Archive for the ‘Maqaallo’ Category

SI AAYAN TAARIIKHDU U LUMIN (Xaji Faarax Xayd) QAYBTA 5AAD

Boqor Haile Silase waxa u Ethiopia ku soo noqday 1941, ka dib markii Ingriisku Talyaaniga ka xoreeyay dalkaas. Dadkii boqorka la soo noqoday waxa ka mid ahaa mudane Xaji Farax Xayd Cali.

FacebookTwitterGoogle+Share

Wiil 7 jir ah oo $22 milyan ka sameeya Youtube-ka

Wiil 7 sanno jir ah oo ka faalooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay in uu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeya shabakadda Youtube.

Maxaad ka ogtahay filimkii Sayidka ee aan waligii la daawanin?

Sanadkii 1983-dii ayaa dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay maal-gelisay filim laga jilayay guumaysigii Ingiriiska iyo halgankii Sayid Maxamed Cabdile Xasan, kaasi oo ay gacanta ku haysay shirkad aflaanta sameysa oo laga leeyahay dalka Hindiya.

Wax aan ahay ninka dunida ugu weyn!! (Mohamed Ali Clay)

Wuxuu ka dhashay qoos madoow ah oo misna cayr ahaa, waxay dagganaayeen gobolka Kentucky, kaasoo laga dhaqdo digaaga (doorada) si lamid ah sida Geella Soomaaliya looga dhaqdo.

XIJAABKII SABABTA LOOGA DHIGAY INAY BADBAADAAN.

Taariikh markay ahayd 1979 Awoowgay ayaa go’aansaday inuu ka guuro Syria una guuro USA. Qorshaha awoowgay wuxuu ahaa inuu isagu tago USA kadib ayayday iyo 7 Caruurtooda ah uu qaado. Wuu udacwooday waana loosoo qaaday, qorshahooda Socdaal wuxuu ahaa Airlines Flight #191 inay kusii hakadaan New York kadib Chicago kadib California.

Nin qirtay inuu Mareykanka gudihiisa “ku dilay 90 ruux”

Nin dilaa ah oo xabsiga ku jira ayaa baaritaan lagu sameeyay, kaddib markii uu qirtay inuu Mareykanka dhexdiisa ku dilay 90 qof, muddo 40 sanadood gudahood ah.

Haweenka Beelweynta Maxamuud Garaad Ka Soo Qaybgala Talafoon Wadaag Lagaga Hadlayo Wiilasha Xaqdarada Lagu Haysto Ee Ku Xidhan Diridhabe

Dhamaan Haweenka Beelweynta Maxamuud Garaad Waa Inaad Ka Soo qayb gashaan talafoon wadaagan. Waxaynuna iska waraysan doonaa qaabkii aynu u qaybsan lahayn kharashkii aynu ku curyaamin lahayn wiilashaasi xaqdarada loo xidhay….

Jawaasiista laga helay galka Sirdoonka Ethiopia ee Mushaarka joogtada ka qaadan jiray Xukumadda Addis Ababa ?

Jawaasiista laga helay galka Sirdoonka Ethiopia ee Mushaarka joogtada ka qaadan jiray Xukumadda Addis Ababa ? 1- Xildhibaan Mahad Cawad – Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somalia, waxaa u qoran derajadda Korneyl. Sirdoonka Ethiopia 2- Jeneral Bashiir Goobe, Taliyaha Ciidanka Asluubta Somalia waxaa u qoran derajadda Jeneral. Sirdoonka Ethiopia.

Farmaajo : Dalalka kale waxay noosoo diri jireen jawaasiis

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay dad Soomaali ah kula hadlay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii billihii ugu dambeeyay . Is dhexgalka Geeska Afrika Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu waayay hal qof oo sabab macquul ah sheega, oo ay tahay in looga baaqsado heshiisyada dalalka […]

Ha Loo Gurmado Wiilashan Walaalaha Ah Ee Ka Soo Jeedda Deegaanada SSC Oo Ku Xidhan Xabsi Ku Yaal Diridhabe

Taariikhdu markay ahayd 01/06/2018 waxaa magaalada Diridhabe si sharci daro ah loogu xidhay laba wiil oo walaalo ah, asal ahaana ka soo jeedaa deegaanada SSC, waxaana magacyadooda la kala yidhaahdaa SHIRWAC CABDI MAXAMED oo dhashay 25/05/2003 iyo walaalkiis oo isna la yidhaahdo Khalid Cabdi Maxamed oo dhashay 10/04/2003, hadaba ummada soomaaliyeed gaar ahaan shacabweynaha reer […]

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shir caalami ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha.

