Archive for March, 2016

Xasuus Dhaxalgal Ah Iyo Laascaanood 2001(Daawo)

Waxaan idiin soo baahinaynaa qayb ka mid ah  xasuusihii aanu ka duubnay gobolka Sool sanadihii 2001, hadaba qaybtan kooban waxaa aad codkiisa ka dhex maqli doontaan Weriye Cabdisamad oo ka mid ahaa raggii ka hawl geli jirey idaacadii madaxa banaanayd ee Radio Laascaanood, intii aanay ku soo duullin maxaysatada maamul beeleedka SNM oo iyagu haatan […]

Share

Dabley Hubaysan Oo Shaqaale Turki Ah Ku Laayey Muqdisho(Daawo)

Dablay hubaysan ayaa si arxan daro ah waxay rasaas ooda ugaga qaadeen laba shaqaale turki ah iyo wiil soomaali ah oo la socday xilli ay marayeen xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku qudhbaxay sadexdii qof ee gaadhigaasi watay.

Share

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Myanmar oo la ogaaday inuu heysto shahaado been abuur ah

Ninka loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo qorsheynta Xukuumadda Myanmar Kway Win ayaa la ogaaday inuu heysto shahaado been abuur ah oo uu iibsaday.

Share

Kooxo Bililiqeysta Laydhadhka Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo iftiinkii wadooyinka ay dib u soo noqdeen, kadib markii laga hirgeliyay mashaariic horumarineed oo lagu ifinayo caasimada, laguna suray nalalka cad-cadeeda ku shaqeeya, ayaa waxaa soo baxaya kooxo bililiqeysta xiliyada habeenkii ee dadku seexdaan.

Share

Murtida Maanta:Walaalkaa Diiday Inaad Wada Dabaatalaan Inaad Wada Degtaan Buu Doortay

Odhaah xikmadeedkan waxaynu u adeegsanaynaa Nin aad isku dan isku dad iyo isku dakaba tihiin oo aydinaan sina nolosha iyo sharafta ugu kala maarmaynin,oo hadii aad isfahmi waydaan ay dhibi idinka soo wajahayso oo kaa diiday war aynu danteena ka tashano oo ku yidhi danteena adiga kaala tashan maayee waxaan kala tashanaya cadowgeenna sida SNM […]

Share

Hub Ku Soo Wajahnaa Somalia Ee La Qabtay

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Hubkii ay gacanta ku dhigeen Ciiddanka Badda dalka Faransiiska ee ka howlgala biyaha Somalia.  Trade Winds oo ah Wargeyska qoray warbixintaani, ayaa sheegay in Doonida siday Hubka ee gacanta lagu dhigay lagu hayo baaritaan la xiriira halka ay Hubka ka keentay iyo ujeedka laga lahaa.

Share

Noocyada Madax Xanuunka ( Types of Headache)

Madax xanuun waa xanuun madaxa kaa qabta. waxuuna leeyahay Noocyo kala duwan iyo sababo keena xanuunkaa. Madax Xanuunka Sanqaroorka (Sinus Headache) Madax xanuunka sanqaroorku wuxuu sababaa xanuun madaxa iyo wejiga ah. Xanuunka waxaa keena barar ka jira marinnada sanqaroorka ee ku yaalla daamanka, sanka iyo indhaha. Xanuunku wuxuu ugu sii daran yahay marka horey loo […]

Share

Puntland oo qaadashada 4.5 ku xirtay in Baarlamaanka laga wareejiyo Muqdisho

Kulamada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa wali la isku mari la’yahay, iyadoo Puntland shuruud cusub ku xirtay aqbalida nidaamka 4.5.

Share

Waa Gabaygii La Magac Baxay “Ma Habeen Dumaan Ahay Markaan Haybo Kala Sooci”

Abwaan Axmed Cabdi Ibraahim (Indhayare)wuxuu ka mid yahay da’yarta suugaanleeyda ee deegaanada Khaatumo state of somalia, wuxuuna gabaygan ugu magac daray ma habeen dumaan ahay markaan haybo kala sooci.

