Archive for June, 2015

Horgale Baashe Isxambaar Oo Reer Laascaanood Ku Yidhi Khaatumo Ayaanu Wada Hadlaynaa

Horgale Baashe Maxamed Faarax xilli uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood wuxuu qaar ka mid ah shacabka ugu sheekeeyey waxaanu wada hadal la galayna Kooxda Khaatumo waanay naga aqbaleen, iyadoo weliba lagu jiro bil ramadaan ayuu beentaasi qayaxan la shir yimid.

Share

Odayaal Ka Soo Jeeda Degmada Qardho Oo Ka Hadlay In Uu Dagaal Sokeeye Ka Qarxo Puntland Iyo Galmudug (Video)

Beryahan dambe waxaa sii xoogaysanaya cakirnaanta maamul beeleedka Maxamuud Saleebaan, oo dhinaca waxaa ka gilgilaya jenaraal Muxuyadiin oo isagu in badan ku andacooday in wax laga qabto darxumada iyo diihaalka ka muuqanaya ciidamada Puntland oo aan muddo dheer qaadanin mushaharooyin, iminkana xabadu afka u saaran u tahay.

Share

Hargabka

Hargabka influwenzada oo dad aad u badan sariirta saara sanad kasta waxaa sababa fayrus la yiraahdo “influenza virus”, wuxuuna si fudud ugu faafaa qufaca iyo hindhisada xiliyada qaboobaha. Wuxuu hargabka caadiga kaga duwan yahay isagoo aad uga daran, qaataana waqti ka dheer. Calaamadahiisa oo si deg-deg ah ku bilowda waxaa ka mid ah:

Share

Gudiga Yurub oo dhaliilay Giriiga

Madaxweynaha gudiga Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa ku dhaliilay Giriiga qaabka uu maalmihii lasoo dhaafay u wajahay arrinta deynta lagu leeyahay.

Share

Faysal Cali Waraabe Oo Ku Fashilmay Hanjabaadiisi, Indho-indhana Ku Tilmaamay Dhuuni-raac (Video)

Faysal Cali Waraabe oo meel walba oo uu joogo u hanjabi jirey odayga Siilaanyo ee hada majaraha u haya, waxaanu ku afgobaadsan jirey maalin sii fadhiyi maayo kursiga, hase ahaatee waxaa iska cadaatay in ay hadaladaasi ku fashilmeen, afkana ciidda loo daray, marka Horgale Indho-indho ayuuna rabaa inuu jacdii iskaga fujiyo.

Share

Ninkii Qarxiyey Masjidka Kuwayt Oo Dhalashadiisa La Helay

Maalinimadii jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 26/06/2015 waxaa masaajid ku yaalla wadanka Kuwayt qarax ka geystey wiil dhalasha ahaan ka soo jeeda wadanka sucuudiga, magaciisana waxaa lagu sheegay Fahad Suleyman Cabdulmuxsin, waqti yar ka hor intii aanu qarax gaysanin ayuu ka soo duulay wadanka sucuudiga.

Share

Warbixin Maqal Iyo Muuqaal Ah Oo Ka Hadlaysa Degmada Taleex Iyo Maamuladii Ku Hardamayey (Video)

Waxaynu la soconaa in ay dhawaan maleeshiyada maamul beeleedka SNM ay gaadheen magaalada taariikhiga ah ee Taleex, iyagoo qasadkoodu ahaa inay xoog ku muquuniyaan shacabweynaha reer Taleex ee Khaatumaysan, balse hal habeen waxaa ku ruqaansaday ciidamada tababaran ee guurguura ee maamul goboleedka Khaatumo state, oo kuna dhuftay dhirbaaxo lama ilaawaan.

Share

Siilaanyo Oo Wiil U Adeer U Yahay Norway Uga Yeedhay, Si Uu Weriye Gaar Ah Ugu Noqdo

Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeysa waxay sheegayaan horjoogaha maamul beeleedka SNM wuxuu wadanka Norway uga yeedhay wiil uu adeer u yahay, oo aan isagu aqoon saxaafadeed oo waafiya lahayn, balse lacagta caydha ku qaadan jirey wadanka Norway.

Share

Maamulka Maxamuud Saleebaan Oo Eedayn Kula Galgashay Pro:Jawaari

Maamulka Maxamuud Saleebaan waxay kulankoodii khamiislahaa oo uu shir gudoonka u fadhiyey Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, wasiiro ku sheegii goobtaasi isugu yimi markii ay dhamaysteen arimihii maamul goboleedkooda, sida amniga Puntland oo waayadan dambe khalkhal iskaga jiray.