Waa kuma Sh Cabdiwali oo maanta Gaalkacyo lagu dilay?

Waxaa magaciisa oo saddaxan uu yahay Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare.  Sida uu BBC u sheegay nin aqoon dheer u lahaa Sh Cabdiwali ayaa da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo lixdan sano.  Sh Cabdiwali Sh Cali Cilmi Yare waxaa uu ku dhashay tuulo lagu magacaabo Laguraqsay oo Gaalkacyo qayaastii dhowr iyo lixdan kiilomitir dhanka Koonfur […]

Warfidiyeenadii Gobolka Sool Oo Dhaameel Loo Daadiyey!!!

Wararka hoose ee aanu ka helayno magaalada Laascaanood waxay sheegayaan in weriyayaashii gobolka Sool dhamaantood waxooga dollar ah jeebadaha loogu shubay, ka dibna waxay istuseen in qaska Warbaahineed laga ilaaliyo socdaalka Muuse Shaani…

Horgale Galaydh Oo Dhaqaalihii Khaatumo Ku Furtay Warshad Sambuuse, Ooridiisana Madax Uga Dhigay- VIDEO

Xilligii ay sida yaabka badan shacabka SSC badankoodu ay ugu jibaysnaayeen Khaatumadii ay khiyaameeyeen kooxdii Horgale Cali Khalif, waxaa jirtay dhaqaale fara badan oo ku dhacay Jeebka Horgale Galaydh, il dambena aan la saaran.

Weeraro lagu qaaday saldhigyada laascasnood Qaarkood

Waxaa Halmar ayuu Isbedeley Jawiga Magaalada Lasanod oo markii hore ahaa mid nabdoon Abaara 3:15 Habeenimo Waqtigaas oo Dadka intiisa badani hurdo ku jireen kadib markii weeraro kala duwan lagu qaaday qaar ka mida saldhigyada magaalada lasanod.

Dilka Alle ayaa gacanta ku haya …….

Waxay ahayd xilli duhur ah Waxaan ku jirey Shaqo Maalmeedkayga , Wararkii aan diyaarinayey ayaa waxaa ka mid ahaa dhinaca Caafimaadka gaar ka Duruufaha adag ee ka jira gobolka dhinaca Caafimaadka , Waxaan isku diyaarinayey warbixin baahiyaha Caafimaad ee iminka ka jira gobolka .

Ciidamadii Kornayl Caare Oo Weerarey Ceel Afweyn

Wararka aanu ka helayno gobolka Sanaag waxay sheegayaan jabhadda dulmidiidka ee kornayl Caare duullaan ku qaadeen degmada ceel afweyn oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan xukumada Muuse Biixi.

Alla Waan Dhiman Gaaray!!

Wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii wax ka dhistay dalka Imaaraadka, wuxuu ahaa shaqaalihii lagu bilaabay dekadda weyn ee Jabal Cali ee Dubai, markuu weynaaday ayuu dib ugu soo laabtay magaaladii uu ka yimid markii hore ee Geed-Deeble.

Haweenay Masayr Dartiis Ninkii Dishay, Hilibkiisina Falfalisay!

Dawladda Imaaraadka ayaa xabsiga u taxaabtay haweenney u dhallatay dalka Marooko, ka dib markii la gu soo eedeeyay in ay dishay, oo hilibkiisii jarjartay, dabadeedna ay karisay, ayaa ay bariis ugu qalaysay shaqaale u dhashay dalka Pakistan oo ay magaalada Al-cayn ka wada shaqaynayeen.

