Archive for December, 2015

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Soo Gaadhay Imaaraadka

Warar aanu ka helayno dubai waxay sheegayaan in uu garaad jaamac garaad cali ka soo degay garoonka diyaaradaha ee dubai inkastoo safarkan oo ahaa mid aanay jaalliyada khaatumo war ka haynin.

Share

Horgalo Iyo RRU Iswadata Oo Qafaal Ka Sameeyey Gudaha Laascaanood

Sida aanu ku helayno xogaha waxay tibaaxayaan xalay fiidkii waxaa magaalada laascaanood gurigiisa laga baxay nin lagu eedeeyey khaatumaad tahay.

Share

Hunguri Wadkii MA Arko, Koofiyad baclayaal sheegtay WidhWidh

Waxaa dhawaan shaashadaha Soomaalida kasoo baxay niman si gunimo ah shilimaad u raadiyana, Waxay sheegteen Reer Widhwidh kadibna baaq catowyo u dirsaday hogaanka jabhada SNM.  Shacabka Dhulbahante in badan ayey arkeen koofiyad bacle ku maxaafsada magaca beesha, iyagana waxaanu leenahay Yaahuu. Halkan Ka Daawo www.ruugcadaa.com

Share

9-Soomaaliya oo lagu xiray dalka Costa Rica..

Saraakiisha Xafiiska Sharci fulinta dalka Costa Rica,ayaa xiray 51-muhaajiriin oo dalal kala duwan ka tagay,kuwaasi oo ku safrayay gaari xamuul ah oo marayay Buundada Caña Blanca arbacadii shalay.

Share

Wasiirka Maaliyadda oo maanta lagu wado inuu hor-tago Baarlamaanka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa lagu wadaa inuu hor-tago Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo Miisaaniyada sanadka 2016 oo hor-yaala Baarlamaanka.

Share

Hub Cul Culus Iyo Lacag Lagu Aasay Masaajid Ku Yaal Muqdisho Oo Ciidanka Boolisku Soo Saareen

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi risaaq Cumar Maxamed oo shalay kormeer ku tagay goob Cibaado oo lagu qariya hub iyo rasaas aad u culculs oo aan la garaneyn u jeedada dhabta ah ee ka dambeysa iyo hubka cidii iska lahayd toona.

Share

Maxaa Sababa Hurdo La’aanta?

Hurdo la’aantu waxay ka timid dhibaatooyinka la xiriiro hurdada, waxaana lagu gartaa in qofka oo hurdo ku soo dhici karin ama hurdada ku raagi karin.  Dadka qaar oo ka sheegto hurdo xumada waxay kaloo dareemaan daal iyo tabardarri markii ay soo toosaan subaxii ama haddii ay ka soo toosaan habeenkii kuma laaban karaan ama waqti […]

Share

COL. AXMED JAAMAC GEDLE OO BAAQ U DIRAY MADAXWAYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DADKA REER KHAATUMO

Col Axmed Jaamac Gedle oo ka mid ahaa saraakiishii hore ciidan xooga dalka Soomaaliyeed ayaa baaq culus u soo jeediyey Madaxwaynaha dowladda Federalka Somalia iyo sidoo kale Dadka deegaamada Sool Sanaag iyo Cayn iyo sidoo kale maalka deegaanadaasi ee Khaatumo Col. Gedle wuxuu guubaabo u diray dadka reer Khaatumo sidoo kale wuxuu madaxwaynaha Federalka Somalia […]

Share

Dalka Ingiriiska oo laga Cabsi qabo Dabeylo Cusub oo sameyn reeba

Roobab xoogan iyo dabaylo ayaa laga filayaa inay ka dhacaan dalka UK.  Sidoo kale daadad ka dhasha dabaylahan ayaa cabsi laga qabaa.  Waxaa jira ilaa afar digniin oo ku saabsan walwalkan la muujinayo.

