Archive for the ‘Videos’ Category

Xafladii Soo Dhawaynta Wasiirka Qorshaynta, Xidhiidhka Caalamiga Iyo Jaalliyadaha Khaatumo State(Video Dhamaystiran)

Waxaad nala daawataan xaflad dhamaystiran ee loogu soo dhaweeyey wasiirka qorshaynta,xidhiidhka caalamiga iyo jaalliyadaha ee dawlad goboleedka Khaatumo state of somalia, Mudane Maxamed Ibraahim Ducaale Aftaag oo lagu qabtay gobolka MN.

FacebookTwitterGoogle+Share

KHUDBADII WASIIRKA XIDHIIDHKA CAALIMAGA QORSHEYNTA & JAALIYADAHA MOHAMED I.DUALEH (Daawo)

Waxaan idiin soo gudbinaynaa khudbadii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee uu Mudane Maxamed Ibraahim Ducaale Aftaag uu ka jeediyey Xafladii soo dhawaynta wasiirka ee ay u sameeyeen Jaalliyada reer Khaatumo state of somalia ee MN wadanka Maraykanka.

Waraysi Uu La Yeeshay Kalsan Tv Wasiirka Xidhiidhka Caalamiga, Qorshaynta Iyo Jaalliyadaha Ee Khaatumo (Daawo)

Wariyaha sare ee Cali Xaraare wuxuu waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay wasiirka xidhiidhka caalamiga qorshaynta iyo jaalliyadaha mudane Maxamed Ibraahin Ducaale Aftaag oo isagu haatan ku sugan wadanka Maraykanka, dhawaana uga sii gudbi doona wadanka Kanada.

Buraanburkii Soo Dhawaynta Wasiirka Qorshaynta,Xidhiidhka Caalamiga Iyo Jaalliyadaha Khaatumo State (Daawo)

Waxaanu idin soo bandhigi doona buraanbur laga mariyey xafladii soo dhawaynta wasiirka qorshaynta  xidhiidhka caalamiga iyo jaalliyadaha ee Khaatumo state of somalia, Mudane Maxamed Ibraahin Ducaale Aftaag, oo haatan safar dheer oo shaqo ku galaa bixinaya jaalliyadaha wadanka Maraykanka.

Soo Dhawayntii Wasiirka Arimaha Dibada, Qorshaynta Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ee Khaatumo Ee Ohio (Daawo)

Wasiirka arimaha dibada qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga mudane  Maxamed Ibraahim Ducaale Aftaag ayaa safar shaqo ku maraya wadanka Maraykanka, waxaana haatan dhawr maalmood uu joogay Columbas Ohio, oo halkaasina si diiran loogu soo dhaweeyey.

Daawo Barnaamij Siyaasadihii Isdiidanaa Ee Buuhoodle & Xaqiiqada Dhabtaha {Daawo Masuul ku Marti Ah}

Tv-ga kamid ah kuwa ku hadla afka soomaaliga oo lagu magacaabo somalicable ayaa waxa uu barnaamij kasameeyey booqashadii Madaxweynaha Maamulka khaatumo state Prof Cali Khaliif Galaydh & Siyaasadihii isdiidanaa ee magaalada kasocday Barnaamijka waxaa marti ku ah Ibraahim Cali Nuur Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Khaatumo state ee wadanka UK.

Aqoonyahan Reer Khaatumo Ah Oo Karbaashay Horgalada,Hambalyana U Diray Madaxweynaha Khaatumo Iyo Xukumadiisa

Waxaa ugu horayn uu hambalyo u diray maamulka khaatumo iyo madaxweynaha maamulka khaatumo iyo golayaashiisa isagoona soo dhaweyay guulaha waa wayan ee ay gaadheen maamulka khaatumo iyo hormarka ka socda buuhoodle.

Kalfadhigii Labaad Ee Golayaasha Khaatumo Oo Ka Furmi Doona Deegaanka Balicad

Waxaa haatan ku sugan deegaanka Balicad madaxweynaha dawlad goboleedka Khaatumo state of somalia Mudane Cali Khaliif Galaydh, oo dhawaan ka soo kicitimay caasimada soomaaliya, isagoo markaasi ay wehelinaysey shixnado daawo iyo agab kale ah.

