
Waxaa Dhamaan la ogaysiinayaa Beelweynta Maxamuud Garaad ee adduunka daafihiisa ku kala nool in ay ka soo qayb galaan shir teleconference oo dhici doona Axadda 03.05.2015 insha allaahu.
Xog Sugan Iyo Dhexdhexaadnimo
Waxaa Dhamaan la ogaysiinayaa Beelweynta Maxamuud Garaad ee adduunka daafihiisa ku kala nool in ay ka soo qayb galaan shir teleconference oo dhici doona Axadda 03.05.2015 insha allaahu.
Shil gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Aw Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeysa Maalintii shalay, ayaa waxa ku dhintay Saddex qof oo midka mid ahi ahaa ajaanib u dhashay Waddanka Spain una shaqaynayey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee FAO.
Waxaa afaafka hore ee dekada Boosaaso lala beegsaday qarax bambo gacmeed waxaana halkaasi ku naf weyday haweenay dad badan oo dhaawacyo soo gaadheena waxaa loola orday cisbitaalka.
Maxamed cumar carte qaalib oo ah raisal wasaare ku xigeenka dawlada federaalka soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada muqdisho ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii muddo dheer daawayni uga socotay dhakhtar ku yaal wadanka sucuudiga.
In ka badan kun qof ayaa socod ashtaka ah ku soo maray wadooyinka magaalada Baltimore, gobolka Mary Land xalay fiidkii saacadda Cirifka Bari ee Mareykanka.
Gabaygan waxaa magaciisa la yidhaahdaa Qalindaar waxaana tiriyey abwaan Cabdi Hurre Dabayl oo isagu ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, waxaanu abwaanku uu tooshka ku ifinayaa waxyaabo fara badan oo foolxumooyin ah laguna dhex arko deegaanada Khaatumo state of somalia.
Sida ay noo sheegeen ilo xogxogaal ah oo iyagu ka agdhawaa kooxdii horgalada ahayd ee hargeysa laga soo diray, waxaa loo soo dhiibay sandareero yar oo lagu yidhi wax ku kala maslaxa, waxaana la soo sheegay in laascaanood lafteeda qaar joogay shaxaadkooda laga siiyey.
Sonkorowgu waa cudur uusan jirku si haboon uu isticmaali karin cuntada tamar (Quwad) ahaan. Unugyada tirada badan ee jirka ku jira waxay u baahan yihiin shidaal ay ku noolaadaan oo ku koraan. Jirku wuxuu u jejebiyaa cuntada aad cunto inta badan nooc quwad ah oo loo yaqaan sonkor (glucose). Gulukoos waa eray KALE oo loo yaqaan […]
Waxaa magaalada taariikhiga ah taleex gaadhay koox horgalayaal ah oo iyagu qabaan amaba midiidin u ah horjoogaha maamul beeleedka SNM, ragaasina waxaana ka mid ah kuwo iyagu ku wacad furay Khaatumo iyo shacabkeeda iyo iyagu kuwo awalba horgalayaal ugu ahaan jirey maamul beeleedkaasi SNM.
Militariga dalka Nigeria ayaa sheegaya inay badbaadiyeen in kabadan 200 oo gabdho yaryar ah iyo 93 haween, kuwaas oo lagu haystay Waqooyiga bari ee dalkaasi. Dadkan la haystay ayaa waxaa laga helay keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan kooxda Boko Xaraam.
Waxaa magaalada Cadaado si toos ah uga socda shirweynihii la doonayey in maamul goboleed loogu sameeyo gobolada dhexe ee dalka soomaaliya, waxaanu haatan marayaa meel aad u fiican, si aad ahna ayaana loogu soo qulqulayaa, iyadoo la doonayo dhowr todobaad gudahood in halkaasi lagaga dhawaaqo maamul dhamaystiran.
Wararka ka imaanaya Dalka Yaman ayaa sheegaya in dalkaasi duqeymo ay ka geesteen Diyaaradaha Xulufada Sacuudigu hogaaminayo ay ku dhinteen dad badan oo kamid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalkaasi kunool.
Dawlada maraykanka ayaa u soo dirtay maamul beeleedka SNM warqad looga digayo inay muddo kordhin sameeyaan, maadaama damac waalani kaga jiro inuu kursi ku sheegaasi ku sii fadhiyo.
Wargaysyada Yurub ayaa la daalaadhacayay in ay la qabsadaan internetka, iyaga oo ku waayay akhristeyaal iyo dakhli uga soo xaroon lahaa xayaysiimaha, qaar badanina waxa ay aaminsanyihiin in shirkadda Googal ay ka qaybqaaadanayso arrintraasi.
Waxaa dhaawaan dhacday mid ka mid ah isimadii ku wacad furay maamul goboleedka Khaatumo oo isagu isaga daaq tagay maamulada SSDF Iyo SNM, waxaa laga goostay intii yarayd ee sandareerada ahayd dhowr bilood ka dib markii laga muraad dhamaystey.
Sanad walba marka la gaadho xilligan aqoonyahan Daahir Calasow oo ah madaxa shabakada caanka ah ee Waagacusub, wuxuu soo diyaarsha warbixin uu ugu talagalay inuu kaga hadlo waxyaabo oo aad u muhiim ah, waxaanu inta badan shiishka saara wixii tegay iyo waxa soo socdaba inuu si miisaan leh oo macquul ah uu u cabiro.
Waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada widhwidh ka da’ay roob aad u baaxad weyn aadna loogu diirsaday, wuxuna ahaa mid socday saacado, dhamaan baraagaha, baliyada iyo ceelashuba way buuxsameen, waxaa kaloo intaasi u dheera dooxa gobabka oo aad u buuxsamay.
