Archive for November, 2015

Gabaygii Ishaaro Iyo Abwaan Jaamac Kediye Cilmi

Gabaygan Ishaaro waxaa tirinaya abwaankeenna qaaliga ah ee Jaamac Kediye oo aan sanadkii 2002 aan kula kulmay magaalada Laascaanood weliba xaruntii ay lahayd idaacadii madaxa banaanayd ee Raadyow laascaanood.

Share

Talogelyo ku aadan shirka maamul u samaynta gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ee Nairobi kasocda.

Sida dad badan lasocdaan waxaa Nairobi, Kenya kasocda dadaallo ay gadhwadeen kayihiin waxgarad iyo siyaasiin kasoo kala jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ee Soomaaliya. Dadaaladan baa salka kuhaya sidii loo unkilahaa maamul lamid ah kuwa hadda dalka kadhismay ee kuqotoma hannaanka ‘waxna wadalihin waxna kala lihin’ ee afka qalaadna lagu dhaho Federalism. Haddaba […]

Share

Dirirta Gaalkacayo Waa Horaantii Fashilka Federaalismka

In badan baynu u soo taagnayn qabaa’il dirira, dhiig isaga daadiya si macno la’aan ah, hase ahaatee sheekadiiba waxaa bedelay dagaal ay si toos ah isaga hor yimaadaan laba maamul oo wadaaga hal magaalo, oo qolaba dhankeeda ka sheeganayso, waana qaab aynu odhan karno soomaalida ayuu ku cusub yahay, waxaanay ka wada tirsan yihiin dawlada […]

Share

Xukuumadda oo ganacsatada ugu baaqday inay canshuuraha bixiyaan

R/wasaare ku xigeenka xukuumadda, mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay bixiyaan canshuuraha si bulshada Soomaaliyeed ay dowladda uga helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Share

Garta Gaalkacyo Ha Loo Dhiibo Ibliis U Sheega Kan Ay Tahay In Jidka Loo Baneeyo

Wadiiqo ama dariiq yar oo ciriri ah oo qof kaliya marikaro ayaa waxaa isaga hor-yimid Mas khatar ah oo kuwa sunta badan ee qaniya-dooda laga kicin iyo Nin la magac baxay “Munaafaq” oo ah Nin aad u dhib badan.

Share

Shirka Isbeddelka Cimilada Oo Paris Ka Furmaya

Shirkan ayey hoggaamiyayaasha caalamku uga hadli doonaan sidii loo xakameyn lahaa dhibaatada ka dhalatay isbeddelka cimilada caalamka oo yeelatay saameyn aad u weyn.

Share

Gaas Oo Ku Adkaystay Inay Saraakiil Ethiopian Ahi Goob Joog U Noqdaan

Ilo wareed ka tirsan Wafdiga ayaa sheegay in C/weli Gaas uu ka caga jiidaayo xalinta Colaada, waxa uuna ilo wareedka tibaaxay in Gaas uu xujo ka dhigay in xalinta Colaada ay lama huraan ay tahay in Saraakiisha Ethiopia ka jooga Somalia ay goobjoog ka ahaadan shirarka lagu xalinaayo Colaada.

Share

Ciidamada Iiraan oo xoog ku furtay doon u afduubneyd burcad badeeda Soomaaliya

Wararka naga soo gaaray degmada Ceelhuur oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta dhinaca xeebaha ka soo degeen ciidamada Badda ee Dowladda Iiraan, kuwaasi oo fuliyay howlgal socday muddo ka badan saacad.

Share

Iska Horimaad Hubaysan Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Laascaanood ( Akhriso Sababta )

Hal qof ayaa ku geeriyooday ugu yaraan hal qof oo kalena wuu ku dhaawacmay iska horimaad Hubaysan oo xalay laba kooxood oo dablay ah ku dhex maray gudaha magaalada Laascaanood, agagaarka xaafada dhanka waqooyi ku taalla ee Jaammalaaye.

Share

AL SHABAAB OO XALAY MUDDO SAACADO AH LA WAREEGTAY DEGMADA KAXDA EE GOBOLKA BANAADIR –

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa caweysnimadii xalay weeraray Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, xilli aynaan ku sugnayn ciidan badan.

