Archive for August, 2015

Ka soo bax (Boils or Furunculosis)

Kasoobaxu waa finan xanuun badan oo ay ka buuxsanto malaxi. Finankaasi waxay ku samaysmaan dubka/maqaarka/haragga hoostiisa marka bakteeriya ay bukaysiiso halka ay kasoo baxaan timaha xaaddu. Waa gunta tinta.

Share

Maxaa ka Socda Magaalada Balicad? (Daawo)

Magaalada Balicad Waxaa Maanta Galinkii Hore ka Furmay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Khaatumo Waxaana Shirkaasi Gudoominaye Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo PRO Cali Khaliif Galaydh Waxaana Dhinac fadhiye Madaxwayne Kuxigeenka iyo Golaha Wasiirada

Share

Soo Dhawayntii Wasiirka Arimaha Dibada, Qorshaynta Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ee Khaatumo Ee Ohio (Daawo)

Wasiirka arimaha dibada qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga mudane  Maxamed Ibraahim Ducaale Aftaag ayaa safar shaqo ku maraya wadanka Maraykanka, waxaana haatan dhawr maalmood uu joogay Columbas Ohio, oo halkaasina si diiran loogu soo dhaweeyey.

Share

Majaajilaystihii Weynaa Ee Oday Cabdulle Oo Gaadhay Muqdisho

Oday Cabdulle oo ka mid ahaa majaajilaystayaashii ugu caansana soomaaliya siiba dhinaca ka qoslinta dadka, markii uu soo gaadhay magaalada Muqdisho wuxuu waraysi ballaadhan siiyey talafeeshinka dawlada wuxuuna ku soo bandhigaya  waraysigaasi arimo badan.

Share

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in shalay Magaaladaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.  Qaraxaan oo ahaa Bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa la sheegay inuu ka dhacay gaari yar oo yaallay wadada dhinaceeda, wuxuuna yaallay gaariga Suuq Inji halka loo yaqaan, meel ku dhaw mehrada Xalwo Kismaayo.

Share

Pope Francis: Tahriibta Waa in Wax Laga Qabtaa

Wadaadka ugu weyn diinta Masiixiga Pope Francis ayaa Axaddii shalay ka qeyliyay dhimashada 71 tahriibe oo laga dhex helay gaari xamuul ah oo looga tagay wado dhinaceed dalka Austria, isagoo shilkaasi ugu yeeray dambi laga galay bani aadnimada.

Share

Masar oo laga helay gaas badan

Shirkada Talyaaniga ee shidaalka ee Eni ayaa sheegtay inay ka heshay mid ka mid ah gaaskii ugu badnaa adduunka ee dabiici ah meel u dhow xeebta Masar.

Share

Wasiir Aftaag oo kulan gaara la qaatay Gudiga Columbus

Wasiirka Xidhiidhka Caalamiga, Qorsheynta iyo Jaaliyadaha Khaatumo Dr. Aftaag ayaa kulan gaara la qaatay Gudiga jaaliyada Columbus oo ay ka wada hadleen sidii dardar loo gelin lahaa howlaha jaaliyada. Kulanku wuxuu kusoo dhamaaday is afgarad.

Share

Iska daawee Hergabka dhakhtar la’aan

Waxaan filayaa in dhammaan la wada garanayo waxa Hergabka uu yahay, waa xanuun feyras uu keeno oo lagu garto qandho, qarqaryo, san-durdur, san cabbur, hindhiso, madax xanuun, caajis iyo murqo xanuun.

Share

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka oo 15 sano ku xukuntay nin Soomaali ah

Maxkamad Federaal ah oo ku taallo Magaalada Miami Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa xukun gaaraya 15-sano waxa ay ku xukuntay muwaadin Somaliyed, kadib markii lagu helay kiis la xiriira inuu lacag u diray Ururka Shabaab.

Share

Daawo Muuqaal “Hooyo Soomaaliyeed oo tahriib ah oo ku dhex umushay Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Jarmalka!!

Hooyo Soomaali ah oo soo tahriibeysay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhex umushay Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Jarmalka ka dib markii hooyadaas laga soo badbaadiyey badweynta iyadoona ay hooyadaas ay halkaas ku dhashay Gabar.

