Archive for May, 2015

Hees Laga Sameeyey Dhacdadii Foosha Xumayd Ee Berbera (Video)

Waxaad nala daawadaan hees laga sameeyey dhacdadii foosha xumayd ee dadka soomaaliyeed loogu geystey dekeda berbera, arintaasi cadaawada leh oo ay go’aamiyeen maamul beeleedka SNM in ay yidhaahdaan soomaalida koonfureed ma soo degayso balse xabashida iyo yementu way ka soo degi karaan.

Share

Maamul Beeleedka SNM Oo Ku Fashilmay Qaxootigii Dekeda Berbera Dibna U Ogolaaday

Maamul beeleedka SNM waxay dhawaan ku fashilmeen ceeb aad u weynina ka raacday dekeda Berbera markii ay ku soo xidheen maraakiib sida qaxooti soomaaliyeed oo ka soo cararay dagaalada dalka Yemen, waxaanu maamulkan mamnuucay inay dadkaasi soomaaliyeed soo caga dhigtaan wadankooda hooyo, halka ay ka ogolaadeen itoobiyaanka iyo yementu inay ka soo degtaan.

Share

Cuqubooyinka Aan Soo Daahin (19 Isbuuc Madhaafto) Maanta & Maamul Beeleedka SNM

Malaa’iigta naarta illaalisaa waa 19 (Al-Muddathir aayada 30), Xarfaha Bisinkuna waxay ka kooban yihiin 19 Xaraf.Haddaba, bal u fiirso cuqubooyinka aan soo daahin ee ka dhacay Soomaaliya: 1) Maxamed Siyaad Barre, maalintii uu 10ka wadaad qabqabtay taariikhdu waxay ahayd January 17, 1975, kadib markay ka soo horjeesteen Xeerkii Qoyska ee sinaanta ragga & haweenka. Culimadaa […]

Share

Fuaad Aadan Cade Oo Sheegay Inay Cali Khaliif Iyo Cali Ciise Cabdi U Soo Gurmadeen(Video)

Waxay maalmahan warbaahinta khaatumo iyo warbaahinta maamul beeleedka SNM ay qorayeen in ay Fuaad Aadan Cadde u hiilliyeen ragga ay wada dhasheen tolka yihiin, isku iskuulka soo wada ahaayeen, oo uu kow ka yahay madaxweynaha dawlad goboleedka Khaatumo of Somalia iyo Mudane Cali Ciise Cabdi, oo iyagu hawshaasi isugu dubariday.

Share

Shirkada Korontada Lesco Oo Dhib Ka Taagan Yahay Korontadeeda

Shirkada korontada Lesco oo ka hawlgasha magaalada Laascaanood waxaa beryahan dambe laga dayrinayaa koronteeda oo aad u liidata, mararka qaarkoodna waxaabay guryaha ku soo daayaan koronto aad u xad dhaaf ah,oo inta badana sababta inay guryaha qaarkood gubtaan.

Share

Shirka Nabadaynta ee Beelaha Buuhodle iyo Bariga Burco Oo Ka Furmay deegaanka COODANLE

Deegaanka Coodanle Waxaa Galabta si Rasmi ah uga Furmay shirwaynihii Nabadayta Beelaha Buuhoodle iyo Bariga Burco oo Mudooyinkani La sugayey inuu Furmo, Waxaana shirkaasi ka soo Qayb galay Waxgarad Farabadan oo Labada Dhinaca ka socday.

Share

Maansadii Sanqadh Baa Idiin Baxday Iyo Aamina Mursal (Video)

Abwaanad Aamina Mursal oo ka soo jeedaa deegaanada Khaatumo state of somalia, waxay maansadan ku cabiraysaa kibirka iyo isla weynida ay la soo baxeen shacabka iyo maamul beeleedka SNM, oo iyagu moodaya in taasi lagu waari doono, balse aan ogayn kuwii ka horeeyeyba inay waxba ku waayeen.