Share

Cayilka

Cayilka aad ayuu ugu badan wadamada qaniga ah waxaana loo aaneeyaa cunada faraha badan iyo jimicsiga oo yar. Haddii aad si joogta ah u cuntid in ka badan inta jirkaagu u baahan yahay waad cayilaysaa. Quruxda oo uu waxyeelo ka sokow wuxuu khatar galiyaa caafimaadka. Waxaa loo aaneeeyaa caafimaad xumo aan la soo koobi karin […]

Share

Puntland intii ay is lahayd Dhulbahante Burburi Miyaan iyadii Burburin?

God-cadaabeed ha qodin hadaad qodaysina ha dheerayn, ku dhici doontaana mooji, waa maah maah Soomaaliyeed oo fac weyn, xanbaarsana in xasadku noqon karo mid ugu danbeynta adiga naftaada iyo gurigaaga jar jara oo burburiya. Ali Dhuux Aadana wuxuu yidhi waa lagu digtaa Ruux haduu kuu daraan jirey”.

Share

Masjid ku yaal Kuwait oo laysku qarxiyey

Qof ayaa isku qarxiyay masjid ay shiicadu leeyihiin oo ku yaal Kuwait. Waxaa jira warar sheegaya in tiro dad ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay weerarkii ugu horeeyay ee noocan ah oo dalka ka dhaca.

Share

Dowlada Maraykanka oo warbixin kasoo saartay tacadiyada maleeshiyada Isaaqu ka wadaan deegaanka Khaatumo 

Report kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa looga faalooday arimaha dalka Soomaaliya. Waxaana lagu soo qaaday tacadiyada ay maleeshiyada Isaaqu ku hayaan maamulka iyo shacabka Reer khaatumo.

Share

26 June iyo sidii looga dabaal degay Laascaanood – Video

Radio Laascaanood Iyo Sanadguurada 55 aad Ee Ka Soo Wareegtay Xilligii Ay Gobolada Waqooyi Xoroobeen.

Share

Obama Oo Walaac Ka Muujiyey Weerarada Internetka Ee Shiinaha

Madaxweynaha dalka maraykanka ayaa kulan uu mar la qaatay xubno wadanka shiinaha ka socday xilli uu ku sugnaa aqalka cad ee wadanka Maraykanka, wuxuuna ka codsaday in budhcadaasi internetka dhan looga soo wada jeedsado.

Share

Rufykiri oo Burundi ka cararay

Madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa u cararay Belgium. Gervais Rufyikiri ayaa sheegay inuu noloshiisu u baqay kaddib markii shaqsiyan loo hanjabay.

Share

Nin Jidka Dhexdiisa Sariir Dhigtay (Video)

Waxaa magaalada Cardiff oo ka tirsan wadanka midowga isutaga boqortooyada ingiriiska ka dhacday qiso run ahaantii aad loola yaabay, waxaana dhacday nin dhallinyaro ah ayaa sariirtiisi wuxuu dhigtay jidka dhexdiisa, isagoo markaasi uga dan laha in wax laga qabto arrin uu diidana oo ahayd jidkaasi oo isla sanad gudihiis sadex qof ay baabuuri ku jiidhay.

Share

Sanboor

Sanboorka & allerjiyada waxaa sababa marka uu jirku la kulmo wax uu xasaasi u yahay sida ubax, boor, habaas iwm. Taasi waxay sababtaa inuu jirko soo daayo kiimiko loo yaqaano histamine oo iyaduna markaa keenta calaamadaha lagu arko qofka qaba sanboorka iyo xasaasiyada. Calaamaduhu waay kala duwanaan karaan, dadka qaarkiis wuxuu hayaa waqti kooban waxayna […]

Share

Guddoomiye Jawaari oo furay fadhigii ugu horeeyay Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaano la dhaariyay + Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Cadaado uga qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Share

Weriye Sare Cali Xaraare Oo La Kulmay Nin Cad Oo Afsoomaali Ku Hadlaya (Video)

Weriye Cali Xaraare oo ah wariye dhexdhexaad ka ah arimaha soomaaliya, wuxuuna had iyo jeer culayska saara hadba wixii uu markaasi u arko inay ummada soomaaliyeed faa’iido u leeyihiin, marka maantana wuxuu la kulmay nin cadaan ah oo soomaali ku hadlaya, barnaamijkanina wuxuu u fiican yahay carruurta soomaaliyeed ee qurbaha ku dhalatay ku kortay in […]

Share

Maxaad Ka Taqaana Faaidooyinka Mucjisada Leh ee Laga Helo Timirta?