Abwaanad Reer Khaatumo Oo Gabay U Tirisey Guushii Reer Buuhoodle Iyo Dhiirigelin Ku Wajahan Beelwaynta Khaatumo (Daawoo Dhuux)

Suugaantu waa hiddo iyo u dhalashee Abwaanad Faadumo Cali Sahal(Faadumo Darwiisho) waxay inoo soo gudbinaysa tix gabay ah oo magaceeda la yidhaahdo (Gunimo-diid) oo ay ku cabirayso dareenkeeda dhabta ah ee ku wajahan deegaanada Khaatumo State of Somalia, mar waxay ku amaanaysaa geesiyaasha reer Buuhoodle, ee dharaartii dhawayd hilfaha u laabay kuwii awrkiraalayaasha ahaa, dhanka […]

Ku Soo Dhawaada Gabay La Magac Baxay Halgan (Daawo)

Waxaan idin soo tebinaynaa gabay la magac baxay Halgan, waana gabay xambaarsan murti iyo guubaabo qoto dheer, si gaar ahna wuxuu farta ugu fiiqaya qaar ka mid ah deegaanada Khaatumo state of somalia, oo uu leeyahay waar maxaa idin seexshay oo bustaha qabowna idin saaray.

Khaatumo oo Xagla Toosiye & wasiirad Aniisa meel adag saartay + “Buuhoodle waa Khaatumo”

Maamulka Khaatumo State ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safar maalintii shalay ahayd ay kusoo gaadhay gudaha magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska maamulka Puntland Aniisa C/qaadir Xaaji Muumin, banaan baxyo rabshado watay oo dhex maray madax ka tirsan maamulka Puntland iyo shacabka reer Buuhoodle oo garabsanaya maamulka Khaatumo iyo […]

Wasiirka Amniga iyo Gaashaandhiga ee Khaatumo State (Waraysi)

Madasha la magac baxday 60ka oo ah bar taleefoon wadaaga, boqolaal qofna ay dhegaystaan ayaa lagu soo xidhay Wasiirka Aminga iyo Gaashaandhiga ee Khaatumo State Col. Ismaaciil Ahmed Cumar waxaanu ka waramaya waxyaabihii ka soo cusboonaaday deegaanada Khaatumo state of somalia.

Qaybtii Afraad Ee Radio Calaacal(Daawo Oo Dhuux)

Qaniinyo ayaa qaniinyo ka fujisa waxaanu idin soo gudbin doonaa qaybo badan oo ku saabsan Radio Calaacal, waxaana barnaamijkan soo diyaariya koox si gaar ah ugu tababaran habaynta iyo  isku soo dubaridka barnaamijkani, waxaanad ku ogaan doontaan farqiga u dhexeeya aragtiyada shakhsiyaadka, jidkana waxaa ku soo jira qaybo kale.

Gabaygii GAGGAW Iyo Abwaan Hurre Dabayl(Daawo)

Waxaa haatan idinku soo maqan gabay miisaankiisa iyo murtidiisa xambaarsan oo la magac baxay Ka Gaw, waxaana tiriyey Abwaan ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, magaciisana la yidhaahdo Abwaan Hurre Dabayl, run ahaantiina wuxuu gabaygan uu si fiican ugu karbaashayaa kuwo isku dayey inay aflagaadeeyaan, meel uga dhacaan shacabweynaha reer Khaatumo ee leh […]

Ka Bogo Qormaadan Iyo Khudbadii Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh Ka Jeediyey Cadaado

Caleemasaarkii Galmudug state ru ahaantii shacabweynaha reer Khaatumo wax weyn baa uga kordhay, waxaana ka mid ah dawlada federaalka soomaaliya oo cadaysey in aanay gobolada waqooyi soomaaliya qorshaha ugu jirin, balse la dhamaystiri doono kuwo gobolada Koonfureed ee soomaaliya, maxaase uga qorshaysan maamulka Khaatumo?!!!!

