Archive for the ‘Qolka Suugaanta’ Category

BARNAAMIJKII GEELA, QEYBTII 3AAD OO XIISO BADAN TABIYE IGARRE DAAWO

Waxaanu idiin soo gudbinaynaa barnaamijkii maqal iyo muuqaalka ahaa ee kuna saabsanaa geella iyo waxtarkiisa, waana qaybtii sadexaad iyo Iggarre Yaasiin oo isaga laftiisu uu wax badan ka wato.

Share

Nala Daawo Barnaamijkii Dhaqanka Iyo Igarre Yaasiin – VIDEO

Waxaan idin soo baahinaynaa barnaamijkii hidaha iyo dhaqanka ee uu inoo daadahayn jirey Iggarre Yaasiin oo ku sugan wadanka Kenya, waana qaybo cusub.

Share

Igarre Yaasiin Iyo Barnaamij Ku Saabsan Sida Kenya Xoolaha Nool Loo Kala Iibsado -VIDEO

Iggarre Yaasiin waa wiil soomaaliyeed oo ku nool wadanka Kenya, waana ragga sida weyn u soo bandhiga hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hase ahaatee wuxuu qaybtan ku soo bandhigayaa sayladaha Kenya iyo sida xoolaha nool loo kala iibsado.

Share

Gabay Ku Wajahan Cabdifataax Ibraahim Joofay

Abwaan la yidhaahdo Sidiiq Xaaji Yaasiin oo ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, wuxuu curiyey gabay la magac baxay dhuugu waa sharaf waana gabay ku wajahan Cabdifataax Ibraahim Joofay, waana gabay uu ku hogo tusaalaynayo.

Share

Gabaygii Gacan Maroodi Iyo Abwaan Maxamed Axmed Nuur Lambad (Dhegaysoo Dhuux)

Halkan waxaan idin ku soo gudbinaynaa gabay la magac baxay (Gacan Maroodi) waxaana gabaygaasi tirinaya abwaan la yidhaahdo Maxamed Axmed Nuur Lambad, gabayganina wuxuu ka mid yahay silsilad socotay waayadan dambe oo la magac baxday Guba3, waana suugaan laysku xifaalaynayo..

Share

Gabaygii Gocasho Iyo Abwaan Jaamac Kediye Cilmi(Daawo)

Waxaan muddo haatan laga joogo sadex iyo toban sanadood ka hor aan magaalada Laascaanood kula kulmay Abwaan Jaamac kediye cilmi, waxaana ii suurtagashay inaan waqtigaasi ka duubo gabay la magac baxay Gocasho, wuxuuna gabaygani si toos ah u abaaraya shacabweynaha SSC iyo xaaladihii ay markaasi ku sugnaayeen.

Share

Maansadii Sanqadh Baa Idiin Baxday Iyo Aamina Mursal (Video)

Abwaanad Aamina Mursal oo ka soo jeedaa deegaanada Khaatumo state of somalia, waxay maansadan ku cabiraysaa kibirka iyo isla weynida ay la soo baxeen shacabka iyo maamul beeleedka SNM, oo iyagu moodaya in taasi lagu waari doono, balse aan ogayn kuwii ka horeeyeyba inay waxba ku waayeen.

Share

Ku Soo Dhawaada Gabaygii Baxnaano Iyo Abwaan Siciid Xaaji Yaasiin (Video)

Waxaan idin soo gudbinayna gabay la magac baxay Baxnaano oo uu tiriyey abwaan reer Khaatumo ah magaciisana la yidhaahdo Siciid Xaaji Yaasiin, waxaanu kaga hadlaya arimo badan oo ka aloosan deegaanad Khaatumo state of somalia.

Share

Waa Gabaygii La Magac Baxay Caaqiibo Qaran Oo Jawaab U Ah Silsilad Ku Sheegii Guba Sadex ( Dhegaysi wacan)

Waxaan idiin soo bandhigaynaa gabay magaciisa la yidhaahdo (Caaqiibo Qaran), waxaana gabaygan tiriyey Abwaan reer Khaatumo ah magaciisana la yidhaahdo Abwaan Yaasiin Maxamuud Saleebaan, wuxuuna jawaab u yahay silsilad ku sheegii la baxay Guba 3.

Share

Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin Iyo Gabaygii La Magac Baxay Waa La Galabsaday!!! (Daawo).

Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin wuxuu ka mid yahay abwaanada ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, waxaanu abwaanku inoo soo bandhigayaa gabay uu ugu magac daray (Waa La Galabsaday!), waxaanu jawaab u yahay qoladii furtay silsilad ku sheegii (GUBA 3AAD)…

Share

Nala Wadaaga Tixdan Gabayga Ah Iyo Abwaan Jaamac Cismaan Kaarshe (Dhegaysi)

Waxaanu idin soo bandhigaynaa tixdan gabayga ah oo uu tiriyey abwaan Jaamac Cismaan Kaarshe, waxaanu ku cabirayaa dareenkiisa, si toos ahna wuxuu ula hadlayaa shacabweynaha reer Khaatumo, si gaar ahaaneedna wuxuu farta ugu fiiqayaa qolada loo yaqaano Horgalada, Midiidinka, Dabaqoodhiga iwm.

Share

Waa Gabaygii La Magac Baxay Banjar Iyo Abwaan Hurre Dabayl(Dhegaysi)

Waa gabay magiciisu yahay Banjar wuxuuna wax ka tilmaamayaa qaab dhaqanka bulshada reer SSC. Waxaana curiyey isla markaasina ina soo gaadhsiinaya isla abwaan Hurre Dabayl oo isagu markastaba xaaladaha deegaanada Khaatumo state of somalia ku cabira suugaanta.  Dhagaysi wacan.

Share

Gabay La Yidhaahdo Taleex Iyo Tolkay Iyo Abwaan Cabdiraxman Kaare

Abwaan Cabdiraxmaan Kaare oo degan wadanka ingiriiska wuxuu inoo soo gudbinayaa gabay uu ugu tala galay beelaha walaalaha ah ee wada degan degmada Taleex, waxaanu gabaygan ku soo bandhigaya sida uu uga xun yahay dhibaatada dhex taal iyo siday cadowgoodu uga faa’iidaysanayaan.

Share

Gabay La Magac Baxay Gabadhi Dhaantay Iyo Abwaan Hurre (Daawo)

Waxaanu idin soo bandhigayna gabaygii la magac baxay Gabadhi Dhaantay iyo abwaan Hurre Dabayl oo ka soo jeeda deegaanada Khaatumo state of somalia, waxaanu gabaygani ku soo socdaa wiil dhawaan soo tiriyey gabay ay cuqdad iyo cadho fara badani ka muuqato.

Share

Gabay Lamagac baxay GURDANRAAC

Dhagaystayaal waxaad halkan idiinku soo gudbinaynaa gabaygii Gurdanraac iyo abwaan Hurre Dabayl. Waa gabay u quusgoynaya raga reer Khaatumo ee wali rajo ka qabo maamulka Maxamuud Saleebaan. Sidaasi iyo dhagaysi wacan

Share

Gabay: layidhaaho Maangad oo arimabadan tooshka ku ifinaya

Gabaygan waxaa la yidhaahda Maangad, waxaana inoo marinaya abwaan Hure Dabayl,waxaanu la hadlayaa si toos ah ugu la hadlaya beesha reer Khaatumo, waxaanu gabaygani ka mid yahay kuwo badan oo ugu tala galay baraarujinta iyo kicinta shacab weynaha reer Khaatumo si ay markaasi wax ula qaybsadaan qayrkood oo ay waayadii hore ka hadheen:

Share

Maansadii Aamina Mursal Ee Magaceeduna Ahaa Adduunyadan(video)

Waxaan si xidhiidhsan idinku soo gudbin doona maansooyin aad u dhaxal gal ah oo ay iska leedahay abwaanada Reer Khaatumo ee degan wadanka Ingiriiska, maansadan idinku soo maqana waxaa la yidhaahda Adduunyadan, waxaanay si gaar ahaaneed u khuseysaa shacabweynaha reer Khaatumo oo ay leedahay ka kaca fadhiga oo dhulkiina maqaan raadsada…

Share

Abwaan Hure Dabayl Iyo Gabaygii Dundumo Maydh (Video)

Halkan waxaan idinku soo baahinaynaa gabay la magac baxay Dundumo Maydh waxaana iska leh abwaan Hurre Dabayl, run ahaantiina markaad dhegaysatid ayaad fahmi doontaa nuxur ballaadhan ee uu xambaarsan yahay, Si uu kugu dhaadhaco laabtaada iyo dhegahaba ku du’,

Share
Powered by WordPress