Share

Warsan Shire Oo Ah Gabadh Soomaaliyeed Ayaa Heesaha U Samaysa Beyonce(Daawo)

Album cusub oo 23-kii bishaan April ay soo bandhigtay Fanaanada Malaayiinta Bulshada Dunida ah ay ku xiran yihiin ee Beyonce ayaa la ogaaday iney erayada ka soo xigatay Gabar Soomaaliyeed.

Share

Turkish Airlines Oo Dib U Bilaabaysa Duullimaadyadii Muqdisho

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airline, ayaa qorsheynaysa inay dib u biloowdo Duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Magaalada Muqdisho oo ay horay u joojisay Shirkada.  Ku xigeenka Kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Cali Kamal Aydin, ayaa sheegay Qorshaha inuu yahay in Duulimaadyadii Turkish Airline ee Muqdisho in dib loo bilaabo.

Share

Aqoonyahan Maxamed Suldaan Siciid Oo Qabtay Shir Jaraa’id Oo Ku Eegayo Xaaladaha Ka Aloosan Gobolka Cayn(Daawo)

Aqoonyahan Maxamed Suldaan Siciid oo degan wadanka Ingiriiska wuxuu shirkiisa Jaraa’id uu ku lafagurayaa xaaladaha cusub ee soo foodsaaray meela ka mid ah deegaanada SSC, wuxuuna si geesinimo leh iyo khibrad bisayl weheliyo uu ku eegayaa duufaanada siyaasadeed ee soo wajahay maamul goboleedka Khaatumo state, aragtidiisa ayaanu si xor ah u cabirayaa isagoon cidna ku […]

Share

Beesha Warsangali Oo Samaysatay Jabhad Sheegtayna In Aan Garoowe Looga Talin Barlamankoodana Aan Laga Xuli karin Garoowe?(Daawo)

Waxaa magaalada Badhan ee gobolka sanaag ka bolowday halgal iyo dhaqdhaqaaq hubaysan oo beesha warsangali dalkeeda uga saaraso dadka cadowga ku ah jiritaanka beesha iyo masiirkeedaba.

Share

Sarkaal Caanka Ahaa Aqalka Siilaanyo Oo Xamar U Goostay

Abokor Cali Xaamud oo ka mid ahaa kuwa qabqablayaasha ka ah aqalka Morgan ee ay u yaqaanaan Madaxtooyada, ayaa haatan ka degay caasimada soomaaliya ee Muqdisho, isagoo quudaraynayaa inuu ka mid noqdo dawlada cusub ee dhawaan lagu dhisi doono magaalada Xamar, aad baanay arrinkan uga naxeen kooxdii uu la shaqaynayey.

Share

Xildhibaanad Swedish ah Oo Ka Been Abuuratay Soomaalida

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanad baarlamaanka u matasha xisbiga Hanti Wadaaga (Vänterpartiet) ayaa maalintii Axada ee la soo dhaafay waxay Facebook soo galisay video cunsurinimo ah oo been looga sheegayo soomaalida. Sida runta ah video-gan wuxuu ka hadlayaa shirkada Teleson Hargeisa oo shaqaalaheeda u mahad celinaysa balse kooxda Faashiyiinta cunsuriyiinta ah ee Nordisk Ungdomar ayaa […]

Share

C/wali Gaas Oo Wakhtigiisa Ku Lumiyay Kulamo Dawarsi Ah

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo wali ku sugan magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaaya ganacsatada dalkaasi iyo xubno la sheegay inay yihiin maalqabeeno.

Share

Soomaali Lagu Oogey Dacwad Gobolka Kansas Ee Dalka Maraykanka.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogay laba nin oo lagu eedaynayo inay weerar u gaysteen saddex nin oo Soomaali ah bishii June ee sannadkii hore.