Xanuunkani inkasta oo uu bulshada Soomaalida aad ugu yaraa, sannadihii ugu aad ayuu ugu soo kordhayay bulshada dhexdeeda. Dadka ku nool miyiga xanuunkani waxa uu taagnaa heer aad u hooseeya, halka uu magaalooyinka laftooda na aanu aad ugu badnayn. Inkasta oo bulshooyinka caalamka ay ku kala duwan yihiin cabbirka dhiigga iyada oo aanu qofku qabin ba […]
Waxaa la xaqiijiyey shaqaqaadii ka dhacday magaalada Taleex waxaa laga soo abaabulay magaalada Hargeysa, qorshuhuna wuxuu ahaa mid u dhacay sidatan, nimanka ka soo jeeda deegaanka Taleex balse la hilbaysta maamul beeleedka SNM ayaa qorshe looga soo dhiibay magaalada Hargeysa.
Waxaad halkan kaga bogataan barnaamij dheer oo laga diyaariyey dagaalada ka socda Yemen oo iyagu maalinba maalinta ka dambaysa sii galaya wejiyo cusub, barakaca iyo burburka oo ku sii kordhaya, waana dagaal u eeg mid aan dhamaad lahaan doonin sababtoo ah kooxaha ku dagaalamaya oo dhanka diinta ku kala afkaar duwan iyo wadamada carabta oo […]
Dhul gariir xooggan ayaa ka dhacay dalka Nepal kaas oo la sheegayo in khasaaraha dhimashada ee ka dhashay uu gaadhayo illaa 700 oo qof halka tiro kale oo badanna dhaawacyo ka soo gaadheen. Illaa hadda waxaa sare u socota khasaaraha ka dhashay dhul gariirkaas.
Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nickalos Key ayaa lagu eedeeyay inuu Maamulka Puntland kala shaqeeynayo sidii loo burburin lahaa Maamulka goboladda dhexe ,sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay inuu hub badan u saxiixay Maamulka Puntland si ay weerar ugu qaadaan degaanadda Khaatumo iyo Somaliland.
Mudane Cabdalla Maxamuud Cali Haybe Cagalule oo ah madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Khaatumo state of somalia ayaa xilli uu ku sugna magaalada Saaxdheer oo haatan fadhiisin ku meel gaadh ah u maamulka Khaatumo state of somalia ayaa ka warbixiyey mudadii ay xukunka maamulka hayeen waxyaabihii u qabsoomay..
Magaalada Buuhoodle Saaka oo Sabti ah Waxaa lagu Wadaa in ay ka Ambabaxaan Waxgaradka Gobolka Cayn kuwaas oo kusii Jeeda Deegaan u Dhexeeya Buuhoodle iyo Qorilugud Halkaasi oo ay kula Kulmi Doonaan Ergo ka Socota Beesha Bariga Burco Ama Habar-Jeclo Waxaana Shirka looga Hadli Doonaa Sidii Nabad Waarta looga Gaadhi lahaa Colaada u Dhaxaysa Labada […]
Isbahaysiga NATO ayaa sheegay in dawladda Ruushku ay Goobo Milateri oo waaweyn ka samaysay meelo ku teedsan Xuduudda Ukraine, taas oo awood u siinaysa kooxaha Mucaaradka ka dagaalama Bariga Ukraine inay weeraro xooggan qaadi karaan.
Afar iyo toban qof oo isugu jiray soomaali iyo afgaanistaan waxaa jiidhay tareen ku soconayey xawaare aad u sareeya, waxaanay xilligaasi dadkani iska dhex fadhiyeen wadada tareenku maro, oo ka mamnuuc ah in layska dhex fadhiisto.
Faysal Cali Waraabe oo ah shakhsi ay dabaysha siyaasadeed marba docda u jihayso, wuxuu haatan ku soo toosay xilli dib loo dhigay doorasha ku sheegoodii, waxaanu hadalo aan munaasib ahayn kula dul dhacay kooxda yar ee ku hareeraysan Siilaanyo, wuxuuna ku tilmaamay kooxaha dhegaha furaysatay.
Wasiirka gadiidka duullista hawada sare iyo saadaasha Mudane Cali Jaamac Jangali iyo xildhibaano ka tirsan dawlada federaalka Soomaaliya waxay baaq nabadeed u direen walaalaha dagaaladu ku dhexmareen magaalada Taleex, kuwaasi oo ay ka faa’iidaysanayaan maamulada SSDF iyo SNM oo labadooduba ka soo horjeeda Maamul goboleedka Khaatumo state of somalia.
Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Mudane Abshir Cabdicasiis Shiikh Maxamuud ayaa isagu maanta dhagax dhigay Isteeshin Boolays uu yeelan doono Magaalada Saaxdheer. Sidoo kale munaasibadan waxaa ka qayb galay Gudoomiye K/xigeenka golaha Deegaanka Saaxdheer Mudane Astur oo isaguna sheegay in Qayb libaaxleh ay ka qaadan doonaan Dhismaha saldhig Booliis uu yeelan doono Magalada Saaxdheer.
Inkastoo ay dhamayn karaynin waxyaabaha keenay inay labadan beelood ee walaalaha ah ee wada degta Taleex in ay mar walba soo noqnoqoto dhibaatada dhex taal, hadana waxaa la rumaysan yahay labada maamul ee SSDF Iyo SNM ay ka dambeeyaan, waxaanay ugu tala galeen inaysan marna degin degmada Taleex.