Share

Doorashadii DDSI

Subaxdii  saacadu markay ahayd 06:00 24/05/15 waxaa loo dareeray doorashu ka dhacaysay guud ahaan wadanka ethiopia waxayna si nabad galya ah u soo dhamaatay xiligii loogu tala galay oo ahaa 18:00 makhribnimo sacada Afrikada Bar. Hadaba doorashada wadanka guud ahaan ka dhacaysay sidoo kale waxay ka dhacaysay deegaankeena Somalida itopoiya DDSI.

Share

Casho sharaf xalay London loogu sameeyay Wasiirka madaxtooyada Khaatumo

Xubno ka mida golaha wasiirada Khaatumo, Jaaliyadaha iyo haldoorka Khaatumo ayaa casho sharaf u sameeyay Wasiirka madaxtooyada Khaatumo Mudane Cabdikariim Faarax Dhaaye oo safar shaqo u yimi magaalada London.

Share

Tuulada Sävsjö-Sweden Oo Diiday Aqoonsiga Maamul Beeleedka SNM

  Maamul Beesha Isaaq ee Somaliland oo Mudadii Danbe Bilaabay Inay Aqoonsigii Maamul Beeleedkooda Ka Raadiyaan Tuulooyinka Yaryar ee Kuyaala Qaarada Europe. 25 sano Kadib, Markii Lagu Fashilay Lagana Quustay In Dowladaha Caalamku Aqoonsi siiyaan Maamulka Beesha Isaaq ee Somaliland.

Share

Arrinta Taleex : Colka Wadhaf Ma lagu Deyey

Dhibaatada maanta ka taagan magaalada Taleex waxay bilaabatay sannadkii 2011 markii maamulka Soomali-diidka ahi koox horgallo ah degmada u diray .Maamulka Puntland, oo berigaas sida uu hadda yahay wax yar dhaamey, ayaa calooshood u shaqeystayaasha ciidan ku saaray. Is-rasaasayn dhex-martay labada dhinac waxa ku dhintay nin ka mid ah horgaladii Hargeysa ka yimid qaar kalena […]

Share

War Deg Deg ah: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Khaatumo oo ku saabsan is casilaada Gudoomiye Ibrahim

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 26.5.2015 jagadii Gudoomiyaha jaaliyadaha Khaatumo Iska casilay  Ibrahim Axmed Musa oo xilkaas hayey mudo kooban. Haddaba dowlada Khaatumo ayaa wareegtadan kasoo saartay is casilaada Ibrahim.

Share

Barnaamij Gaar Ah Oo Aanu U Bixinay Xaqu Isma Qariyo (video)

Barnaamijkan gaar ka ah waxaanu idinku soo bandhigi doonaa arimihii ugu dambeeyey todobaadyadan ka dhacayey deegaanada Khaatumo state of somalia iyo geyiga soomaaliyeedba, waxaanu muujinayaa in ay maanta ka tagtay Khaatumo state xilligi sacabada lagu qarinayey, waana taasi oo laga sii dhawaado dhamaystirkeeda, sida in dib gacanta loogu soo celiyo magaalada Laascaanood ee caasimada iyo […]

Share

Cirro Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Kulankoodi Burburay (Video)

Waxaa maalintii shalay si cad u burburay shir ku sheegii maamul beeleedka SNM, kaasi oo qolada hada horboodaysa ay quudaraynayeen muddo kordhin xaaraan ah oo loo sameeyey, burburkii kulankaasi waxaa ka hadlay Cirro odayga la yidhaahdo oo ay waligiisba wadatay qolada hada hogaaminta u haysaa.

Share

Booliska Canada Oo Laayey Dhallinyaro Ah Oo Dhib Badan Ku Haysey Shacabka Toronto

Booliiska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay goor habeenimo ah guryaha kala baxeen dhallinyaro soomaaliyeed oo ay ku sifeeyeen inay ahaayeen budhcad dhib weyn ku haysey shacabka Toronto, waxaanay ka koobnaayeen lix dhallinyaro oo soomaali ah.