Share

Maxaabiista Soomaalida Ee Ku Xidhan Xabsiyada Dalka Masar

Dadka Soomaalida ah ee ku xiran Xabsiga lagu magacaabo (Xadra) ee dalka Masar oo ku yaala meel fogaan ahaan 30KM u jirta magaalada Alexandria ee dalka Masar ayaa gaaraya 180-maxabiis sida lagu sheegay warbixin ay daabacday mid kamid ah hay’adaha xaquuqda aadamaha u dooda ee ka howlgala dalkaasi.

Share

Naftu Ma’ahan Wax Lagu Khamaaro. Cabdi Bile Cabdi oo Ka hadlay tahriibta – Video

Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi ayaa waxuu Ka hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalinba, maalinta ka danbaysa naftooda ku biimaynaya bada. Waxa kale oo uu ka hadlay sababaha keentay dhibkan. Ugu danbayn waxuu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen tahriibayaashii ku geeriyooday bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga. Halkan Ka […]

Share

Maamulka Khaatumo Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Kacdoonkii Buuhoodle – Video

Maamulka Khaatumo ayaa jawaab kulul ka bixiyay ciidamada difaaca Buuhoodle oo dhawaan kacdoon ka sameeyay gudaha magaalada Buuhoodle iyaga oo ay ku eedeeyeen inay yihiin horgalo shilimaad ku qaatay kacdoonkan ay ka sameeyeen magaalada. Halkan Ka Daawo www.ruugcadaa.com

Share

Hanashada Akhlaaqda Suuban

Mahadi allay usug naatay idil ahanteed, anigoo cuskanaya awoodiisa iyo idankiisaba, waxaan halkan kabilaabi doonaa dhigaal dhaxal reeba oo aan kaga hadli doono akhlaaqda ama debciga wanaagsan, ee muddan in qofku uhawl galo kasbashadiisa, waxaynu ogsoonahay sida akhlaaqda wanaagsan diintu udhiiri gelisay una ammaantay.

Share

Midowga Yurub oo ka hadlay sababaha ay u dhimeen 20% mushaarka Ciidamada AMISOM

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’Urso ayaa ka hadlay sababaha Ciidamada AMISOM ay uga dhimeen 20% mushaarkii ay siin jireen Ciidamada AMISOM.

Share

Turkiga Oo Toban Kun Oo Aqal Ka Dhisaya Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeyso fulinta balan qaadkeedii ahaa in Muqdisho ka hirgalin doonto mashruuc lagu dhisaayo ku dhawaad 10 Kun oo guri oo loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan dadka shacabka ah kuwooda aanan waxba heysan ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Share

Dhuuniqaate Dhibkiisu Badanaa!!!

Maalmahan dambe waxaad moodaa kooxo aan aragti fog lahayn, balse dhuunta wax ka arkaa ayaa bilaabay inay ka dhex goodiyaan gudaha magaalada Buuhoodle, iyagoo maalmo ka horna aan haysanin wax dhaqaale ah, iminkana waxaa shillimaad sun ah ku soo shubtay maamulada Garoowe iyo Hargeysa iyo qaar dibadaha jooga oo ay fartu ku godan tahay.

Share

P/land Iyo S-land oo dhaqaalihii Ugu Badnaa Buuhodle Geliyey Iyo Xogtooda Oo La Helay

Xubno sheegtay saraakiil balse u badan wakiilo si hoose iyo sicadba ula shaqeeya maamulada hareeraha ee cadowga ah, xubnahan oo hadalkoodu isugu jiro cabasho iyo af wax cuney, mar waxay ka cabanayaan ciidanka la sameeyey oo ay sheegeen inaan waxba laga weydiin cidna. Waxayna ula jeedaan inaan ayaga dhaqaalo la siin, balse horey ayaa loola […]

Share

Kenya Oo Dib U Bilowday Darbigii Xuduudka Ahaa

Dawlada Kenya oo horay ugu dhawaaqday inay xuduudkeeda ku wareejin doonto darbi dhererkiisu yahay ilaa 700km, oo lagu xidhi doono kamarado iyo qalab amniga ka qayb qaadan doona.

