Archive for the ‘Videos’ Category

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawlad Goboleedka Khaatumo Oo Soo Xidhay Kalfadhigii Golaha Barlamaanka Khaatumo

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Khaatumo mudane Cabdalle Maxamuud Cali Haybe (Cagalule) oo ku sugan degmada Saaxdheer wuxuu soo xidhay kalfadhigii golaha barlamaanka maamul goboleedka Khaatumo state of somalia.

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaad Nala Daawataan Waraysi Aanu Ka Qaadnay Garaad Saleebaan Xilli Uu Ku Sugna Magaalada Laascaanood 2001

Beryahanba sidaan idin ballan qaadnay waxaanu idiin  soo bandhigi doona waraysiyo, suugaan iyo muuqaalo kala duwan oo aanu ka duubnay deegaanada Khaatumo state of somalia tobaneeyo sanadood ka hor, waxaanuna kaydka Aftaag Production aanu idinka soo xulnay waraysi aanu la yeelanay garaad Saleebaan garaad Maxamed oo si cad u bayaaminaya dhibka ay maamuladu ku hayaan […]

Waraysi Aanu Ka Qaadnay Mudane Maxamed Cabdi Xaashi Sanadkii 2003 (Video)

Mudane Maxamed Cabdi Xaashi markii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, waxaanu ku booqanay gurigii uu ka degana magaalada Garoowe sanadkii 2003 oo haatan laga joogo laba iyo toban sanadood, dabadeedna waxaanu la yeelanay waraysi kooban oo kuna saabsana xaaladihii qalafsanaa ee uu markaasi dalka soomaaliya ku jira.

Warbixin Maqal Iyo Muuqaal Ah Oo Laga Diyaariyey Magaalada Taariikhiga Ah Ee Taleex

Waxaad halkan kaga bogataan warbixin maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey magaalada taariikhiga ee Taleex, waxaana barnaamijkaasi isku soo dubariday weriye sare Faysal Jaamac Aadan oo ahaa aasaasihii idaacada raadyow Laascaanood, dhawaana waxaanu soo saari doona barnaamijyo ka bixi jirey idaacadaasi madaxa banaanayd ee raadyow Laascaanood.

Maamul Beeleedka SNM Oo Ku Raad Jooga Weriyihii Faafiyey Dhacdadii Berbara

Ninka ugu magacaaban warbaahinta maamul beeleedka SNM waxaa laga soo sheegayaa inay ku raad joogaan weriyihii daaha ka fayday fadeexadii maamul beeleedka SNM ay kula kaceen dadkii qaxootiga ahaa ee ka soo cararay dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Fadeexad”Waxa la igu yidhi Daarood Hargaysa Lagama Rabo”Xildhibaan Daarood ah oo la Bahdilay (Video)

Mid ka mid ah Golaha Wakiilada Maamulka Hargaysa kana kasoo Jeeda Beesha Daarood ayaaa Maanta Magaalada Hargysa isaga oo ooyaya Waxaa u Warbaahinta usoo Bandhigay Bahdilaad ay ku Samaysay Beesha isaaaq.

Daawo:- Jabhada SNM Oo Ka Qaylisay Xaaladooda Dhaqaale Shiigtayna In Aysan Dhowr Bilood Gaadhayn (Daawo Maqal Muqal)

Wasiirka Maaliyada iyo Ku xigeenkiisa ayaa kulan la qaatay Ganacsato Tiro yar oo ay ka mid yihiin Shoolaadka Xawaaladaha Bagaashlayaasha kuwaas oo diiday inay Waxyaabahooda ganacsi ku qaataan Lacagta U’niyooda ee hore ganacsato badna ugu caydhoobeen.

Barnaamijkan Wuxuu Ku Saabsan Yahay Dhacdadii Foosha Xumayd Ee Berbera(Video)

Halkan waxaan idinku soo gudbinaynaa maqal iyo muuqaal kooban oo si weyna u soo koobaya dhacdadii foosha xumayd ee ay ku kaceen maamul beeleedka SNM, ka dib markii marsada Berbera ay ka soo dageen dad soomaaliyeed yemeni iyo xabashi, balse soomaalidii loo diiday inay cagaha soo dhigaan dhulka, iyadoo laguna sheegay ajnabi.

Hees Laga Sameeyey Dhacdadii Foosha Xumayd Ee Berbera (Video)

Waxaad nala daawadaan hees laga sameeyey dhacdadii foosha xumayd ee dadka soomaaliyeed loogu geystey dekeda berbera, arintaasi cadaawada leh oo ay go’aamiyeen maamul beeleedka SNM in ay yidhaahdaan soomaalida koonfureed ma soo degayso balse xabashida iyo yementu way ka soo degi karaan.

Barnaamij Gaar Ah Oo Aanu U Bixinay Xaqu Isma Qariyo (video)

Barnaamijkan gaar ka ah waxaanu idinku soo bandhigi doonaa arimihii ugu dambeeyey todobaadyadan ka dhacayey deegaanada Khaatumo state of somalia iyo geyiga soomaaliyeedba, waxaanu muujinayaa in ay maanta ka tagtay Khaatumo state xilligi sacabada lagu qarinayey, waana taasi oo laga sii dhawaado dhamaystirkeeda, sida in dib gacanta loogu soo celiyo magaalada Laascaanood ee caasimada iyo […]

Ku Soo Dhawaada Gabaygii Baxnaano Iyo Abwaan Siciid Xaaji Yaasiin (Video)

Waxaan idin soo gudbinayna gabay la magac baxay Baxnaano oo uu tiriyey abwaan reer Khaatumo ah magaciisana la yidhaahdo Siciid Xaaji Yaasiin, waxaanu kaga hadlaya arimo badan oo ka aloosan deegaanad Khaatumo state of somalia.

Waa Gabaygii La Magac Baxay Caaqiibo Qaran Oo Jawaab U Ah Silsilad Ku Sheegii Guba Sadex ( Dhegaysi wacan)

Waxaan idiin soo bandhigaynaa gabay magaciisa la yidhaahdo (Caaqiibo Qaran), waxaana gabaygan tiriyey Abwaan reer Khaatumo ah magaciisana la yidhaahdo Abwaan Yaasiin Maxamuud Saleebaan, wuxuuna jawaab u yahay silsilad ku sheegii la baxay Guba 3.

Powered by WordPress