Share

Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxa uu ku Guul Dareystay ka hortagga Nabaad guurka Lacagta Shilinka Soomaaliga

Umad weliba ee dunida ku nool waxa ay leedahay waxyaabo u gaar ah , sida Dhaqan , Luqad iyo Lacag, dadka Soomaaliyeed oo alle uu u gaar yeelay awood dhaqaale, dhul barwaaqo ah , islamarkaana mar ay intaan ka tabar yaraayeen xagga dhaqaalaha sameystay lacag ay kaga soocan yihiin umadaha kale taas oo ah Shiling […]

Share

Riwaayadii Sooraan Iyo Jawaanka Reer Laascaanood Oo Fashil Ku Dhamatay Iyo Macanjeceshii Oo Shuban Calooleed Ka Qaaday Caynaba

Sida aad la wada socoteen waxaa Magaalada Laascaanood Mudadii u danbaysay ku sugnaa Sooraan iyo Jawaanka Reer Laascaanood kuwaas oo Magaalada Laascanaood u joogay in ay ka dhigaan Riwaayad lagu soo alifay magaalada Hargaysa.

Share

Maamul Beeleedka SNM Shaley Bay Dawladii Dhexe Ku Magaayeen Xatooyo Ee Tani Maxay Tahay?!!!

Sooyaalka taariikheed markaynu dib u milicsano, waxyaabo badan ayaa markiiba ku soo dhacaya maankeena, kuwo farxadeed iyo kuwo murugeed, hase ahaatee aadamaha fekera wuxuu ka faa’iiadaystaa dhacdooyinka soo mara, waanay ku cibro qaataan, shalay hadaad shakhsi ku maagaysey xatooyo iyo waxaanad hubin, maanta sow may ahayn inaad ka baydhid?!!!

Share

Cabista Biyaha Kulul Oo Laga Helo Faaiidooyin Caafimaad

Daraasado tiro badan ooo marar kala duwan soo baxay ayaa daahfuray in cabbista biyaha kululi ay jirka u leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Qormo lagu soo ururiyey faa’idooyinkaas ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin:

Share

Maamulka Bakool Sare Oo Shuruud Cajiib Ah Ku Xiray Shariif Xasan!

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Xildhibaanadii yagleelay maamulka Bakool sare, ayaa ka hadlay qeyla dhaan kasoo yeertay maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.  Cabdiwahaab ayaa sheegay in marnaba aysan suuragali doonin inay horfadhiistaan maamulka Koonfur Galbeed waxa uuna sheegay in haddii ay dhacdo wada hadal ay wataan hal shuruud.

Share

Sheeko Siyaasadeed: Puntland Maxay La Fadhiisanaysaa ? ..

Waxaa la yidhi oday ayaa afadiisa dhibaato ku qabay, wuxuu ka kari waayay inay danteeda garato oo ilaahii uumay u tukato. Wuxuu wacdi ku wadaba maalintii dambe ayay is tidhi yaadan xaajiga ku waayin salaad la’aane iska tuko si uu kuula sii joogo.

Share

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ka hadashay habka wadaaga wax soo saarka kheyraadka dalka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa soo sartay War-saxafadeed ay uga hadleeyso habka wadaagga wax soo saar ee qayaraadka dalka, ayadoo taageera ka heleeysa African Legal Support Facility (ALSF).

Share

Maxaa qofka Soomaaliga ah markuu arko Soomaali kale u qab weyn yahay, markuu ajnabi arkana u qab yar yahay?!!

Waxaan maanta u qallin qaatay inaan wax ka qoro dhaqan aan muddo dheer daraasad ku samaynayay oo ku saabsan dadkeenna Soomaaliyeed sida ay Qoorta ugu hooseystaan ama ugu dabacsan yihiin, tixgelin dheeraad ahna u siiyaan ruux kasta oo Ajnabi ah oo ay la kulmaan halka taa beddelkeeda markay walaalkooda Soomaaliyeed ay kulmaan ay tixgelin iska […]

Share

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ka Hadlay Shirka Nabada ee Taleex & Arrimo kale (Dhegayso)

Golaha Isimada Deegaanka Sool Sanaag iyo Cayn oo mudooyinkan ku Mashquulsanaa Dib u Heshiisiinta Beesha Dhulbahante iyo Beelaha Dariska ahba ayaa Lagu Wadaa in ay dhowaan u Amababxaan Magaalada Taleex.

Share

Qorshe Lagu Midaynayo Maamul Beeleedka SNM Iyo Soomaaliya Oo Ka Socda London

Waxaa la soo gaadhay xilligii ay runtu shaqayn lahayd, beentuna ay iska caraabi lahayd, sida aanu xogaha ku helayno waxaa magaalada London ka socda shir hooseed u dhexeeya madaxda dawlada federaalka soomaaliya iyo qaar ka socda maamul beeleedka SNM, waxaanay saxeexeen arimo badan oo ummada soomaaliyeed dan weyni ugu jirto.

