
Waxaanu idiin soo gudbinaynaa barnaamijkii maqal iyo muuqaalka ahaa ee kuna saabsanaa geella iyo waxtarkiisa, waana qaybtii sadexaad iyo Iggarre Yaasiin oo isaga laftiisu uu wax badan ka wato.
Xog Sugan Iyo Dhexdhexaadnimo
Waxaanu idiin soo gudbinaynaa barnaamijkii maqal iyo muuqaalka ahaa ee kuna saabsanaa geella iyo waxtarkiisa, waana qaybtii sadexaad iyo Iggarre Yaasiin oo isaga laftiisu uu wax badan ka wato.
Halakn waxaan ku soo bandhigaynaa Riwaayada cusub oo ay keeneen igarre yaasiin iyo saaxiibadii Sheekadan aadka u xiisaha badan oo lagu soo bandhigay Caasimada Dalka Kenya Gaar ahaan Tiyaatarka Dalka Waxaa Loogu Dabaal Dagayey Munaasibada Loo Asteeyey Maalinta DHaqanka Soomaalida, Oo Sanadkiiba Mar Looga Dabaal Dago Waddanka Kenya Sheekadan aadka u xiisaha badan HOOS KA […]
Waaxaan halkan ku soo bandhigaynaa barnaamij aad u xiisa badan oo ka mid barnaamijkii taxanaaha ahaa ee aad horay u daawateen, Ee ku saabsanaa wax tarka geela ee uu soo saaray Igarre yaasiin xaaji Muuqaalkan oo daba socda kuwii horay aaanu u baahinay kuwa kalana ay ka danban doonaan waxaad ugu bogan doontaa qodobo kala […]
OGEYSIIS DHAMAAN ———————————- ▪ Waxaa Waajib Inagu Ah U Hiilinta Xaqa Iyo Raadinta Xoraynta Dalkeena Cadawgu Haysto.. ▪Waxa Waajib Inagu Ah Garab Istaaga Xaqlayaasha Qalabka Sida Ee U Halgamaya Soo Dhicinta Sharafta Iyo Gobanimada Dalkii Dhulbahante Ee Cadawgu Haysto Maanta.
Dhowr maalmood ka hor waxaa kulan wada xaajood ku yeeshay magaalada London beelweynta ugaadhyahan ee ku dhaqan wadanka ingiriiska, arimo fara badan ayaana laysla soo qaaday.
Oday si cadaalad daro ah dhawaan Uu Siilaanyo ugu cumaamaday inuu isu taago doorasho ku sheegooda, kana mid ahaa ragii xilligi Siyaad Barre askarta u ahaa, balse meelahaasi ka sheegta inuu ahaa waxa ay ugu yeedhaan Mujaahidka lana yidhaahdno Muuse Biixi, wuxuu meel gole dhaqameed ah fariin calaacal ah uga diray wufuuda ku sugan Buuhoodle […]
Was Barnaamijkeenii Kaca Oo Ka Dhiidhiya Dulmiga waana barnaamij todobaadle ah wuxuuna si toos ah uga baxaa idaacada Codka Khaatumo ku hadasha oo sidii BBCda iyo VOA ayaa looga dhegaystaa deegaanada Khaatumo state of somalia iyo dhamaan gobolada waqooyiga soomaaliya oo idil.
Waxaan nala daawataan berismaadkii iyo ururkii SUDO ee ka dhisnaan jirey wadanka Ingiriiska, kaasi oo ahaa urur si firfircoon ugu adeegi jirey beelwaynta SSC ee gudaha iyo dibada ku noolayd, dhallinyaro badan ayaana xilal ka soo qabatay, inkastoo uu markii dambe burburay.
Qolka Kaydka Aftaag Production waxaanu ka soo helnay muuqaal la duubay sanadku markuu ahaa 2004 oo haatan laga joogo kow iyo toban sanadood oo xidhiidhsan, hase ahaate socdaalkaasi wuxuu ahaa mid loogu kuur galayey hawlaha degmadaasi ka soconayey.