Waxaad Dhuuxdaan Nuxurka Khudbadan Uu Garaad Jaamac Garaad Cali Ka Jeediyey Abu Dhabi 16/08/2007

Xilli haatan laga joogo sideed sanadood ka hor waxaanu khudbadan ka duubnay Garaadka guud ee deegaanada Khaatumo state of somalia, isagoo markaasi ku sugan wadanka isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Magaalada Abu dhabi oo uu markaasi ku joogay safar booqasho iyo shaqo isugu jira.

Maamul Beeleedka SNM Halkee Bay Ka Keeneen Laba Calan Baanu Isku Darsanay Koonfur? (Daawo)

Maamul beeleedka SNM waxay in badan ku doodi jireen koonfur waxaanu isku darsanay anagoo laba calan kala sidana, waxaanuna isku noqonay laba dawladood oo wax isku darsaday, hadaba arrinkani ma yahay mid ay wax ka jiraan, mise xaalkoodu waa ku qabso ku qadi mayside?!!!

Hees Cusub Oo Khaatumo Loo Sameeyey Iyo Fanaanadeennii Siciido Shiino (Daawo)

Markii la fahmay luqada keliya ee ay maamulada qaarkood fahmi karaan inay tahay dhanka suugaanta amaba heesaha, maamul goboleedka Khaatumo state qasab bay ku noqotey inay luqadaasi isticmaalaan si ay maamuladaasi u fahamsiiyaan in shacabka SSC toosay danahiisa uu u foofay, dib dambana aysan u dhici doonin inay wiil qayrkood ah daba fadhiistaan.

Gabaygii Iskaashi Iyo Abwaan Hurre Dabayl (Video)

Abwaan Hurre Dabayl oo ka mid ah abwaanada ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, wuxuu gabaygan curiyey xilli ay maamulada SSDF iyo SNM ay is caashaqsanaayeen hawadana isu soo marin jireen erayo beerlaxawsi ah, munaafaqadnimo xambaarsan sida SSDF oo ku hadaaqi jirey walaalahayaga somaliland, taasi oo ay ujeedkooduna ahaa inay ku xumeeyaan ku […]

Qaybtii Labaad Ee Radio Calaacal Oo Ka Waramaya Maamulka Maxamuud Saleebaan (Video)

Waxaan idin soo bandhigaynaa Radio Calaacal qaybtiisi labaad, waxaand kaga bogan doontaan calaacalka isku buuqa jahawareerka kala shakiga is hiifka iyo burburka soo wajahay maamulka Maxamuud Saleebaan oo isagu abidkiis ka shaqeynayey dhibaataynta, khalkhal gelinta iska horkeenka shacabweynaha maamul goboleedka Khaatumo State of somalia, balse godkii ay qodayeen maanta iyagaa ka dhex cabaadaya.

Gabaygii La Magac Baxay Guurdoon Iyo Abwaan Jaamac Cali( Jaamac Falastiin)

Halkan waxaan idiin ku gudbinaynaa gabay la magac baxay GUURDOON iyo abwaan Jaamac Cali Jaamac Falastiin, run ahaantiina abwaanku wuxuuna ku soo bandhigayaa hablaha deegaanada Khaatumo qiimaha ay leeyihiin iyo siday isaga dhowraan meel ka dhaca, basarinimada iyo wixii liidnimo ah.

Xilligii Dawladii Carta Sidee Baa Loo Arkayey Maamul Goboleedyada?!!! Waraysi Aanu Ka Soo Helnay Kaydka Aftaag Production (Daawo)

Muddo haatan laga joogo 14 sanadood waxaanu magaalada Laascaanood ee caasimada gobolka Sool aanu waraysi kaga qaadnay Xildhibaan Faarax Cali Shire oo isagu ka mid ahaa xildhibaanadii xilligi dawladii Carta. Waxaanu waraysigani uu si la yaable ugu qaadaa dhigayaa arimo badan oo maanta taagan, sida damaca qaawan ee maamulada SSDF iyo SNM dhinaca kalena wuxuu […]

Warbixin Maqal Iyo Muuqaal Ah Oo Ka Hadlaysa Degmada Taleex Iyo Maamuladii Ku Hardamayey (Video)

Waxaynu la soconaa in ay dhawaan maleeshiyada maamul beeleedka SNM ay gaadheen magaalada taariikhiga ah ee Taleex, iyagoo qasadkoodu ahaa inay xoog ku muquuniyaan shacabweynaha reer Taleex ee Khaatumaysan, balse hal habeen waxaa ku ruqaansaday ciidamada tababaran ee guurguura ee maamul goboleedka Khaatumo state, oo kuna dhuftay dhirbaaxo lama ilaawaan.