Share

Qorshaha Raage Garaad Cabdiqani Iyo Xubnaha Weheliyaa Ee Caynaaba.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa deegaano ay ka mid tahay magaalada Laascaanood ku sugnaa Raage Garaad Cabdiqani oo dhaqdhaqaaq ka waday isagoo kaashanaya xubno deegaanka kasoo jeeda, gaarahaan beesha Maxamed Garaad Bahararsame.

Share

Muuse Biixi Oo Qiray In Dawlada Soomaaliya Ka Hor istaagtay Mashruuc Usoo Baxay SNM

Ninka ku caan baxay hadalada cunsurinimada ah ee Muuse Biixi ayaa dhalin yar oo ka qalin jabinasay jaamacad ku taal caasimada labaad ee Soomaaliya (Hargeisa) ayaa ugu qudbadeeyay weedho xajiimaysan, ka dib markii uu qarsan kari waayey goolka siyaasadeed ee ay dawlada federaalka soomaaliya ka dhalisay, mashruucii khatarta badan ku ahaa soomaaliya, kaasi oo ahaa waddo […]

Share

Dowladda Uganda oo diyaaradaheeda dagaalka u soo diraysa Soomaaliya.

Uganda ayaa shaacisay qorshayaasha ku aadan in ciidamo dhinaca cirka ah ay u soo dirto Soomaaliya horaanta sanadka soo socda si ay u dar dargaliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share

NISA oo soo bandhigtay labo nin u dhashay Iiraan oo faafinayay Mad-habta Shiicada

War saxaafadeed ka soo baxay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka ayaa lagu faah faahiyay howl gal dhowaan ciidamada Hey’adda ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qab qabtay dad la sheegay inay faafinayeen Mad-habta Shiicada.

Share

Isimada Dhaqanka Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn Oo Taleex Ku Wajahan

Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur Oo Kamid ah Isimada dhaqanka gobolada sool sanaag Iyo Cayn ayaa ka warbixiyay safar ay ku joogaan magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.

Share

BURBURKA BANAADIR IYO POINT 5

Burburka Banaadir waa bilawga buburka dalka. Dadka maqaamka gobolka Banadir u doodaya weli ma dareensana burburka ku soo fool leh, waxayna xooga saareen aayaha maamulka laga dhisi doono gobolka marka la gaaro xilliga dhaqan gelinta maamul goboleedyada hadda la wado, waana tallaabooyin horseedi doona baaba’ , barakac iyo burbur ka baaxad weyn, kana balaayo badan […]

Share

Ugandha oo Ciidan la yaab leh usoo diraya Soomaaliya

Uganda ayaa xaqiijisay qorshayaasha ku aadan in ciidamo dhinaca cirka ah ay usoo dirayso Soomaaliya horaanta sanadka soo socda si ay u dar dargaliso dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabab.

Share

Gaas Oo Qiray Fashilka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ka hadlaayay duullaanka ay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish kawadaan deegaano hoostaga maamulkiisa ayaa sheegay in maamulka uu diyaarinaayo qorshooyin uu kaga gaashaanto duullaanka socda.

Share

Maxaa Keeno Gariirka ama Jaraynta Isha?

Waa maxay gariirga / jaraynta ama dhifashada isha? Tani waa cillad ay ka sheegtaan dad badani oo aan fasir lahayn, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa “blepharospasm” waa in isha iyo baalashaba ay sameeyaan dhaqdhaqaaq aan contorool lahay muddo gaaban oo hal ama labo daqiiqo ah. Qofka awood uma lahan inuu joojiyo marmarka qaar aad ayay […]

Share

Xaglotoosiye Oo U Gooyey Kulan Uu Horn Cable Madax Ku Sheegooda Su’aalo Lagu Weydiiyo

Taleefishanka la magac baxay Horn Cable oo isagu u adeega maamul beeleedka SNM, waxaa jira barnaamij ay habeenba mid xil ku sheeg u haya ay kawaanka ku saaraan, ka dibna su’aal la weydiiyo marka la akhriyo taariikh nololeedkiisa (CV)…..

Share

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ciidanka Somaaliya Oo Saaka Lagu Dilay Magalada Mogdisho

Rag Bustoolado ku hubeysan ayaa aroornimadii hore ee saaka xaafada Ajibka ee degmada Dharkenley ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowlada Somaliya.

Share
Powered by WordPress