Archive for July, 2015

Waa Maxay Sinjibiishu?

Sinjibiishu waa geed baxa oo midabkiisa sare yahay buni yara khafiifa, gudaheeduna ay tahay midabka beejka, ama huruud xiga. Xididka sanjabiisha ayaa waxa loo yaqaanaa rhyzome. Sinjibiisha waxaa loo isticmaalaa waxyaalooyin badan oo kala duwan.  Sida karinta cuntada, dubista , shaaha ama xaga caafimaadka.Sinjibiisha waxaa la isticmaalayey muddo ka badan 2000 sanno.

Share

Nigeria: Dad Laga soo Furtay Ururka Boko Xaraam

Ciidanka dalka Nigeria ayaa sheegay in Khamiistii shalay uu soo badbaadiyey 59 dumar, caruur iyo rag da’ waaweyn oo ururka Boko Xaraam uu la-haystayaal ahaan u haystay.

Share

Barnaamijka Kor ka xaadis iyo Maxaa ka dhaba Puntland

Barnaamijkan wuxuu ka mid yahay barnaamijyada taxanaha ah ee la xidhiidha dhinaca maamulka Puntland oo waayadan dambe aad looga dayrinayo xaaladihiisa siyaasadeed oo maalin walba sii cakirmaya, isla markaasina  ay aad uga sii niyad jabayaan shacabweynaha Puntland.

Share

WARMURTIYEED : SABABTA AY DAWLADDA PUNTLAND UGA QEYB-GELI WEYDAY SHIRKA HIGH LEVEL PARTNERSHIP FURUM EE MUQDISHO

Dawladda Puntland waxay uga Mahadcelinaysaa Beesha Caalamka shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo dadaalada joogtada ah ee ay ugu jiraan sidii ay soomaaliya uga bixin lahaayeen xaaladda ay maanta ku jirto.

Share

Gabaygii GAGGAW Iyo Abwaan Hurre Dabayl(Daawo)

Waxaa haatan idinku soo maqan gabay miisaankiisa iyo murtidiisa xambaarsan oo la magac baxay Ka Gaw, waxaana tiriyey Abwaan ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, magaciisana la yidhaahdo Abwaan Hurre Dabayl, run ahaantiina wuxuu gabaygan uu si fiican ugu karbaashayaa kuwo isku dayey inay aflagaadeeyaan, meel uga dhacaan shacabweynaha reer Khaatumo ee leh […]

Share

Wareysigii Prof Ahmed Ismail Samatar & Abdihafid Mahamud Jama (Daawo)

Prof:Axmed Ismaaciil Samatar oo weligiis u dagaalami jirey midnimada soomaaliya iyo in aanu dalku kala go’in, markii uu ku hungoobay doorashadii madaxweynimada soomaaliya, isla markaasina uu halkaasi ka helay hal cod oo keliya, durba waxaa laga war helay inuu sida jirjiroolaha u xuubsiibtay taageerayaasha maamul beeleedka SNM.

Share

SIDEE LOOGA HORTAGAA BUURNIDA?

Cayilka xad dhaaka ahi waa cudur. Waana marka qofka baruurta fara badani korto ee qofka culayskii noqdo xad dhaaf. Waxa ugu wayn ee keena cayilkan cudurka ah waa qofka oo cuna cunno badan iyadoo dhaq-dhaqaaqisuna yar-yahay. Cudurka cayilku wuxuu wax yeelaa wadnaha, sambabda, xubnaha laabma, iyo lafaha. Cudurka cayilku waxa laga yaabaa in aad is dhaawacdo oo […]

Share

Ogeysiis Taleefoon Wadaag Ah Oo Ay Yeelanayso Jaalliyada Reer Khaatumo Ee Jarmalka

Dhamaan shacabweynaha reer Khaatumo ee ku dhaqan wadanka Jarmalka waxaa la ogeysiinayaa inaad ka soo qayb gashaan shir taleefoon wadaag ah (Teleconfrence) kaasi la qaban doona 01/08/2015 oo ku beegan maalin sabti ah, saacaduna markay tahay 7pm fiidnimo, ha mooganina hana ka maqnaanina.

Share

Markhaatiga Aamusan warbixin murugo iyo xanuun badan(Daawo Oo Dhuux)

Barnaamijkan waxaa diyaariyey Wariye Cabdi Qaadir Dulyar wuxuuna ku qaada dhigayaa dhacdooyin xambaarsan murugo iyo Farxad is Garab socda waxaanu is barbardhigayaa ayaamihii la soo dhaafay ee berisamaadkii iyo xaaladaha ay haatan Soomaaliya fooda la gashay.