Gabaygan Ishaaro waxaa tirinaya abwaankeenna qaaliga ah ee Jaamac Kediye oo aan sanadkii 2002 aan kula kulmay magaalada Laascaanood weliba xaruntii ay lahayd idaacadii madaxa banaanayd ee Raadyow laascaanood.
Ka dib markii uu madaxweyne Cali Khaliif Galaydh isku shaandhaynta ku sameeyey golahiisii wasiirada ee kala joogay gudaha iyo dibada waxaa isku shaandhayntaasi ka jawaab celiyey mudane Maxamed Ibraahim Ducaale Aftaag oo ahaa wasiirkii arimaha dibada ee maamul goboleedka Khaatumo state of Somalia.
Garaad Abshir Saalax Maxamed wuxuu ka mid ahaa garaadadii sida weyn uga dhex muuqanayey xilligii la unkayey maamul goboleedka Khaatumo state of somalia, wuxuuna si dhab guntiga ugu xidhay ballankii iyo dhaartii barde Khaatumo.
Waxaa magaalada taariikhiga ah ee Taleex lagu qabtay maalintii ay bishu ahayd 29/10/2015 shirweyne aad u ballaadhan oo lagu taageerayey midaynta gobolada Sool Iyo Sanaag oo dhawaana lagu wado in loo sameeyo maamul dhamaystiran, isla markaasina waafaqsan dastuurka dawlada federaalka soomaaliya.
Taariikhdu waa giraan wareegaysa, aadamuhuna wuxuu maalinba ka galaa meel, in wax tegay la xasuusto ceeb maaha, in wax dhacay oo dhab ah, la sheegaana dhib maaha, in dhirta iyo bani’aadamku isbedelaana waa shay nolosha aan qariib ku ahayn, meel ka dhaca iyo deelqaafkuna milgaha uma fiicnaa, si hufan baynu u guud mari sooyaal la […]
Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu khudbad dheer oo taariikhiya uu ka jeediyey Abu dhabi 16/08/ 2007 waxaanu kaga hadlay arimo badan oo xilligaasi u muuqanayey, wuxuuna aad ugu dheeraaday midnimada beesha dhulbahante inay tahay muhiim, balse dhegaha ma loo furay laabtana ma loo siii daayey?
Waxaa dhowaan magaalada Qoriley Kulan balaadhan isugu yimid isimo, Cuqaal, Nabadoono, Culimo iyo Waxgarad Soomaaliyeed oo Tiro badan, Kuwaasi oo dhamaantood u istaagay xabad joojin iyo nabadayn waarta oo laga dhaliyo colaada deegaanada Qorilay iyo Magaclay.
Kooxda Qaylo-dhaan ayaa soo saartay Hees Xambaarsan Dareen Baladhaan Taasi oo loogu magac daray Gen: GABRE oo kamid ah Saraakiisha Ethopia ee saamaynta wayn ku leh Arimaha Soomaaliya “Goo goynta dalkeeniyo, adigaa gobolaysi wada, shabaabka adigow gurmada, Rasaasta adigow gudbiya, adigaa guusheena neceb gebrooow”. Ayaa kamid ah Erayada Heeska.
Wasiirka Arimaha debeda ee Khaatumo State Maxamed Ibraahim Ducaalle {Aftaag} ayaa waraysi siiyey Barnaamijka Xaashi iyo xogta, wuxuuna ka hadlayaa arimo badan oo xaasaasi ah, wasiirka ayaa ka hadlay safarkiisa North Amerika, cida uu la kulmay, Shirka Balicad iyo arimo kale oo muhiim ah.
Waxaan idiin soo xulnay gabay la magac baxay (Dalaaq) waxaana curiyey abwaan caan ka ah geyiga soomaaliyeed iyo geyiga khaatumo state of somalia, magaciisana waxaa la yidhaahda Abwaan Hurre Dabayl wuxuuna ka mid yahay abwaanada fara ku tiriska ah ee suugaantooda u meel daya.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa markale beenisay eedaha ka soo yeeray Iiran ee ah inay gudashada xajka ay si qalad ah u maareeyeen.
Ku xigeenka maamulka Garoowe C/xakiim Camey ayaa gaadhay deeganada beesha Majeerteen si ugu soo tacsiyeeyo, wuxuuna tegay tuulooyinka Jalam iyo Burtinle oo ay ku soo dhaweeyeen beesha Majeerteen ee uu sida tooska sadexdii maalmood ee ugu danbeeyey warbaahintooda hiilka cad ugu marinayey.