Share

Ahlu Sunna oo ku hanjabtay inay xirayaan masuuliyiinta Galmudug, hadii ay yimaadaan deeganada Ahlu Sunna

Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, ayaa ku hanjabay inay xirayaan masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Galmudug, hadii ay yimaadaan deeganada uu ka taliyo Maamulka Ahlu Sunna.

Share

Kulan Xog waraysi Wasiir Aftaag ee Columbus, Ohio

Kulan la isku arkay oo xalay ka dhacay magaalada Columbus oo ahaa xog waraysi Wasiir Afttag uu uga waramay wasaaradiisa iyo Guud ahaanba dowlada Khaatumo. Wasiirku wuxuu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in loo midoobo danta Khaatumo.

Share

War Far Xadleh Oo Kasoo Baxay Buuhoodle Dhismaha Wado Laami Ah Daawo

Ha,yada DDG Ayaa Habeenimadii Xalayto Ku Qabatay Magaalada Buuhoodle Kulan Balaadhan kaasi oo Muhiimadiisu ahayd Ha,yada DDG oo Gobolka Cayn kaga Dhawaaday inay Jidka Buuhoodle Saaro Doonto Wado Laami ah.

Share

Calanka Somaliland Oo Laga Bedelay Xidigta Madow Laguna Bedelay Blue Iyo Xildhibaan Rayte Oo Qaylo Dhaan Ka Diray ( VIDEO )

Calanka Maamul beeleedka SNM Oo Laga Bedelay Xidigta Madow Laguna Bedelay Blue Iyo mid ka mid ah xildhibaano ku sheega maamulkaasi oo si weyn uga hadlay arintaasi oo loogu wado inay dhawaan soo ifbaxdo, maadaama ay soo xidhatay quudarayntii goosashada ee ay mudada dheer ku hadrayeen.

Share

Wasiirada Galmudug ee la Magacaabay oo soo Dhaweeyay Ku Dhawaaqistooda,,,

iyadoo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xusen Guuled uu soo Magacabay Xubnaha Golaha Wasiirada Galmdug oo mudda lawada Sugayay ayaa haddane Xilalka Wasiirada uu Magacabay Madaxweynaha Waxaa si weyn u soo Dhaweyay Bulshada Ku Nool Deeganada Galmudug iyo Wasiirada La Magacaabay.

Share

16 nin oo Iran u dhashay oo ka baxsaday burcad badeeda, xilli afduub loogu gaystay Gobolka Mudug

Raggan iyo dooni oo saddex bilood ka hor ay burcad badeedu ka soo qafaalatay Xeebaha Gobolka Mudug, ayaa afduub ahaan waxay ugu haysteen Xeebaha Deegaanka Ceelhuur Ee Gobolkaasi.

Share

Ban Ki-moon: hala badbaadiyo muhaajiriinta

Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahanyahay in sare loo qaado dadaalada lagaga hortagayo dhimashada dadka muhaajiriinta ah ee u yurub u socda, kaddib markii la sheegay in ay boqolaal qof dhinteen maalmihii u dambeeyay.

Share

Doonya siday boqolaal qof oo ku degay xeebaha Liibiya

Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kaddib markii laba doonyood oo ay saarnaayeen ku dhawaad 500 oo qof oo muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha magaalada Zuwara ee dalka Liibiya.  Howlgal samatabixin ah oo lagu soo badbaadinayo mid ka mid ah doomahaasi oo degtay xilli hore oo caawa ah ayaa lagu soo […]

Share

Tv-ga Qaran Soomaaliyeed Iyo TRT Oo Heshiid Ku Kala saxiixdey Ankara.(Sawirro)

Heshiiskan aya a waxaa SNTV u saxiixey Agaasimaha Waaxda TV-ga Qaranka iyo Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay Md Abdiraxmaan Yuusuf Sh Al cadaala,halka Dowladda Turkey uu u Saxiixay Agaasimaha Tv-a iyo Idaacadda TRT Mr Senol Goka.