26 June iyo sidii looga dabaal degay Laascaanood – Video

Radio Laascaanood Iyo Sanadguurada 55 aad Ee Ka Soo Wareegtay Xilligii Ay Gobolada Waqooyi Xoroobeen.

Nin Jidka Dhexdiisa Sariir Dhigtay (Video)

Waxaa magaalada Cardiff oo ka tirsan wadanka midowga isutaga boqortooyada ingiriiska ka dhacday qiso run ahaantii aad loola yaabay, waxaana dhacday nin dhallinyaro ah ayaa sariirtiisi wuxuu dhigtay jidka dhexdiisa, isagoo markaasi uga dan laha in wax laga qabto arrin uu diidana oo ahayd jidkaasi oo isla sanad gudihiis sadex qof ay baabuuri ku jiidhay.

Gabaygii Gocasho Iyo Abwaan Jaamac Kediye Cilmi(Daawo)

Waxaan muddo haatan laga joogo sadex iyo toban sanadood ka hor aan magaalada Laascaanood kula kulmay Abwaan Jaamac kediye cilmi, waxaana ii suurtagashay inaan waqtigaasi ka duubo gabay la magac baxay Gocasho, wuxuuna gabaygani si toos ah u abaaraya shacabweynaha SSC iyo xaaladihii ay markaasi ku sugnaayeen.

Xilligi Barde Khaatumo Muxuu Ka Yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil? (Video)

Waxaan kaydka Aftaag Production ka soo helay xilligii lagu sugnaa barde Khaatumo oo ku yaalla magaalada taariikhiga ah ee Taleex, oo ay ku sugnaayeen dhamaan shacabweynaha SSC, sida siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, waxgaradka iyo haweenka noocyadooda kala gedisan, qurbajoogta, iyagoo halkaasina dhidibada ugu taagay maamul goboleedka Khaatumo state of somalia.

Fanaanada Qaranka Khaatumo Ee Siciido Shiino Iyo Hees Siyaasadaysan (Video)

Waxaan idiin soo gudbinayna hees huwan kalgacayl, balse wajigeeda qumani heesta lafteeda ayaad ka dhadhansan doontaa, waxaana inoo qaadaysa fanaanada qaranka Khaatumo Siciido Shiino, marka isku daya inaad dhuuxdaan, isna weydiiya gantaalaha heestaasi meesha ay abaarayaan.

Kaydka Aftaag Production Waxaanu Idinka Soo Helnay Muuqaaladan Oo Hada Laga Joogo Afar Iyo Toban Sanadood

Mar aanu dhex galnay kaydka dhaxalgalka ee Aftaag Production waxaanu ka soo helnay qaybahan soo socda oo gebi ahaantoodba aad ku arki doontaan muuqaalo aanu duubnay 2001, oo haatan laga joogo afar iyo toban sanadood.

Kaydka Aftaag Production Waxaan Ka Soo Helnay Abwaan Jaamac Kediye Xilli Uu La Hadlayey Daahir Riyaale Oo Laascaanood Soo Gaadhay (Video)

Kaydka dhaxalgalka Aftaag Production waxaan ka helnay gabay uu Jaamac Kediye Cilmi  u tiriyey Daahir Riyaale Kaahin xilligii uu horboodaha u ahaa maamul beeleedka SNM, mar uu soo gaadhay magaalada Laascaanood oo markii dambe lagu duqeeyey goobtii uu kaga soo degay magaalada Laascaanood oo xilligaasi ay ka talinaysey Puntland.

Powered by WordPress