Maxay ku kala duwan-yihiin Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal, Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Xilligii uu Siilaanyo ahaa mucaaradka ”Somaliland“ Cigaalna noolaa ilaahay hawnaxariistee ayaa aniga oo fadhiya makhaayad ku dheganayd Hutel Cadaani ee magaalada Burco goor barqo ah ayaan waxaan maqlay heestii Hibo Nuura iyo Maxamed Saleebaan Tubeec wada qaadi jireen ee” Geesiga dhulkii guusha u horseeda geerida dishaay geedkaa ha ba‘o“ oo gaadhi sameecado lagu soo rakibay […]

Abwaanad Roda Ibrahim Cabdi Gurey(Afjano) Oo Tix Gabay Ah Kaga Qayb Qaadatay Gogosha Jigjiga

Abwaanad Roda Ibrahim Abdi Gurey (Afjano) ayaa mar kale tix gabay ah kaga qayb qaadatay nabadaynta labada qoys ee gobolka Sool colaadu ku dhex martay, tixdaasina wuxuu magaceedu yahay Dhab u walaalooba ayaa dhinaca kalena guud ahaan umadda Soomaaliyeed baraarujinaysa.

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Conte oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.

Dooddii xukuumadda Puntland iyo shacabka ee khilaafka dowladda dhexe

Magaalada Garowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland waxaa maanta lagu qabtay dood looga hadlayay arrimaha la xiriira khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taasoo dhex martay xukuumadda iyo dadweynaha.

SHIR DEG DEGA OO CADHO IYO CATOW KU SOO DHAMADAY, LAGANA SOO SAARAY QODOBO MADHALAYS AH

Waxa habeenkii sabtida shir teleconference ah qabsatay hadhaadigii kooxdii khaatumo khiyaano, shirkaasina waxaa dhamaan ku jiray golayaal ku sheegii, taageerayaal dumar u badan, cuqaal iyo isimo la soo khalday.

Maxay Tahay Ujeedada Socdaalka Muuse Biixi Ee Gobolka Sool?!!

Wararka aanu helayno waxay tibaaxayaan shalayto waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhay boqor Burhaan oo ka soo kicitimay Qardho, maanta ilaa beritana Muuse Biixi ayaa ku soo fool leh, maxaa isku soo aadiyey?!!!

Maraykanka oo dacwado kusoo oogaya aas aasaha barta internet-ka WikiLeaks ee Julian Assange

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda ee dalkaas ay diyaarinayso dacwado kadhan ah aas aasaha barta internet-ka ee WikiLeaks, Julian Assange. Mr Assange ayaa sanadkii 2012-kii u cararay safaaradda Ecuador ay ku leedahay London si uu uga baxsado eedaymo waqti dheer loo haystay oo la xiriira xad gudub dhanka galmada ah halkaas […]

SI AANAY TAARIIKHU U LUMIN- Qaybtii Labaad

Ragga Soomaaliyeed ee Ethiopia macruufka 60meeyadii ka ahaa waxa ka mid ahaa ilma Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Xaaji Farax Xayd, General Calwaan, Col. Farax Gaas, Sh. Cumar Azhari oo ahaa muftiga Ethiopia iyo Dhejaas Maaj Cabdillahi Faarax (Dhajaas Maaj Cagoole) oo ugu magac dheera Ismada Soomaali Galbeed iyo kuwo kale.  Dad baan oo ila soo […]

Daacish oo u digtay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya

Wargeyska Todobaadlaha ah ee ku hadla afka Daacishta ka dagaalanta Syria oo lagu magacaabo Al-Naba ayaa waxaa lagu soo daabacay in hogaamiyayaasha sar sare ee Daacish ay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay kaga digayaan in wax is hor istaag ah aysan ku sameyn howlagalada ay Soomaaliya ka wadaan Daacish.

Jamaal Khaashuqji: Salaatul qaai’ib looga dukaday Sacuudiga iyo Turkiga

Masaajidda ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariye Jamaal Khaashuqji ee la dilay.  Saalax jamaal oo ah wiil uu dhalay Khaashuqji ayaa ka qayb galay munaasabad aabbihii loogu duceynayey oo lagu qabtay magaalada Jiddah. Sida oo kale dad boqollaal ah ayaa ka soo qayb galay salaadda janaasada qaai’ibka oo Khashuqji […]

Hambalyeynta Jabuuti ee Eritrea – maxaa mowqifkeeda beddelay?

Dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Qaramada Midoobay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba uga qaadday dalka Eritrea, tallaabadan ayaana dadka qaar ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama horay ay Jabuuti mowqif adag uga taagneyd arrintaas, kuna talineysay inaan Eritrea laga qaadin cunaqabateyntaas.  Labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea oo daris ah ayaa in […]

Powered by WordPress