Geedka barakaysan ee timirta oo ah geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku bixin badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Share

Hay’ada Samafalka Caalamiga ah ee SEERDO Oo Meela Badan Ka Hawlgeli Doonta

Dadka Soomaaliyeed ee jecel hurumarka dalkooda iyo dadkoodaba, Waxaa lala socod siinaya in Hay’ada Samafalka Caalamiga ah ee SEERDO, ayka howlgelayso dhamaan Gobolada Soomaaliya. Haddaba waxaa 1-da Bisha barakaysan ee Ramadaan waxaa shir balaaran lagu qabtay Hoteelka wayn ee Mubaarak ,kuna yaala Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Share

Wargeyska Indian Ocean Oo Wax Ka Qoray Loollanka Siyaasadeed Ee U Dhexeeya Maamuleed Beeleedka SNM, Dawlada Federaalka Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia

Wargeyska Indian Ocean ayaa daabacay warbixin dheer oo uu kaga hadlaayay Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan Madaxweynaha DF Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamul Beeleedka SNM, Indian Ocean oo xiganaayay xubno ka kala tirsan Xukuumada Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa waxa uu qoray in Khilaafka labada mas’uul uu yahay mid aan mugdi ku jirin, islamarkaana ay […]

Share

Maamul Beeleedka SNM Iyo Horgalada Ay Ku Adeegtaan Waxay Bilaabeen Inay Xidhaan Warfidyeenada Ka Hawlgala Gobolka Sool

Waxaa habeen dhawayd gurigiisa laga la baxay mid ka mid ah weriyeyaasha ka hawlgala Gobolka Sool, magaciisana la yidhaahdo Mudane Jaamac Aadan Oogle oo isagu ka mid ahaa warfidiyeenada sida toos ka ah wax ugu qori jiray mareegta jidbaale.com. Hadaba weriye Jaamac Aadan Oogle sababaha ay xadhiga xaqdarada ah ula tiigsadeen waxay ku sheegeen wuxuu wax […]

Share

Xaruntii Dawlada Hoose ee XAMAR Oo Si Rasmi Ah Loo Furay (Daawo)

Waxaa maalinimadii shalayto ahayd  si rasmi ah xarigga looga jaray  Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Ufficio Governo) 24sanadood ka dib markii ay  dhowaan maamulka gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyay.

Share

Gabaygii Gocasho Iyo Abwaan Jaamac Kediye Cilmi(Daawo)

Waxaan muddo haatan laga joogo sadex iyo toban sanadood ka hor aan magaalada Laascaanood kula kulmay Abwaan Jaamac kediye cilmi, waxaana ii suurtagashay inaan waqtigaasi ka duubo gabay la magac baxay Gocasho, wuxuuna gabaygani si toos ah u abaaraya shacabweynaha SSC iyo xaaladihii ay markaasi ku sugnaayeen.

Share

Gudoomiyaha Xisbiga USP Mudane Siciid Qorsheel Oo Ka Warbixiyey Sababta Dib Loogu Soo Celiyey Siyaasada Soomaaliya (Maqal)

Weriyaha qaranka soomaaliyeed Mudane Cali Xaraare oo isagu had iyo jeer u taagan inuu mar walba tooshka ku ifiyo halkii uu is yidhaahdo wax baa ka jira, todobaadkana wuxuu kulan waraysi ah oo dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay gudoomiyaha USP mudane Siciid Qorsheel.

Share

Muxuu Ku Saabsanaa Safarkii Siilaanyo Ee Imaaraadka Carabta?!!!

Sida aan la wada socono dhawaan horjoogaha maamul beeleedka SNM isagoo wata koox ka amar qaadata oo ay isku hayb qabiil yihiin, waxaanay safar kedis ah ugu ambabaxeen wadanka Imaaraadka, oo sida la sheegay kooxdan qawlaysatada ah waxaa u yeedhay Sheikh Maxamed Bin Zayed Al Nahayan.

Share

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Geedka GOJI BERRIES

Caafimaadku waa u muhiim qofka bini’aadmiga ah, bulshada meel ku wada nool, deegaanka ay ku nool yihiin, haddaan, intaas la helin waxa ay saamayn ku yeelaynaysaa dhammaan bulshada, dadka, deegaanka iyo  weliba duurjoogta iyo duunyada goobtas ku wada dhaqan.Sidaas Darteed, waxa sannaddadii u danbeeyay Soomaalida iyo dhulka Soomaalidu dagtaba ka soo baxay oo lagu arkaa […]

Share

Obama Oo Qorshaynaya Inuu Booqdo Dalka Itoobiya

Barak Obama ayaa u xadhka xidhanaya inuu booqasho ku aado wadanka Itoobiya, sida laga soo wariyey aqalka cad ee looga taliyo wadanka Maraykanka, waxaase uu ku horayn doona wadanka Kenya oo safarkiisasi horay loo sii baahiyey.

Share
Powered by WordPress