Share

Maamul Goboleedka galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Puntland + Video

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa wuxuu kormeeray Qaar kamid ah Saldhigyada ciidanka ee ku yaal Gaalkacyo.

Share

Diyaaradii ku soo dhacday duleedka Afgooye oo laga sheegay Arrin yaab leh

Iyadoo diyaarad kasoo duushay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ay kusoo dhacday duleedka Degmada Afgooye ayaa waxaa la soo sheegayaa in diyaaradaasi ay iminka gacanta ugu jirto Al-shabaab.

Share

Boocame Oo yeelatay Gole Deegaan

Safar uu dhawaan madaxweyne ku xigeenka dowlada Khaatumo ku marayey deegaanka nugaal Oo daarnaa daadajinta haykalka dowladeed ayaa maanta waxaa lagu guulaystay yagleedida gole Deegaan Oo uu yeeshay degmada Boocame. Waa waxqabad muuqda Oo uu la yimi madaxweyne ku xigeenka Iyo golihiisa wasiirada ee hawshan ku weheliyay, waana guul Boocame usoo hooyatay una baahan hawl […]

Share

Kalluumaystada Soomaalida Oo Ka Cabanaya Xaalufka Lagu Hayo Badaha Soomaaliya

Waayadan dambe waxaa soo badanaya cabashooyin ka imaanaya kalluumaysatada soomaaliyeed oo salka ku haya xaalufinta ay maraakiibta shisheeye ku wadaan badaha soomaaliya.

Share

Maxaa Ka Jiraa Jubbaland Oo Martiqaadaysa Madaxda Khaatumo?!

Wararka aanu ka helayno ilo aad loogu kalsoon yahay waxay tibaaxayaan in maamul goboleedka Jubbaland uu dhawaan marti qaad u fidiyey qaar ka mid ah madaxda Khaatumo state of somalia qorshahana waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda.

Share

Ruushka:Waxaan cuna qabateynaynaa Turkiga

Ruushka ayaa sheegay in cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah oo kala duwan ay ku soo rogayaan dalka Turkiga, sababtana ay tahay diyaaradii dagaalka ee Ruushku lahaa ay soo riday.

Share

Ma Xeerbaa Diidaya In Dawlad Goboleed Loo Dhisin Sool Iyo Sanaag

Sooyaalka Taariikheed ee gobollada Sool iyo Sanaag waxay ka mid yihiin degaamadii Soomaaliyeed ee ay ka bilowdeen dhaq-dhaqaaqyadii Kacaankii xornimo doonka Daraawiishtii Somaliyeed ee ka horyimid lana dagaallamay gumeysigii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Boqortooyadii Xabashida mudadii u dhexeysay qiyaastii 1898 ilaa 1921,

Share

Maxaa Ka Soo Kordhay Arimihii Midaynta Khaatumo Iyo Maakhir?

Wararka aanu ka helayno magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya waxay sheegayaan hawlihii maamul u samaynta in loo daba fadhiisan doono maamulka Khaatumo.

Share

Shiinaha oo xaqiijiyay in saldhig milateri uu ka dhisanayo dalka Jabuuti

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay inay qorsheyneyso in saldhig milateri ka dhisato Soomaaliya, kaasoo taageeri doona howl galada Shiinaha ka wado gacanka cadmeed ee la dagaalanka burcad badeedka

Share

Xaalada Gaalkacayo Oo Aad U Cakiran

Wararka ka imaanayaa magaalada Gaalkacayo ee laysku haysto waxay sheegayaan in aanu xaalku fiicnayn cabsiduna ay marayso halkii ugu saraysey.

Share

Soomaali qaxooti ah oo lagu faquuqayo xadka u dhaxeeya Wadamada Giriiga iyo Macedonia

Saalax Xirsi Cabsiiye oo ka mid ah qaxooti Soomaali ah oo ku xayiran xadka u dhaxeeya dalalka Giriiga iyo Masadooniya, ayaa sheegay in loo diiday u gudbitaanka dalalka Yurub ee ay ku haminayeen.

Share

Hay’adda UNDP oo codsatay Malaayiin doolar oo looga hortagayo Xagjirnimada Soomaaliya.