Share

Beesha Xasan Xanafi oo afka furtay – Video

Beesha Baadi Cade oo uu kasoo jeedo Xasan Xanafi oo ahaan jiray wariye kadibna ku biiray kooxda AlShabaab ayaa afka furatay kadib markii mar labaad ay maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ku riday xukun dil ah. Xanafi oo sida la sheegay qiraal laga hayo ayaa lagu Soo eedeeyay ka mid ahaanshaha AlShabaab iyo dilalka dhowr […]

Share

Xafladii Khaatumo State Of Somalia Ee Jarmalka, Heeso Iyo Ciyaar Soomaali (Qaybtii Koowaad Daawo)

Waxaanu idin soo gudbinaynaa qaybtii kowaad ee xafladii sanadguurada afraad ee Khaatumo laguna qabtay wadanka  Jarmalka, siiba heesihii goobtaasi laga qaaday iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ee ay reer Khaatumo caanka ku ahaayeen.

Share

184-Qof oo Soomaali ah Oo Qaxooti Ku Ahaa Wadanka Botoswana Ayaa Xoriyadooda Lasiiyey

Boqolaal Maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ay ku jiraan Haween iyo caruur, ayaa laga siidaayey Xabsiyo ku yaalla Dalka Botswana, kuwaasi oo in muddo ah ku xirnaa xabsiyadaasi.

Share

IGAD oo beenisay iney ku lug leedahay wada hadalada Siyaasadeed ee ka socda Garoowe

Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa beeniyay iney ku lugleeyihiin wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo ka socdo magaalada Garowe.

Share

Rasaas ka dhacday Aqalka Congresska Maraykanka US Capitol oo hal ruux ku dhaawacmay

Rasaas ayaa laga maqlay halka ay dadka martida ah ka fariistaan xarunta Maraykanka ee US Capitol magaalada Washington waxaana lagu amray shaqaalaha in aysan dibada iman.

Share

Maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar oo loo sameeyay telefishino.

Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar ayaa noloshooda wax laga badalay, waxaana qololka ay ku xiran yihiin loogu rakibay Tv ay kala soconayaan aqbaaraadka iyo ciyaaraha oo dhalinyarada ay xiiseeyaan.

Share

Tacsi Tiiraanyo Leh: Axmed Geele Dalmar Oo Ku Geeriyooday Laascaanood

Ilaahay ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Laascaanood ku geeriyooday Axmed Geelle Dalmar, Hadii aanu nahay bahda Ruugcadaa.com waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Cabdicasiis Saleebaan Axmed iyo Xaaskiisa Fatxiya Axmed Geelle iyo eheladii uu ka geeriyooday Axmed Geelle Dalmar.

Share

Ku Soo Dhawaada Gabay Uu Tiriyey Abwaan Hurre Axmed, Xilligii Sanadguurada Afraad Ee Khaatumo(Daawo)

Abwaan Hure Axmed oo ka mid ah da’yarta suugaanleeyda ah ee ka soo jeeda deegaanada SSC ayaa gabay aad u miisaaman,isla markaasina wata luuqdii ay gabayada soomaalidu caanka ku ahaayeen, waana hibo ilaahay bixiyo oo aanay u suuragalaynin inuu qofkastaaba la shir yimaado.

Share

Faysal Cali Waraabe Oo Jamaal Ka Eryey Xisbigiisa Uu Jeebka Ku Wato

Odaygan faysal cali waraabe oo ah shakhsi aanay siyaasadiisu deganayn, sida ay sheegayaan waxaa waqtigan dhabarka ka soo taabtay qolada Muuse Biixi oo isagu doonaya inuu afduub iyo juujuub ku qabsado maamul beeleedka SNM marka la gaadho xilliga doorashooyin ku sheegooda…

Share

Maxbuus iyo Askariyad is-jeclaaday oo baxsad ahaa oo la soo qabtay

Boliska Talyaaniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Maxbuus u dhashay dalka Syria oo baxsad ahaa, kaasi oo ay la socotay Askariyad u dhalatay Switzerland oo jacayl daran u qaaday, kana caawisay sidii uu uga soo baxsan lahaa Xabsigii uu ku xirnaa.

Share

Shabakada Warbaahinta Al Jazeera oo dhimaysa shaqaalaheeda

Shabakada warbaahinta ee Al Jazeera oo xarunteeda weyn ay ku taal dalka Qadar ayaa ku dhowaaqday inay dhimayso shaqaalaheeda ku kala sugan caalamka oo idil.  Shaqaale gaaraya 500 oo ku kula sugan dalal badan oo caalamka ah balse badankood ay ka howlgalaan xarunta shabakadan oo ku taal magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa weynaya shaqadooda […]

Share

Jab dheeman aad u yar oo laga keenay Africa oo lagu iibiyay $610 Million:

Cad dheeman ah oo aad u yar ayaa magaalada Londan lagu soo bandhigay, kaasoo lagu iibiyay lacagtii ugu badneyn oo dhan $610 Million dollar. Jabkaan dheemanka aadka u yar oo laga keenay dalka Anglo ayaa waxaa soo bandhigtay oo iibisay shirkadda Anglo American Plc ee xarunteeda tahay Londan.