Share

Muddo Kordhintii Xaaraanta Ahayd Ee Siilaanyo Oo Madasheedii Lagu Kala Kacay

Run ahaantii waayadan dambe waxaa ka aloosnaa jahwareer siyaasadeed gudaha maamul beeleedka SNM, waxaana loo kala fadhiyey muddo kordhinta yeeli mayno iyo yeela si aanu dalku u burburin, hadaba sida dhacday madal loo ballansanaa maanta ayey ku kala kaceen, fashil iyo hungana way ku dhamaatay.

Share

Dowlada Imaaraatka oo Jubaland ugu deeqday gaadiid dagaal – Video

Dowlada isu taga Imaaraatka carabta ayaa gaadiid dagaal oo ka kooban 15 Cabdi Bile iyo Shan ah kuwa aysan xabadu karin ee loo yaqaan ABC-da ugu deeqday Dowlad goboleedka Jubaland. Halkan Ka Daawo

Share

Ku Soo Dhawaada Gabaygii Baxnaano Iyo Abwaan Siciid Xaaji Yaasiin (Video)

Waxaan idin soo gudbinayna gabay la magac baxay Baxnaano oo uu tiriyey abwaan reer Khaatumo ah magaciisana la yidhaahdo Siciid Xaaji Yaasiin, waxaanu kaga hadlaya arimo badan oo ka aloosan deegaanad Khaatumo state of somalia.

Share

Shirkii Nabada oo Dib u Dhacay & Labada Beelood oo Caawa u Hoyan Doona Coodanle

Shirkii Nabada ee Beelaha Buuhoodle iyo Bariga Burco oo Maanta Qorshuhu ahaa inuu ka Furmo Deegaanka Coodanle ayaa Dib u Dhac ku yimid Waxaana Shirka uu Dib ugu Dhacay inuu Maalinta Bari ah ka Furmi Doono Deegaanka Hada La iskugu Tagay ee Coodanle.

Share

Wasiirka caafimaad Soomaaliya oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Geneva

Shir sanadkiiba mar la qabto oo looga hadlayey caafimaad ayaa Soomaaliya waxaa ku matalayey Wasiirada caafimaadka dowlada Federalks Marwo Xaawo Maxamed Xuseen. Shirkan oo ka dhacay xarunta wadanka Switzerland ee Geneva. Waxaa sidoo kale Wasiirada waxaa ku weheliyay xubin ka socota maamulka Puntland, waxaa shirka ka baaqday xubin sanadihii hore ku matali jirtay maamul beeleedka SNM. 

Share

Waraysi Lala Yeeshay Cabdi Cumar Cismaan(Caaqilka) Oo Dhawaan Ka Soo Laabtay Deegaanada Khaatumo State(Daawasho)

Madaxa Bahda Dhambaaltv oo fadhigoodu yahay wadanka Sacuudiga Mudane Cawil Cagaare ayaa waraysi dhinacyo badan la yeeshay Cabdi Cumar Cismaan oo ku magac dheer caaqilka oo isagu dhawaan ka soo laabtay deegaanada khaatumo state of somalia.

Share

Maamul Beeleedka SNM Oo Joojiyey qaxootigii Soomaalida ee ka soo cararayay Yaman

Maamul beeleedka SNM ayaa shaacisay in laga billaabo maanta oo axad ah ay joojinayaan in qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararaya colaadda dalka Yemen oo ay ku noolaayeen ee soo gaarayay dekedda Berbera.

Share

Wasiirka Warfaafinta Ee Khaatumo State Of Somalia Oo U Jawaabay Maamulka Maxamuud Saleebaan (Video)

Wasiirka warfaafinta ee maamul goboleedka Khaatumo state of somalia ayaa u jawaabay yabaq amaba sanqadh caato ah oo ka soo yeedhay maamulka Maxamuud Saleebaan ee fadhigiisu yahay magaalada Garoowe, ka dib markii ay ka masayreen qiritaanka u wasiirka arimaha gudaha dawlada federaalku uu qiray maamul goboleedka Khaatumo State of somalia.

