Archive for October, 2015

Madxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia Oo Lagu Wado Safar Shaqo Inuu Ambabaxo Wadamada Deriska

Sida aanu ku helayno wararka ku saabsan deegaanada Khaatumo state of somalia waxay tibaaxayaan maalmaha soo socda madaxweynaha dawlad goboleedka Khaatumo State of somalia wuxuu casuumad marti qaad ah ka helay qaar ka mid ah wadamada deriska.

Share

Mid Ka Mid Ah Warfidiyeenada Khaatumo Muxuu Ka Yidhi Midaynta Gobolada Sool Iyo Sanaag?!!!

Qoraayasha dhallinyarada ah ee ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of Somalia magaciisana la yidhaahdo Aadan Jaamac Oogle wuxuu bogga uu ku leeyahay barta internetka ku faafiyey qoraalkan oo uu ku cabirayo aragtidiisa la xidhiidha midaynta iyo maamul u samaynta gobolada Sool Iyo Sanaag oo ay haatan qaramada midoobay ogaatay inay dadka deegaanadaasi isku dan […]

Share

Waxgaradka Kasoo Jeeda Gobolka Sool iyo Koonfurta Sanaag Ayaa Kulan Xog Waraysi Ah Ku Yeeshay Muqdisho (Sawiro)

Xiliga Kala guurka sanadka 2015-ka ilaa 2016ka ayaa dareenka dadka reer sool iyo sanaag waxay ku hanweyn yihiin inay ka baxaan qol qolkii labada maamul ku xidheen ee waayaha soo taxnaa taasoo aad magaalooyinka muqdisho ,Nairobi iyo weliba meelo kale oo aduunka ah ay ka hana qaadayaan shirar loogu gogol xaadhayo maamul u samaynta gobolada […]

Share

Siyaasi Daahir Ciiro oo Garoowe lagu xiray.

Wararka aanu ka helaymo magaalada Garoowe ee caasimada u ah maamul beeleedka Maxamuud Saleebaan waxay  sheegayaan in Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe lagu xiray siyaasi Daahir Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan (daahir Ciiro) oo Kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland .

Share

Tahriibayaal doon kula degtay jasiiradda Lesbos, dalkaasi Griigga

Doon ay saaran yihiin ilaa 150-ruux oo muhaajiriin ah ayaa ku degtay jasiiradda Lesbos ee dalkaasi Griigga. Qoxootigan ayaa ah qoxooti Suuriyaan ah, waxaana ay doontoodu kasoo shiraacatay dalka Turkiga.

Share

Soomaalida Minnesota oo Isu-soo Bax Sameeyey

Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka ayaa sameeyey isu soo bax ay ku dalbanayaan in gacan sharciga la horkeeno dadkii dilay nin Soomaali ah oo lagu magcaabi jiray Cabdixaafid Xaaji Maxamed oo toddobaadkii hore lagu dilay magaalada Minneapolis.

Share

Colaadda Suuriya oo gashay weji hor leh

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa ka digay in qorshaha uu Mareykanka ciidama gaar ah ugu dirayo waqooyiga Suuriya ay kordhin karto khatarta ah in gobolka uu ka dilaaco dagaal aan toos aheyn. Mr Lavrov, ayaa sheegay in tani ay ka dhigtay baahida loo qabo wada-shaqaynta ka dhaxaysa ciidammada Mareykanka iyo kuwa Ruush […]

Share

Degmada Taleex Oo Laga Taageeray Midaynta Gobolada Sool Iyo Sanaag(sawiro)

Waxaa magaalada taariikhiga ah ee Taleex lagu qabtay maalintii ay bishu ahayd 29/10/2015 shirweyne aad u ballaadhan oo lagu taageerayey midaynta gobolada Sool Iyo Sanaag oo dhawaana lagu wado in loo sameeyo maamul dhamaystiran, isla markaasina waafaqsan dastuurka dawlada federaalka soomaaliya.

Share

Horgale Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax Oo Xil Madhan Loo Magacaabay

Dhawaan markii ay iskaga dareereen kuwo xilalku sheegyo u hayey maamul beeleedka SNM, oo sida la sheegay burburka ku yimi oday Siilaanyana loo aananaynayey marwadiisa oo iyadu wadatay qorshihii burburka ku yimid, wuxuu mar kale magaacabay kooxo cusub oo dhiiqada ka saara.