Share

Sade Mahad Dirir Guuleed Oo goor dhaweyd masaajid ku yaal Muqdisho lagu dilay

Ilaahay ha u naxariisto Sade Mahad Dirir Guuleed  isaga oo  ku tukanaya masaajidka ayaa gacan ka xaq daran kasoo toogatay mid ka mid ah daaqadaha masjidka, isla markaana halkii ayuu qudh baxay, iyadoo la xaraantimeeyay dilka qof muslim ah. 

Share

Tuugada internetka (Hackers) oo xaraf ay si khaldan u qoreen ka hor istaagay dhicidda malaayiin dollar ah

Tuugo u dhacday koontada bangiga Bangladesh uu ku leeyahay Federal Reserve Bank ee magaalada New York ayaa laga hor istaagay dhicidda malaayiin dollar ah kaddib markii ay xaraf si khaldan u qoreen.

Share

Bankiga Premier Oo Dalka Somaliya Keenay Adeegyada Kaararka Ee Visa Markii Ugu Horreysay Taariikhda Soomaaliya

Bankiga Premier Somalia ayaa markii ugu horreysay taariikhda keenay dalka Soomaaliya adeeegga kaararka ee VISA, taas oo la jaan-qaadaysa siyaasadda bankiga ee ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka hababka lacag-bixinta ee casriga ah ee ay kaararku ka midka yihiin.

Share

Qaramada Midoobe oo Codsatay in laxanaaneeyo Caruurti Al-Shabaab ee Puntland qabatay

Wakiilka Q,M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Michael Keating oo ka hadlayay  dhalinyarada ka tirsanaa Al-Shabab ee ay Puntland ku qabatay dagaalkii ka dhacay dhawaan gobolada Mudug iyo Nuugaal ayaa codsaday in loola dhaqmo si waafaqsan xeerka caalamiga ah ee dhawrista xaquuqda aadanaha.

Share

Shir Qarsoodi Ah Oo 1977 Looga Hadlay Soomaaliya

Goobtu waa Barliin-Bari. Waa maalin Axad ah. Abriil waa 3 1977. Waa Guriga Golaha Dhexe. Shir socday shan saacadood oo dhowdhow ayaa dhex maray Hoggaamiyaha Cuba, Fidel Castro oo markaa ka soo laabtay Geeska Afrika iyo Hoggaamiyaha Jarnalka Bari Erich Honecker. Marka lagu daro biririf dhexda ah, shirku wuxuu socday barqadii ilaa makhribkii. Wuxuu kulanku […]

Share

Maamulka Hargeysa Bilaabay Inay Soo Hawlgeliyaan Dablay Hubaysan

Dabley hubaysan oo aan haybtooda laga garanayn ayaa habeenimadii xalay ahayd hoyga ay ka dagan tahay magaalada hargeysa ku weeraray gabadh Gudoomiye ku sheeg ka ah xisbi ku sheega  UCID laantiisa Berbera, lana yidhaahdo   Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo maalmihii u danbeeyey ku sugnayd magaalada hargeysa.

Share

Ninka loo haysto weeraradii Faransiiska ka dhacay oo diiday inuu hadlo

Ninka loo haysto abaabulka weerarkii ka dhacay magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ee Saalax C/Salaan oo u xiran booliska dalka Biljimka ayaa diiday inuu hadlo sida laga soo xigtay saraakiil boolis ah.

Share

Maxabiistii Galmudug ay soo Bandhigtay oo ka Waramaya Qaabkii loo soo Qabtay (Video)

Wiilal ka mid ah Alshabaabkii lagu qabtay Galmudug ayaa ka sheekaynaya sidii loo qabqabtay iyo weliba markii ay ku soo biirayeen sidii loo soo raafay, dhamaantoodna waxay ka soo jeedaan dhinaca isla koonfurta soomaaliyeed.

Share

Dilaagi Weriyayaasha Oo Mar Kale Dil Lagu Xukumay

Iyadoo Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay 3-dii Bishaan Dil Toogasho ah ku xukun tahay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsan Shabaab islamarkaana loo haysto Dilalka wariyaal badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa uu Xanafi Racfaan ka qaatay Xukunkaasi,waxaana uu Racfaan u qaatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida.

Share
Powered by WordPress