Share

Faransiiska oo baadhaya diyaarad la helay

Saraakiisha laanta socdaalka ee Faransiiska ayaa waxa ay baarayaan qeyb ka mid ah burburka diyaarad oo biyaha badweynta Hindiya ay soo tufeen.

Share

Muhaajiriin laga horjoogsaday Britain

Booliska Faransiiska ayaa helay muhaajiriin tiradoodu gaareyso laba kun oo qof, kuwaasi oo qaarkood ay isku dayay in ay isku qariyaan tareenno u socday Britain, halka kuwo kala ay ka gudbi rabeen gidaar difaaca halka laga galo khadadka tareennada.

Share

Reysulwasaare Cumar Oo Baarlamanka Ka Horsheegaya in Doorasho aysan Dhaceyn.(Daawo)

Raisalwasaaraha dawlada federaalka soomaaliya ayaa  saaka booqasho aan la filaynin ku gaadhay xarunta barlamaanka dawlada federaalka soomaaliya, waxaanu hortooda ka cadeeyey in aysan suuragal ahayn in dalka soomaaliya ay ka dhacdo doorasho.

Share

Malaariyada

“Ma laha talaal hase yeeshee waxaa looga hortagi karaa iyadoo la qaato kaniini” Malaariyadu ama duumada waa cudur halis ah oo lagu kala qaado qaniinyada kaneecada wadamada kulul sida meelo ka mid ah Africa, Asia and Koonfurta America. Malaariyada si deg deg ah ayey dadka ku dili kartaa hadii aan si sax ah loo baarin […]

Share

Obama oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey Xarunta Midowga Afrika

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku marayey Geeska Afrika, isagoo khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Mr Obama oo noqdey Madaxweynihii u horeeyay oo khudbad ka jeediya xarunta Midowga Afrika ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaadey qodob xiiso badan oo ku saabsan dhaqanka hogaamiyaasha Afrika oo ay […]

Share

Faroole Oo Mar Kale La Xididaya Reer Hargeysa Iyo Wada Shaqayntii Maamuladan Oo Iska Cadaatay

Dhawaan ayey ahayd markii wiil uu dhalay Faroole uu hooyadiis khaarajiyey, si uu markaasi u hantiyo dhaqaale ay ka hortaagnayd oo ay ka dhaceen ummada masaakiinta ah ee reer Puntland, hadaba masiibadan oo ahayd mid wadanka soomaaliya ku cusbayd, misana waxaa meesha ka soo iftay cuqubadii iyo hagardaami uu ku hayey shacabka SSC.

Share

Shirweyne Ay Soo Qabanqaabiyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Oo Muqdisho Ka Furmaya

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saakay laga dareemayaa jawi ka duwan sidii hore, kaddib markii isgoysyada muhiimka ah loo kordhiyay ciidamadii ku sugnaa. Dhaq dhaqaaqyo aan caadi ahayn ayaa ka socda xarumaha madaxtooyada Villa Somalia iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport oo noqday mid saakay mashquulkiisu aad u kordhay.

Share

War deg deg ah + Video;-Siyaasiga C/Rashiid Diiriye oo Kadigay DHibta Magaalada Buuhoodlle uu Kawado Maamulka Puntland (Waraysi)

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa waraysi Xiisa Badan oo Tabanaya Cadaawada Maamulka Garoowe Kawado Deegaannada Maamuulka Khaatumo, oo aan layeelanay Siyaasiga Soomaaliyeed Cabdirashiid Diirye , Wuxuuna aad uga Hadlay xaalaada Colaadeed ee uu Maleegayo Maamulka Fadhiidka ah ee Horay loo odhan Jiray Puntland, Balsa Hada Loo Yaqaan Maamuulka Garoowe. Waxaana hubaa in uu Waraysigan uusan […]

Share

US iyo Turkiga oo ka shiraya jebinta IS

Mareykanka ayaa xaqiijiyay in uu Turkiga wadahadal la leeyahay, sidii uu dalkaasi u xoojin lahaa duqeymaha ka dhanka ah ururka la magaca baxay Khilaafada Islaamka, ee waqooyiga Suuriya.

Share

Imtixaanka sanadkaan ee Jaamacadda Hargeysa oo halis ku jira (Sababta waa maxay?)

Arday careysan ayaa dhagxaan iyo qalalaase ka riday jaamacadda magaalada Hargeysa, xilli ay macallimiinta jaamacadaasi damacsanaayeen inay qeybiyaan imtixaanaadka jaamacadaasi. Rabshadaha ay sameeyeen ardayda ayaa sababay in laba ka mid ah macallimiinta jaamacadda dhaawac ka soo gaaro, isla markaana burbur xoogan la gaarsiiyay qeybo ka mid ah dhismayaasha Jaamacadda magaalada Hargeysa.