Share

Sheekh Maxamed Idiriis Oo La Maxkamadaynayo

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ayaa wadanka maraykanka lagu maxkadaynayaa, ilaa hadana dacwad oogayaashu ma hayaan wax cad.

Share

Roobabkii Oo Ka Curtay Gobolka Cayn

Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay meela ka mid ah gobolka Cayn sidaa deegaanka Sooljoogto oo aan aad uga fogayn magaalada Buuhoodle.

Share

Tusaale Wanaagsan (Akhri Xogtan )

Zaynaab Sh Yusuf Haybe waa mid ka mida hablaha dhallinyarada ah ee ku dayashada mudan ee ku dhaqan magaalada Laascaanood.Zaynab Sh Yuusu Haybe , Waxay dhamaysay dugsiga Tababarka Caafimaadka ee gobolka Sool ,2008 Sidoo kale waxay Jaamacada Nugaaal University ka dhamaysay sanadkii 2015 labaa Kuliyadood oo kala ah Kulliyada Caafimaadka iyo kulliyada Horumarinta iyo Hogaanka […]

Share

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdilaahi Oo Ka Hadlay Shirqoolkii Garoowe Iyo Fashilkiisa(Daawo)

Xildhibaan Cabdirashiid C/llaahi Maxamed oo  Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id, ayaa sheegay in heshiiskii 03-dii bishaan Abriil, ay Garoowe ku kala Saxiixdeen Dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland uu yahay mid lagu shirqoolayo Qaranimada Somalia.

Share

Diyaarad Tamarta Qoraxda Ku Shaqaysa Oo Caalamka Ku Soo Wareegtay

Dayaaradda ku shaqeysa qoraxda oo lagu magacaabo Solar Impulse ee duulimaadka kusoo wada martay guud ahaan caalamka ayaa fadhiisatay magaalada California kadib markii mudo seddx cisho ah duulimaad kusoo martay badweynta pacific-ga.

Share

Ciidamada Khaatumo Oo Ku Sugan Gobolka Cayn Una Diyaargaroobay Inay Casharo U Dhigaan Maleeshiyada SNM Iyo Kuwa Horboodaya(Daawo)

Durba waxaa jiidda hore ee gobolka Cayn laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu soo diyaariyey maamul goboleedka Khaatumo state of somalia, oo iyagu soo dhamaystey tababar ciidan oo wax ku ool ah, arrintanina waxay cabsi iyo dhanjaf ku riday maleeshiya beeleedka SNM ee iyagu ku sugan duleedka Widhwidh.

Share

Baaq Ku Aadan Eheladii Dhallinyartoodu Ku Dhamaatay Badweynta Masar Iyo Talyaniga U Dhexaysa(Daawo)

Dhawaan masiibadii waydayd ee ka dhacday badweynta u dhexeysa masar iyo talyaaniga ee ay ku le’deen dhallinyaradii tahriibayaasha ahaa, muraadkooduna uu ahaa inay gaadhaan wadamada Yurub oo ay islahaayeen nolol wanaagsan baa idinka horeysa, balse naftooda ku waayey.  Hadaba waxaa baaq tiiraanyo leh gaadhsiinaysa hooyooyinka soomaaliyeed fanaanada soomaaliyeed ee la yidhaahdo Siciido Shiino.

Share

TACSI TIIRAANYO & MURUGO LEH

Ilaahay ha u naxariistee waxaa magaalada buuhoodle ee caasimada gobolka Cayn ku geeriyooday Marxuum :- Xaaji Mahamed Cumar  Gole, taariikhduna ay ahayd  21 . 4. 2016 . Hadaba waxaa  tacsida diraya anaga oo kala ah :- 1. Xildhibaan Dr. Mahamed Hersi Ducaale & Xaaskiisa .

Share
Powered by WordPress