Share

Warkii Idacada Radio Khaatumo Qodobo Xiise Leh {Baahin Dhamaystiran}

Dhagaystayaal Ku soo Dhawaada Warkii Fiidnimo Ee Radio Khaatumo Oo Idinkaga Imaanaya Studio Buuhoodle Waxaana Ku soo Qaadan doonaa Wararkii U danbeeyey Ee Soomaaliya Iyo Caalamka Intiisa Kale Kala Soco Radio Khaatumo Codka Shacabka Khaatumo State Of Somalia.

Share

Ku simaha madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabadda xuska maalinta xorriyadda Turkiga

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta xorriyadda dalka Turkiga oo ku asteysan 29-ka Octobar ayaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Share

Ryan Oo Loo Doortay Afhayeenka Congress-ka

Muxaafadka mayalka adag ee laga soo doorto gobolka Wisconsin Paul Ryan ayaa loo doortay inuu noqdo afhayeenka cusub ee aqalka wakiilada Mareykanka.

Share

Ceebta dhalinyaradii ciyaaraha Gobolada Hargaysa loo keenay oo Jiifkii iyo cuntadii loo Haysto.

Maamul beeleedka SNM waxay qabteen barnaamijkii la odhan jirey ciyaaraha gobolada, waxaanay qaar ka mid ah ahaa dhallinyaradaasi ciyaartoyda ahi ay soo gaadheen magaalada Hargeysa si ay markaasi uga qayb galaan  kulamadii kama dambaysta ahaa, hase ahaatee kuwo wasiiro ku sheegyo ah oo isku dul casilay iyo xasilooni daro ayey dhallinyaradaasi kula kowsadeen magaalada Hargeysa.

Share

Maamul Goboleedka galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Puntland

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa wuxuu kormeeray Qaar kamid ah Saldhigyada ciidanka ee ku yaal Gaalkacyo.

Share

Deegaanada Maamulka Puntland Oo Laga Mamnuucay Dhageysiga Laanta Af-Soomaaliga Ee VOA

Wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa wareegto ay soo saartay waxa ay deegaanada maamulkaasi ka taliyo laga mamnuucay in marnaba aanay ka howlgali karin Idaacadda VOA, laanteeda Af-Soomaaliga ah, sidoo kalena aan la dhageysan karin.

Share

Ma Ogtahay In Shirkadaha Mobile-lada Samsung, Blackberry, Sony Lawada Xiri Doono Dhawaan ? (Sababta Sii Ogow)

Shirkadan Mobillada ka gacsada waxaa ay laga deyrinayaa khasaaraha ay sanad walba galaan, waxaa kaloo tartan adag kula jira shirkadaha Tecknolojiyadda ee kale.  Shirkadda Koobaad: Lenovo, Waa shirkada Telefoono gacanta ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaa la aasaasay 1984-tii, waxaa ay xafiisyo ku leedahay Chinese Beijing, China, Morrisville, North Carolina, United States iyo meelo […]

Share

WAXTARKA CAAFIMAAD EE RUMMAANKA.

Majalada Jarmalka ah ee Elle ayaa soo warisay in Rumaanku faa’iidooyin aad u wayn oo gaar ah uu u leeyahay jidhka iyo maskaxda si isku mid ah, waxana dhinac kale uu la dagaalama cudurada wadnaha iyo kansarka ka, waxa kale oo uu caawiyaa firfircoonida xasuusta,waxana kamid ah faa’iidooyinka kuwan soo socda.

Share

Jacdiidkii Safarka Iyo Juba Airways.

Dadku waxay kala yimaadeen.daafaha dunida .madaarka hargaysa ayaa sugayaal lagu wada ahaa(transit) qof walba saacado ayuu soo saarna saacado kalena horuu mid kale usoo saarnaa.

Share

Muxuu Ku Sifeeyey Aqoonyahan Ka Faallooday Barlamaanka Puntland?!!