Share

Madaxwaynaha khaatumo Pro Cali Khaliif oo ka Hadlay Shirka Balicad iyo Safarka Madaxwayne Kuxigeenka Khaatumo Video

Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh ayaa ka Hadlay Socdaalka Madaxwayne Kuxigeenka Khaatumo iyo shirwaynaha Dhawaan ka Furmi Doona Deegaanka Balicad Halkaasi oo Madaxda Khaatumo haatani ku sii Qul Qulyaan Deegaankaasi.

Share

Daawo Barnaamij Siyaasadihii Isdiidanaa Ee Buuhoodle & Xaqiiqada Dhabtaha {Daawo Masuul ku Marti Ah}

Tv-ga kamid ah kuwa ku hadla afka soomaaliga oo lagu magacaabo somalicable ayaa waxa uu barnaamij kasameeyey booqashadii Madaxweynaha Maamulka khaatumo state Prof Cali Khaliif Galaydh & Siyaasadihii isdiidanaa ee magaalada kasocday Barnaamijka waxaa marti ku ah Ibraahim Cali Nuur Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Khaatumo state ee wadanka UK.

Share

Dhalinyaro Soomaali ah oo Saxaraha ku Dhintay

Illaa afar dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku dhintay toddobaadkan saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Masar, dhalinyaradan ayaa safar tahriib ah kaga baxay magaalada Kharduum iyaga oo beegsanayey inay gaadhaan magaalada Qaahira.

Share

Ninkii dilay weriyayaasha Mareykanka oo dhintay

Taliyaha booliska ee deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi lagu tuhunsanaa weerarkaasi oo lagu magacaabi jiray Lester Flanagan uu gaarigiisa orod ku maray jid gooye ay dhigteen booliska.

Share

Digniin laga soo saaray khatarta ka soo socota dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

War ka soo baxay dowladda Tel Aviv ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Israa’iil u dhalatay looga digayo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, waxaana warkaasi looga hadlay isla markaana lagu faah faahiyay sababta digniintaan loo soo saaray.

Share

Golayaasha Kala Duwan Ee Maamulka Khaatumo OoShir Uga Furmayo Magaalada Ballicad

Deegaanka Balicad oo katirsan gobolka Cayn magaalada Buuhoodlana u jira 45 KM dhanka bari ayaa lagu wadaa maalinta berri ah Oo Ku Beegan Maalin Arbaco ah 26 AUG 2015 uu ka furmo shirweyne ay isugu imaanayaan golayaasha kala duwan ee maamulka Khaatumo State.

Share

Shir Gacan Ku Rimis Ah Oo Puntland Ka Furmay

Waxaa magaalada Gaalkacayo ka furmay shir gacan ku rimis ah oo ay ugu yeedheen wada tashiga beelaha Puntland, hase ahaate shirkani oo ah mid ay aad uga biyo diidan yihiin beelaha wada dega Puntland, durba waxaa soo ifbaxay qabiilooyin qaadacay, kuna sheegay mid aanay waxba ka soo baxaynin.

Share

Hub iyo Dad Lagu Qabtay Gaarisa

Ciidamada ammaanka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa qabtay rag iyo haween lala xiriiriyey kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, oo sida la sheegay qorsheynayey weeraro argagixiso.

Share

Salva Kiir oo saxiixaya heshiis nabadeed

Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir, ayaa sheegay in uu maanta xilli dambe saxiixi doono heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka ahayd beesha caalamka. Mr Kiir ayaa todobaadkii hore diiday in uu saxiixo heshiiskaas oo uu saxiixay ninka ay is hayaan ee hoggaamiya fallaagada dagaalka kula jirata dowladdiisa ee Riek Machar.

Share

Wasiir Aftaag oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ohio, Columbus – Sawiro

Wasiirka xidhiidhka Caalamiga, Qorsheynta iyo Jaaliyadaha Khaatumo Mudane Maxamed Ibrahim Ducaale Aftaag oo socdaal shaqo u yimi America ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Columbus ee Ohio.                   www.ruugcadaa.com

Share
Powered by WordPress