Hay’adda Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ayaa codsatay in loogu yabooho lacag dhan 46 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Barnaamij lagu wacyi gelinayo Dhallinyarradda Soomaaliya iyo kuwa dalalka kale ee Afrika inaysan ku biirin Kooxaha Xag jirayaasha ee ka jira Qaaradda Afrika.

Share

Butin Ciil Darti Dadki Salaami-waayey Jawaab Siin Waayey Oo Wixi Xoog Salab U Lahaa So Dhigay Suriya

Kadib markii ay Turkigu soo rideen Doyaarad ay Ruushku leeyihiin ayaa wadamada Reer Galbeedku waxay sheegeen in Turkigu uu xaq u leeyahay iney is difaacaan, laakiin aa xasarad iyo siigo colaadeed kor u duulin Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushku waxay sheegeen ineysan qorshaha ugu jirin iney dagaal la galaan Tirkiga laakiin diyaaradoodii lasoo ridey waxay ahayd […]

Share

Kaalinta Col Cali Sabarey Ee Shirka Maamul U Samaynta Degaanada Khaatumo iyo Maakhir

Siyaasiga Co.cali sabarey Oo ku Sugan magaalada nairobi Ayaa hadal ka Jeediyey kulan maanta Siyaasinta maakhir iyo khaatumo ku yeesheen magaalada nairobi waxana Uu Sheegay inuu yahay Shirkani muhim.

Share

Nicholas Kay Oo Cadeeyay In Somalia Qayb Qaybinta Ku Fiican Tahay

Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Key ayaa ka sheegay kulan ka socda Mgaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen Wasaaradda Warfaafinta,wasaaradaha warfaafinta Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, ayaa waxaa uu ka sheegay in Federaalka uu yahay midka ugu wanaagsan Soomaaliya.

Share

Agaasime Wasaarada Amniga Dawlada Federalka Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan Weerar Lagu Dhaawacay

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Amniga ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay toogasho galabta loogu geystay magaalada Muqdisho.

Share

Cabdiweli Gaas Oo Ku Hungoobay Shirka Maamul U Samaynta Sool Iyo Sanaag Ee Ka Socda Kenya

Wararka aanu ka helayno magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya waxay sheegayaan maamulka Puntland wuxuu u soo diray kooxo carqaladeeya shirweynaha maamul u samaynta Maakhir iyo Khaatumo, isaga laftiisuna wuxuu la xidhiidhayqaar ka mid ah hawlwadeena  safaarada maraykanka ee Nayroobi.

Share

Isimada beesha Dhulbahante Oo Soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen – Video

Waxaa dhawaan deegaamada Qorilay shir uga furmay dhamaan madax dhaqameedka beesha Dhulbahante Oo deegaankaas u tagay xalinta shaqaaqo dhex martay shacab walaalo ah. Shirkaas ayey isimada wakhti u heleen inay ka xaajoodaan arimaha dadka Iyo deegaanka Sool, Sanaag Iyo Cayn. Halkan Ka Daawo www.ruugcadaa.com

Share

Faallo Kooban Oo Ku Saabsan Xaalada Ruushka Iyo Turkiga

Waxaa jirta odhaah reer galbeedku halhays u leeyihiin inta badan marka laga hadlayo Ruushka waxaayna udhacdaa sidan: “Do not punch a bear on the nose, unless it is tied up” oo macnaheedu u dhawyahay, “Madaxkuti ama Oorso qofba siduu u yaqaan; sanka haka feedhin haddii aysan kuuxidhxidhnayn.” Ruushka reer galbeedku waxaay kunaanaysaan “THE BEAR” sababtuna […]

Share

Isimada Beelaha SSC Oo Heshiiyey Diyaarna U Ah Inay Waxqabtaan

Ugu yaraan 8 Garaad Isim oo isugu jira Garaado , Cuqaal iwm ayaa isugu yimid magaalada Qorilay ee gobolka Sool , horaantii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa magaalada loo wada yimid si uu isim waliba uu u guto hawshii loo igmaday oo ah Odoyayn iwm , waxaa sidoo kale meesha aan ka maqnayn Odoyaal […]

Share
Powered by WordPress