Nin Masuula oo Wakhti Hore Kamid ahaanjiray Baarlamaan ka Puntland lakiin iska casilay markuu dhulkiisii iyo dad kiisii ka dhexwaayay maamulkaa. Ninkaasi markuu maamulka Gobolada Waqooyi Bari katagay waxa uu Maskaxdiisa iyo Muruqiisa isugu geeyay deegankiisa iyo dad kiisa.

Share

OGAYSIIS Ku Socda Jaalliyadda Reer Khaatumo Ee Wadanka Holland

Dhammaan jaaliyadda reer khaatumo ee deggan waddanka Holland waxa lagu war gelinayaa in gudiga jaaliyaddu ay soo qaban qaabiyeen shir wayne loo qabanayo jaaliyadda.

Share

Maxaa Keenay Burburka SNM ta Ee Waqtigan?!!!

Hadii wax walba qabyaalad lagu saleeyo waxa ka yimaada Maxsuul xun, cilada keliya maaha waa go’aynaa reer keliya wato, Waxa ka sii daran can walba waa buuxsanaynaa!.

Share

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo sheegay goorta ciidanka Xoogu dalka la wareegayana-VIDEO.

Taliyayaasha Ciidamada SOomaaliya iyo AMISOM ayaa diyaariyey qaabkii nabadeynta dalka loo qaban ahaa, iyo sidii gacan bir ah amaanka loogu sugi lahaa iyo sidoo kale xiligii ciidankii xoogu dalka la wareegi lahaayeen.

Share

Wariyaha Tv-ga Universal oo Waraysi adag la yeeshay Nicholas Kay, Arimaha DF, 2016, Xiisada GALMUDUG iyo Puntland, Khaatumo iyo Somaliland-Video.

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Tv-ga Universal uu la yeeshay Nicholas Kay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Waxaana wax laga waydiiyey Guud ahaanba Siyaasada Soomaaliya, Wixii u qabsoomay, Mooshinkii Madaxwaynaha iyo kuwii ka horeeyay iyo Qorshaha 2016-ka.

Share

Dowladda Finland oo dib u eegis ku sameyneyso qaabillaada Qaxootiga Soomaalida ah.

Dowlada Finland ayaa sheegtay in ay ka fiirsanaysa qaabilaadda ay u sameyso qaxootiga Somalida ee gaara dalkaasi gaar ahaan gobalada Nordic oo dhawaan ay gaareen muhaajiriin ay ku jiraan Somalia badan.

Share

Soomaali Maxkamad Lagu Soo Taagay Masar

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in dalkaasi Masar maxkamad lagu soo taagay Soomaali iyo Masaari kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay ahaayeen Mukhalisiin wadanka soo galiya kana tahriibiya dadka muhaajiriinta ah.

Share

Gudoomiyaha USP oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Toronto Qudbado (Daawo)

Gudoomiyaha USP mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa gaadhay magaalada Toronto ee dalka Canada waxana halkaas ku soo dhaweeyey boqolaal dad ah, oo isugu jira kuwa ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag, Awdal iyo Cayn, ayadoo halkaas qudbado halkaas laga soo jeediyey, taariikhda USP.

Share

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo is-casiley

Guddoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa warsaxafdeed uu saaka gurigiisa ku qabtey is-casiley kadib markii xildhibanaada ka keeneen mooshin xilka looga xayuubinayo.

Share

Qaab aan horay loo arag oo Xasan Sheekh loogu qaabilay dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

Share

Gabar uu Faarax C/qaadir adeer u yahay oo fadeexad ka dhex abuurtay dowlada

Xafiiska hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa ku eedeeyey ku-xigeenka hanti dhowrka guud ee qaranka Faadumo Maye Maxamuud anshax xumo iyo inay ka been sheegtay shahaadooyinka ay la timid markii la magacaabayey.

Share

QM oo Ciidamada Kenya ku Cambaaraysay inay dalkooda u dhoofiyaan Sonkor sharci daro ah

QM ayaa ku eedeysay Mar kale ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo in ay wadaan ka ganacsiga Sonkorta si sharci dara ah oo ay u dhoofiyaan dalkooda Kenya.

Share
Powered by WordPress