Share

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo Cod ah 2016-ka.

Waxaa maanta fadhi yeelanaya Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi looga doodayo qaabkii loo wajihi lahaa Hiigsiga 2016-ka .

Share

1-da Aug 2015 maloo dabaal degayaa mise waa loo Baroor diiqayaa?

Puntland waxaa la asaasay 1998,waxey waqtigaa ka koobnayd 5 Gobol iyo hal degmo ( Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle) , waxaa asaastay Beelo walalo ah oo wada dega deeganadaas aan kor ku soo xusay. hadda waxaa ubuuxsantay 17 sano, inkastoo dalku soo maray marxalado kala duwan oo midkasta lahaa duruufihiisa , hadana […]

Share

Maxay Tahay Sababta Ka Dambaysa Horgalada Keenay Siilaanyo Laascaanood?!!!

Soomaalidu waxay ku maahmaahda nin daad qaaday xumbo cuskay, sidaan la wada socono waxaa iska soo dhamaatay sheekadii ahayd goosashada ee ay sanooyin badan ku riyoonayeen beelaha iska leh maamul beeleedka SNM, marka socdaal ku sheeganina wuxuu ka mid yahay qiiq isku qarinta iyo in ay jaha wareeriyaan shacabkoodii ay mudada dheer beenta ku soo […]

Share

Ayaan daranay ka joog: Hees midnimada Soomaaliya ku saabsan – Video by Awdal

Dhalinta midnimada Soomaaliya jecel ee reer Awdal ayaa hees ku cabiray qaabdarada gooni goosadka maamul beeleedka beesha SNM. Ayaan daraneey ka joog. HALKAN KA DAAWO www.ruugcadaa.com

Share

Madaxweynaha khaatumo iyo Madasha 60. Wareysi xasaasi ah

Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo state of somalia Mudane Prof: Cali Khaliif Galaydh isagoo ku sugan magaalada Muqdisho dhawaana ka soo laabtay magaalada Cadaado ayaa waraysi siiyey Weriye Cali Xaraare.

Share

Cadaaladii Puntland Xagee Bay Ku Dambeysey? (Daawo)

Waxaan idiin soo bandhigi doonaa barnaamij gaar ah, isla markaasina waxaa si mugleh loogu falanqaynayaa waayadan dambe xaalka Puntland oo sii liiqliiqanaya, cadaalad darada oo maraysa meeshii ugu xumayd, qof jeclaysiga oo si weyn uga jire gudaha maamulka Maxamuud Saleebaan, iyo weliba sida ay ugu dulman yihiin beelaha Cali Saleebaan.

Share

Dowlada Soomaaliya waxay u taagan tahay midnimada Soomaaliya “Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka jaabaya hadalkii madaxweyne Cali Khaliif uu ka sheegay madasha caleemasaarka Galmudug ayaa sheegay inay mar walba ay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya, fariina u diray maamul beeleedka Isaaq ee SNM. HALKAN KA DAAWO www.ruugcadaa.com

Share

Ka Bogo Qormaadan Iyo Khudbadii Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh Ka Jeediyey Cadaado

Caleemasaarkii Galmudug state ru ahaantii shacabweynaha reer Khaatumo wax weyn baa uga kordhay, waxaana ka mid ah dawlada federaalka soomaaliya oo cadaysey in aanay gobolada waqooyi soomaaliya qorshaha ugu jirin, balse la dhamaystiri doono kuwo gobolada Koonfureed ee soomaaliya, maxaase uga qorshaysan maamulka Khaatumo?!!!!

Share

Xisbiga USP oo ugu baaqay dowladda somaliya in federalka la gaarsiiyo gobolada waqooyi

Xisbi weynaha USP oo ka soo jeedaa gobolada waqooyiga soomaaliya ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada madaxda dalka soomaaliya ee Muqdisho, waxaanay  dawlada federaalka soomaaliya ugu baaqeen in aan la ilaawin goboladaasi oo iyagu u taagan midnimada Soomaaliya.

Share

Obama oo furaya shirweynaha ganacsiga

Madaxweyne Obama ayaa maanta furi doona shirweyne xagga ganacsiga ah, billowga maalin buuxda oo ka mid ah socodkiisa Afrikada Bari.

Share

Maxaa Keena Feedha Xanuunka?!!

Feero xanuunku waxaa keena cuduro badan, waxa lagu kala saaro waxaa ugu muhiimsan in qofka la waresto kadib la wiisiteeyo kadibne baaritaano loo diro. Su’aalaha ugu muhiimsan oo ku saabsan xanuunka feeraha:

Share
Powered by WordPress