Madaxweynihii hore ee Maraykanka Woodrow Wilson ayaa kolkii uu rabay in dib loo doorto sannadkii 1916-kii waxa uu olole ka dhigtay “” Dagaal ayaan idinka ilaalin doonaa in aad gashaan”. Dadwaynaha Maraykan oo u riyaaqsanaa in colaad la iska mooso ayaa u codeeyey, waana uu guulaystay.
Muddo kooban kaddib oo ku beegan 1917-kii, wasaaraddii arrimaha dibadda ee Jarmalka waxa ay farriin caan noqotay u soo dirtay dalka Maksiko. Waxaa loo yaqiinnay Zimmermann Telegram. Waa farriin diblamaasiyaddeed oo Jarmalku ku dhiirigelinayey in Maksiko qabsato gobollada Taxes, New Mexico iyo Arizona ee dalka Maraykanka.