Share

Waa Gabaygii La Magac Baxay Caaqiibo Qaran Oo Jawaab U Ah Silsilad Ku Sheegii Guba Sadex ( Dhegaysi wacan)

Waxaan idiin soo bandhigaynaa gabay magaciisa la yidhaahdo (Caaqiibo Qaran), waxaana gabaygan tiriyey Abwaan reer Khaatumo ah magaciisana la yidhaahdo Abwaan Yaasiin Maxamuud Saleebaan, wuxuuna jawaab u yahay silsilad ku sheegii la baxay Guba 3.

Share

18-Ka May Waa Maalin Madow Oo Midnimadii Soomaaliya La Kala Gooyey.

18-ka May kama duwana maalmaha caadiga ah ee sanadku ka kooban yahay, hase yeeshe dadka Soomaaliyeed ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba maalintan 18-ka may, qaar ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Waqooyiga Soomaaliya maanta waa u Ciid, waxayna u dabaal degayaan xuska 24-tan guuradii ka soo wareegatey goosashadii Soomaaliland, fikir ahaan […]

Share

Waxyeellada cudurka Macaanka ama SOKORTA ee shabakada dambe ee isha

  Waxyeellada cudurka Macaanka ama Sonkorowga uu ku keeno shabakada dambe ee isha (diabetic retinopathy) wuxuu kamid yahay indha la’aanta ugu badan ee lagu maareeyo isbitaallada indhaha ee dalka, waane cudurka afaraad ee keena indha la’aanta aan ku daweyno gudaha dalka Soomaaliya marka lagasoo tago cudurada Caadka (Cataract), Biyaha (Glaucoma), iyo araga khaldama ee maraayadaha […]

Share

Turkiga Oo Dekeda Muqdisho Ka Dhigay Mid Casri Ah(video)

Dawlada turkiga ayaa waayadan dambe waxay caasimada dalka soomaaliya ee muqdisho ka hirgelisay dhismayaal waaweyn oo casri ah, wadooyin aad u qurux badan iyo dhanka caafimaadka oo ay u ka dhistay dhakhtar aad u caalami ah, garoonka diyaaradaha oo ay ku fara yaraysatay, iminkana dekeda ayey u ku rakibeen qalabka shixnadaha ka dejiya.

Share

Maleeshiyadii SNM Iyo Horgaladii Maxaa Ka Qixiyey Taleex? Halkee Buuse Ku Dambeeyey Horgale Xiiir?!!!(Daawo)

Run ahaantii waxaa magaalada Hargeysa laga soo maleegay shirqool la doonayey in laga fuliyo magaalada taariikhiga ah ee Taleex, ka dibna waxaa la iska soo daba diray kuwo dabaqoodhiya ah oo iyagu u banbaxay inay dhiigga shacabkooda ku helaan magac iyo malafsi ay ka raadsanayaan beesha Isaaq ee iyaga gacanta ku haysa.

Share

Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin Iyo Gabaygii La Magac Baxay Waa La Galabsaday!!! (Daawo).

Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin wuxuu ka mid yahay abwaanada ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, waxaanu abwaanku inoo soo bandhigayaa gabay uu ugu magac daray (Waa La Galabsaday!), waxaanu jawaab u yahay qoladii furtay silsilad ku sheegii (GUBA 3AAD)…

Share

Nala Wadaaga Tixdan Gabayga Ah Iyo Abwaan Jaamac Cismaan Kaarshe (Dhegaysi)

Waxaanu idin soo bandhigaynaa tixdan gabayga ah oo uu tiriyey abwaan Jaamac Cismaan Kaarshe, waxaanu ku cabirayaa dareenkiisa, si toos ahna wuxuu ula hadlayaa shacabweynaha reer Khaatumo, si gaar ahaaneedna wuxuu farta ugu fiiqayaa qolada loo yaqaano Horgalada, Midiidinka, Dabaqoodhiga iwm.

Share
Powered by WordPress