Idaacada codka khaatumo oo si fiican oo faseex ah looga dhegaysto dhamaan gobolada waqooyiga soomaaliya, hadaba waxaan halkan idinku soo gudbinayna barnaamijkii kaca oo ka dhiidhiya dulmiga, waxaana lagu faaqida hadba wixii ka soo kordha deegaanada khaatumo state of somalia.
Waxaad nala wadaagtaan gabaygan la magac baxay Dan iyo Taariikh, waxaana tiriyey abwaan ruugcadaa ah reer Khaatumo ah, oo xilligaasi ku sugnaa madashii barde Khaatumo oo ah goobtii lagaga dhawaaqay maamul goboleedka Khaatumo state of somalia, waana gabay xambaarsan murti shilis iyo wax ku qaadasho waafi ah.
Weriye Cali Xaraare oo ku caan baxay dhexdhexaadnimada, isla markaasina ah weriye qaran oo ka madax banaan qabyaalada, nin jeclaysiga iyo u xaglinta dhinac ayaa waraysi wuxuu la yeeshay gudoomiyaha barlamaanka maamul goboleedka Khaatumo state of somalia mudane Maxamuud Sheekh Cumar.
Mar aan dhex qaaday kaydka dhaxalgalka ee Aftaag Production waxaan ka soo helay barnaamij fariin ahaa oo aanu ka duubnay bahdii Radio Laascaanood xilli haatan laga joogo 14 sanadood, waxaana muuqaalkan ku jira ragii waagaasi hawl wadeenada idaacada Laascaanood ahaa oo qaarkoodna hada nool yihiin qaarkoodna xijaabteen.
Magaalada Buuhoodle ayaa maaanta si Rasmi ah looga bilaabay bixita Baasaboorada iyo Dhalashada Muwaadinimo iyadoona Dadwaynaha Buuhoodle Safaf Dhaareer u galeen, waxaana Arintaan ay timid kadib markii Buuhoodle laga Furay Xafiiskaasi.
Ka dib markii dhawaanahan wadooyin yar yar oo dhawr km ah ay ku faanayeen maamulka Siilaanyo ee Laascaanood haystaa, isla markaana dad badan oo wax ma garata ah arimahaas loogu sheegay waxqabad maamulka Somalidiidku qabtay, ayaa waxa arintaas salkeedii xalay Buuhoodle ka sheegay Madaxweynaha Khaatumo, oo cadeeyey in Khaatumo dhaqalahaas ka soo dhamaysay beesha caalamka […]
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid isimada mayalka adag ee aan marna isbedbedelin, wuxuu khudbad qiima iyo qaaya mudan uu ka jeediyey xidhitaankii shirweynaha Balicad, wuxuuna shacabweynaha reer Khaatumo uu ku booriyey in uu qof waliba kaalintiisa uusan cid kale ku eegin.
Waxaa maanta magaalada Balicad Lagu soo gabagabeeyay shirkii uga socday Golayaasha maamulka khaatumo Waxaana shirka Laga soo saaray Qodobo ay kamidyihiin. Midnimada Shacabka khaatumo, Xoraynta deegaanada maqan, Nabadaynta, Gogol Loogu yeedhay Isimada khaatumo dhamaantood, Wada shaqaynta khaatumo iyo dawlada federaalka, Xidhiidhka dawlada itoobiya Iyo Dawlad degaanka Soomaalida, Maamulka oo labaahiyo lanagaadhsiiyo dhammaan deegamada, Amaanka, Dhaqaalaha […]
Waxaan idiin soo bandhigaynaa gabay la magac baxay Bal car sheega gaalada shayga aad ku dhaantaan, waxaana gabaygaasi tiriyey Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo muddo haatan laga joogoafar iyo toban sanadood ka hor aan kula kulmay magaalada Laascaanood, xilli aan ku sugnaa Idaacadii Radio Laascaanood oo waagaasi aad looga dhegaysan gudaha magaalada iyo nawaaxigeedaba.